Sign in to follow this  
walaalkis

Somaliland oo sheegtay in ay duulaan ku tahay Buuhoodle

Recommended Posts

Buuhoodle
:(
Sh. M. Network) Saraakiisha ciidamada Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay duulaan ku yihiin magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer si ay gacanta ugu dhigaan magaaladaasi.

 

 

 

Kornayl C/rashiid Dhunkaal Xirsi oo ka mid ah Saraakiisha Hogaaminaysa ciidamada Somaliland ee duulaanka ku ah degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer oo waraysi siiyay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in degmadaasi ay u jiraan 7 KM islamarkaana ay ka dagan yihiin dhowr fariisin oo laga galo degmada.

 

 

 

C/rashiid Dhunkaal Xirsi ayaa waxa uu sheegay in iyaga ay u socdaan Nabad galyo balse waxa uu sheegay in colaada Somaliland ay horinayaan dad ugu yeeray fidnawadayaal taasi oo uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyo Siyaasiga caanka ah oo mar soo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Pro. Cali Khaliif Galayr.

 

 

 

Kornaylka ayaa waxa uu xusay in haatan ay socdaan waan waan ku aadan sidii loo joojin lahaa colaada balse waxa uu hoosta ka xariiqay in hadii waan waantaasi ay ka socon weydo dhanka Buuhoodle in ujeedkooda uu yahay in gabi ahaan ay la wareegaan gacan ku haynta degmadaasi.

 

 

 

C/rashiid Dhunkaal Xirsi oo hadalkiisa sii anba qaadayey ayaa waxa uu si kulul u weeraray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole kaasi oo uu ku eedeeyay in uu hurinayo colaada ka taagan Buuhoodle, isagoo uga digay in uu faraha lasoo galo waxa uu ku sheegay qadiyadda Somaliland.

 

 

 

Korneylka ayaa waxa uu intaasi ku daray in aysan jirin wax barakac ah oo ka taagan deegaanada hoostaga degmada Buuhoodl, isagoo sheegay in Somaliland aysan wax dhibaata ah u gaysan dadka xoola dhaqatada ah.

 

 

 

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu ku eedeeyay Maamulka Somaliland in dagaaladii ka dhacay Buudoole uu ku xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan taasi oo uu sheegay in Maamulkiisa uusan indhaha ka qarsan doonin ugu baaqay in si deg deg ah ay uga baxaan ciidamada Maamulkaasi deegaanada ay kaga sugan yihiin halkaasi.

Somaliland walee rag bey iska dhigayaan, more people will just die for none sense.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this