Sign in to follow this  
Dr_Osman

President Farole Arrives In Garowe The Capital of Puntland And Gives Press Conference. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

M/wayne Faroole oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay shirar uu kaga soo qaybgalay Jabuuti iyo Imaaratka Carabta

Tue, 07 Feb 2012 07:16:44 -0500 am -05:00 -18000

 

Garowe.Feb 7 -Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib socdaal uu tobaadkii ugu dambeeyay ugu maqnaa dalalka Imaaraatka Carabta iyo Jabuuti.

 

Madaxwaynaha ayaa waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kuxigeenka madaxwaynaha Gen.Cabdi Samad Cali Shire,wasiiro,xildhibaano iyo dadwayne tiro badan.

 

Madaxwaynaha ayaa waxaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada ee Garoowe waxaana halkaasi uu warbixin kaga dhagaystay madaxwayne kuxigeenka Gen.Cabdi Samad Cali Shire oo sheegay dalka inuu ka jiro nabadgalayo marka laga reebo colaadda ka taagan gobolka Cayn ee u dhaxeysa dad deegaanka iyo maamulka Somaliland.

 

Safarka Imaaraatka Carabta.

 

Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle oo intaasi kadib isaguna la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay dalka Imaaraatka Carabta inuu kula soo kulmay madaxda dalkaasi uuna kala hadlay arimaha burcadbadeeda maadama sida uu sheegay dowladda Imaartaaka Carabta ay ka taageertay dhaqaalaha ku baxay tababarka ciidamada badda Puntland,inay dhanka waxbarshadada ka taageerto Puntland iyo inay gacan ka gaysato sidii ay dowladda Puntland uga faa'iidaysan lahayd khayraadkeeda.

 

Safarka Jabuuti.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa waxaa uu sheegay dalka Jabuuti inuu uga soo qaybgalay shirkii ay kooxda xiriirka Caalamiga ee ICG ku yeesheen Jabuuti 5 iyo 6dii bishaan.

 

Waxaa uu sheegay shirkaasi in lagu casuumay maamulka Puntland islamarkaanaana lagu ayiday qodobadii kasoo baxay shirkii Garoowe,dhaqan galinta Road Mapka,marxaladda gala guurka,shirka London ee arimaha Soomaaliya,waxaana madaxwaynaha uu intaasi raaciyay caalamka inuu xiligaan uu u soo jeedo arimaha Soomaaliya.

 

Madaxwaynaha ayaa dhanka kale sheegay dalka Jabuuti inuu kusoo xiray shir looga hadlayay dadka tahriibaya oo ay soo qabanqaabisay hay'adda IOM ayna ka qaybgaleen wasiiro katirsan dowladda faderaalka iyo maamulka Puntland.

 

Waxaa uu sheegay shirkaasi in looga hadlay dadka sharci darada usocdaalaya iyo kuwa isaga kala gudba dalalka la isaga kaashan lahaa,shirkaasi ayaana waxa uu sheegay in la isku raacay in la joogteeyo.

 

Shirka London.

 

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxaa uu soo hadal qaaday shirka arimaha Soomaaliya ee la filayo in 23ka bishaan lagu qabto magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

 

Waxaa uu sheegay dhamaan ka qaybgalayaasha shirka London inay ku mashquulsanyihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen waxaa ay la tagayayaan shirka London,waxaana uu sheegay shirkan inuu yahay muhiim ah ayna ka qabyagalayaan dad Soomaaliyeed oo aan waligood shirarka Soomaalida looqabanayo aan ka qaybgalin oo ay ka mid tahay maamulka Somaliland sida uu sheegay madaxwayne Faroole.

 

Waxaa uu sheegay xukuumadiisa inay la tashi dheer ka yeelan doonaan waxyaabaha ay la wadaagayso qaybaha Soomaalida ee ka qaybgalaya shirka London.

 

 

Colaadda Sool iyo Cayn.

 

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa dhanka kale sheegay inay la socdaan colaadddaha soo laablaabtay ee ka taagan deegaanada Buuhoodle,waxaa uu sheegay dowladiisa inay marar badan muujisay mowqifkeeda ku wajahan dagaalada gobolka Cayn.

 

"hadii degdegsiinyo lacag dhalaan kaadsiimo dahab bay dhalaan"ayuu yiri madaxwaynaha Puntland oo ka hadlayay colaaddaha gobolka Cayn.

