Sign in to follow this  
A_Khadar

Al-shabaab Waxaa Lagu Aasaasay Lacag Hargaysa Ka Timid Madaxweyne Shariif

Recommended Posts

A_Khadar   

Muqdisho,(lasanod Online)- Madaxweynaha Dawladda Somalia Shariif Shiikh Axmed, ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay qaabka loo asaasay..

 

 

ururka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida sida ay ku timid gudaha wadanka Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay Madaxweyne Shariif in ururka Al-Shabaab lagu asaasay lacag laga keenay xawaalad ku taala magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, isagoo sheegay in asaaskeeda ay ku lug lahaayeen rag ka tirsan ganacsatada reer Hargeysa iyo ururka Al-Qaacida oo ajaanib ah.

 

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay qaabka ururka Al-Shabaab uu ku yeeshay awooda, waxa uu sheegay in xilligii Maxkamadaha ay u yimaadeen ergo iyaga ka socota, kuwaasi oo ka codsaday madaxda Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah inay yeeshaan xiriir wad shaqeyn, hase yeeshee markii dambe way ka baxeen.

 

"Xilligii lala dagaalay hoggaamiye kooxeedyada ayaan aragnay inay nala galeen dagaalka hoggaamiye kooxeedyada iyagoo urursanaya hub ragga Al-Qaacida ka tirsan" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in xubnaha Al-Qaacidada ah iyo kuwa Shabaab ay isku xirmeen kaddib gudaha magaalaa ay ku soo yaaciyeen dhallinyaro surwaalo gaagaaban wata kuwaasi oo bastooladi ku hubeysan kaddib dadka waxgalka ah dilaya.

 

Sidoo kale Madaxweyne Shariif oo khudbad ka jeedinayay xarunta maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ay dileen waxgaradka iyo dadka indhaha u ah bulshada, wuxuuna caddeeyay in kooxahani aanay marnaba rabin kuna socon diinta Islaamka iyo fidinta Shareecada Islaamka.

 

"Shabaab iyo Al-Qaacida diin kuma socdaan" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay markaan in shacabka Soomaaliyeed ay ku soo kordhiyeen dhibaatooyin iyo falal ku cusub, "Janno laguma galo dadka rayidka ah oo la dilo" ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this