Sign in to follow this  
A_Khadar

Socodka Gaadiidka Degaanada Khaatumo Iyo Somaliland Oo Hakad Galay

Recommended Posts

A_Khadar   

Laascaanood,(Lasanod Online)-Isu Socodka gaadiidka ganacsiga ayaa hakad galay kadib markii maleeshiyada Somaliland qabsadeen gawaadhi..

 

 

dhawr ah oo horey oga soo kictimay Magaaladda burco.

 

Ciidamada Maamulka Somaliland ee shalay looga adkaaday dagaalkii sool-joogto ayaa bilaabay boob loo geysanayo dadka deegaankaasi kadib markii ciidanku ay jid gooyo u dhigteen gawaadhi sidey badeeco u socotay degaanadda widhwidh iyo degaano ka tirsan gobolka sool. Gawaadhidan oo tiradooda lagu sheegay 2, ayaa waxay badeecada ka soo qaadeen Magaalada Burco. Gawaadhidan oo sidii caadadada ahayd si nabadgalyo ah u mushaaxaya deegaanka uguna gooshaya wadooyinkiisa kaladuwan ayay Ciidamada Somaliland sheegeen inay sahay u sideen ciidamada Khaatumo.

 

Sida ay wararku sheegaayaan waxaa gawaadhida la keenay magaalada Qorulugud isla markaana waxaa bilaabmay dacaayado ay ku sheegayaan inay soo qabteen gawaadhi ay wateen ciidamo beeleedyo. Arintan oo ay ku marin habaabinayaan shacabkooda islamarkaana ay dhici karto inay xidhanto isku socodka gawaadhida rayidka ah ee u kala socda Degaanadda labada Maamul ee Khaatumo iyo Somaliland.

 

Arintana ayaa waxay saamayn ku yeelanaysaa ganacsatada isticmaasha wadooyinka u dhaxeeya maamuladda Khaatumo iyo somaliland iyadoo horeyba u jirtay xiisad baqdin ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this