Somalina Posted February 9, 2012 Wafdi ballaaran oo ka socda hey’adda Cunnada aduunka ee WFP oo uu wehliyo fanaanka caanka ah ee 50 cent ayaa booqasho ku tagay degmada Dooloow Soomaaliya, iyagoo halkaasi kula kulamay dedka deegaankaasi. Wafdigani ka socday hey’adda WFP ee gaaray degmada Dooloow Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyay fanaanka caanka ah ee 50 cent, waxaana degmada Dooloow ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha degmadaasi, saraakiisha ciidammada dowladda iyo dadka deegaanka. Wadfiga WFP iyo fanaanka 50 cent ayaa booqday xarumo Waxbarasho iyo deegaannada ay ku nool yihiin dadka degmada Doowool Soomaaliya, oo ay kula hadleen dadka halkaasi degnaa. 50 cent oo dadka deegaanka kala sheekeystay xaaladdooda nolololeed, kadib ayuu warbaahinta qaranka u sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu Soomaaliya soo gaaro, balse uu kula kulmay daruufo aad badan oo heysta dadka degmada Dooloow ku nool, waxa uuna carabka ku adkeeyay in dadkii uu la kulmay ay ugu darnaayeen Haween qaba xanuunno kala duwan. Fanaanka caanka ee madowga ah dhallashadiisu tahay Mareykan ayaa ballan qaaday in uu gacan ka geysan doono caawinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa uu kula kulmay Dooloow Soomaaliya. Wafdiga hey’adda Cunnada aduunka ee WFP iyo fanaanka 50 cent ayaa dib uga laabtay degmada Dooloow Soomaaliya, waxaana ay noqoneysa markii ugu horeysay ee uu Soomaaliya soo gaaro fanaankaasi, taasi oo ka digeysa in is badel uu ka jiro Soomaaliya maadaama ay ka abuurmeyso taariikh cusub. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 9, 2012 Somalina;787019 wrote: ... Ta yari ma madowgiisay ka naxday tolow ?? lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted February 9, 2012 lol @ Cunugta yari way naxday camal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 9, 2012 50 cent waa brave indeed and he is a friend of Africa. I have met him in Dar Es Slaam couple years back,we were staying in the same Hotel. Did you know he is quite short, 1.60m camal. I felt tall like a giant standing next to him. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted February 9, 2012 ^Heesaha rapkana ma dhageysataa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 9, 2012 Ma aniga Nassir? Haa aad ayaan u dhageysta. Asxaabteyda qaar baa proffesional rappers ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted February 9, 2012 Anigu koley waan ka odoyoobey arrintaas lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 9, 2012 Rap lagama odayoobo ,,,, waa laga mashquulaa uun Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nin-Yaaban Posted February 9, 2012 Doesn't need bodyguards, isn't afraid of being kidnapped. Geesi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Boondheere Posted February 9, 2012 Carafaat;787037 wrote: 50 cent waa brave indeed and he is a friend of Africa. I have met him in Dar Es Slaam couple years back,we were staying in the same Hotel. Did you know he is quite short, 1.60m camal. I felt tall like a giant standing next to him. no man 50 cent is not Short . hes about 1.83 cm tall(6.feet). Somalis average hight is 1.75. so mr 50 cent is 8 cm t taller han evarage Somalia. you can check it 50 cents hight http://www.imdb.com/name/nm1265067/bio and you can see this picture all people in the picture somalis and the camera 50 cent is the tallest. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 9, 2012 He is standing next to little kids. the guys is 1.60 I tell ya. Quote Share this post Link to post Share on other sites