Sign in to follow this  
Somalia

Guddoomiyaha Mudug: U dulqaadan mayno in wadada wadaagsina dadka lagu laayo

Recommended Posts

Somalia   

Gaalkacyo(puntlandi.com);- Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee gudaha iyo hareeraha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey wuxuu Cambaareeyay weeraradii gaadmada ahaa ee ka dhacay hareeraha iyo gudaha Magaalada Gaalkacyo oo ay ku jiraan weerarkii maleeshiyada Koonfurta Gaalkacyo ay 2 qof ee safarka ku dishay wada wadaagsin ee isku xirta Jariiban iyo Gaalkacyo, Weerarkii Geelayda ee Caanateelka Barqa-maal, Weerarkii Jilable ee 5-ta qof ay ku dhimatay markii xooladhaqatadu ay ka jwaab celiyeen weerarkaasi iyo weerarkii Hotel Embasy ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

 

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa Maxamed Yusuuf Tigey ayaa ka digay in Jidgooyada Wadada wadaagsin ay sii jirto iyadoo wadada Hobyadana ay nabad tahay sigaoo arrinkaasi ka hadlayana wuxuu yiri guddoomiyuhu” waxaan cambaaraynaynaa falkii waxshinimada ahaa ee qaadacu dariiqnimada ahaa ee xalay ka dhacay wadada wadaagsin, taas oo noqotay jidgooyadu mid caadi ka noqota maleeshiyaanka dhinaca Galmudug in wada walba ay dadka ku laayaan oo wada walba ay dadka ku dhibaateeyaan, runtii taasna mid loo dulqaadan karo maaha, suurtagal maaha wadada hunguriga ah ee isku xidha Garacad ilaa iyo Gaalkacyo ee wadaagsin in lala mari waayo amni darro, in maalin walba dadka lagu laayo in baabuurta lagu dhibaatooyo, UDUL QAADAN MAYNO IN WADADA WADAAGSINA AY NOQOTO MEEL NABADGALYO LA’AAN AH OO DADKA LAGU LAAYO, WADADA HOBYANA AY NOQOTO MEEL NABAD AH”

 

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale Maamaulka iyo qaybaha kala duwan ee Galmudug ugu baaqay in ay Nabada taageeraan kana shaqeeyaan sidii bulshada Gobolkan uu wada noolaashahoodu u suurtagali lahaa, dhibaatooyinka jirana looga hortagi lahaa.

 

Shirka Jaraa’id ee Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli gudaha iyo hareeraha Magaalada Gaalkacyo ay ka dahceen falal is xig-xigay oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba gaystay.

 

(Shirka Jaraa’id ee Guddoomiyaha oo uu uga hadlay dhinacyo badan oo Nabada Gobolka ah isagoo dhagaysi ah qaybaha dambe ayaanu idinkugu soo gudbin doonaa hadii uu alle idmo).

 

Cumaryare, Gaalkacyo.

 

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

LOL. What is it with you, what is qabyaalad about this? I am actually confused and laughing.

 

Maybe you are projecting your feelings onto me?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

There's no other side to this, this is a governor speaking, I am showing the article relating to it.

 

This is not a thread about what has happened but about what has been said. I made a thread yesterday about that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Gobolka mudug gudoomiye ma qabo, gudoomiyaha gobolka mudug qeybta yar ee PL haka hadlo maleeshiyada ina adeeradiisa ee la dagaalamayaa maleeshiyaadka kale ee magaalada dagan. Midna awliyo ma ahan, marka runta haka hadlo hadduu mas'uulnimo sheeganaayo.

 

Sida wax loo xaliyo ha soo barto, kii sijuuga ahaa ee meesha laga eryay sannadkii hore telefoon ha u diro in Xamar si uu ugu caqliyeeyo.

 

Ilaahay hakala qaboojiyo reer baadiyahan is xabadeynaaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;787920 wrote:
Well said somalina its the pl governor for mudug obviously there is also a galmudug governor for mudug and a west puntland state governor in mudug

be honest, that line was in your head all day and finally you came across this thread and your like alhamdulillahi. Right:confused:For once be honest.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;787912 wrote:
Gobolka mudug gudoomiye ma qabo, gudoomiyaha gobolka mudug qeybta yar ee PL haka hadlo
maleeshiyada ina adeeradiisa ee la dagaalamayaa maleeshiyaadka kale ee magaalada dagan. Midna awliyo ma ahan, marka runta haka hadlo hadduu mas'uulnimo sheeganaayo.

 

Sida wax loo xaliyo ha soo barto, kii sijuuga ahaa ee meesha laga eryay sannadkii hore telefoon ha u diro in Xamar si uu ugu caqliyeeyo.

 

Ilaahay hakala qaboojiyo reer baadiyahan is xabadeynaaya.

i could not pass that half sentence of yours, so could you give me the summary of your post? Thanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;787932 wrote:
Af Somali soo baro. Mahadsanid.

if i could read the beginning of your sentence, then it means i could read the rest; it's common logic, you don't have to be a rocket scientists to figure it out. my question which you did not answer is what do you mean "gudoomiyaha gobolka mudug qeybta yar ee PL haka hadlo":confused: Are you try to be cute:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this