 

Madaxwaynaha ayaa isagoo hadlakiisa sii wata waxaa uu sheegay diblumaasiyiin katirsan beesha caalamka iyo madaxwaynaha dowladda Jabuuti oo arimaha Soomaaliya waxbadan kala socda uu kala soo hadlay colaadaha gobolka Cay.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay waxyaabihii ay isku afgarteen inuu so hoose uga warbixin doono dowladda balse aanu saxaafadda ka sheegi doonin.

 

Shidaalka Puntland.

 

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay shidaalka laga soo saarayo deegaanada Puntland oo xiligan riigii ugu horeeyay lagu dhuftay dooxada Dharoor.

 

Waxaa uu sheegay madaxwayne Faroole inay sare u qaaday sunacadda Puntland shidaalka iyo maalgashiga caalamka uu ka sameeyey ceelkii ugu horeeyay ee laga soo saarayo shidaalka Puntland.

 

Madaxwaynaha ayaa xusay xiligaan inaysan Puntland cidna kala cararaynin khayrdaaka ay soo saarayso loona baahanyahay dastuur rasmi ah oo lagu qeexa shidaalka Puntland laga soo saarayo iyo qaybaha ay dhamaan umadda Soomaaliyeed ku yeelan karaan.

 

Al-Shabaab.

 

Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa shirkii jaraa'id uu ku qabtay magaalada Garoowe waxaa uu sidoo kale sheegay dagaalada xiligaan gobolada dalka Soomaaliya qaarkood laguka jiro ururka Al-Shabaab inay wax badan ka tartay amaanka dalka Soomaaliya.

 

Waxaa uu sidoo kale xusay shirarkii uu kasoo qaybgalay in cafis loogu fidiyay cid kasta oo Al-Shabaab katirsan islamar ahaantaana kasoo baxdo xiligaan,isagoo arintaasi ka hadlayay ayaa ugu baaqay dhalinyarada xiligaan ka mid ah Al-Shabaab inay kasoo baxaan.

 

Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa bartamihii bishii June ee lasoo dhaafay kadhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhroor,halkaasi oo uu ku daahfuray ceelii ugu horeeyay ee shidaal laga soo saaro dalka Soomaliya ee Shabeel-1.

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku soo laabtey

7 Feb 7, 2012 - 1:33:07 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 7,Feb ,2012 waxa uu dib ugu soo laabtey magaalada Garowe kadib safaro ku tagey dalalka Jabouti iyo Imaaraadka.

 

Garowe International Airport ayaa masuuliyiinta dawladda Puntland oo uu horkacayo madaxweyen ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo ururada dhalinyarada iyo haweenka ayaa madaxweynaha soo dhaweeyey ka hor inta aan loo galbin dhanka aqalka madaxtoyada oo uu saxaafada ku lahadlay.

 

Ugu horeyn madaxweyne xigeenka Gen.Cabdisamad Cali ayaa waxa uu warbixin kooban oo ku saabsan xaalada guud ee dalka siiyey madaxweynaha iyo wafdigiisa.

 

Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole madaxweynaha Puntland waxa uu ka sheekeeyey safaradii dhowaan uu ku tagey Jabouti iyo Imaaraadka Carbeed oo uu sheegay in ay ku soo dhamaadeen guul iyo Isfahan guud.

 

Imaaraadka ayuu sheegay in hogaamiyaan kooxda xiriirka caalamiga ah ee burcad badeeda,waxana Puntland kala dhaxeysey arimmo badan oo ka mid ahayd tababarka ciidamada booliska badda Puntland iyo khibrad kororsi ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ka faa’ideysigiisa maadama Puntland ay dhowaan shiqaal qodis bilawdey.

 

Shirkii ICG ee Jabouti shalay ku soo dhamaadey ayuu sidoo kale wax ka taabtey oo Puntland soo jeedisey qodobo ka mid ah waxyaabaha looga hadli doono kulanka dastuurka Somalia oo 15,Feb 2012 ka dhici doona Garowe.

 

Ugu danbeyntii ayuu Dr.Farole ka hadlay shirka London ka dhacaya dhamaadka bisha oo uu ku tilmaamey mid muhiimad gar ah u leh Somalida,Puntlandina ay ka qaybgali doonto.

 

Kadib shirkiisa saxaafadeedkii ayuu madaxweynu waxa uu kormeer hawleed ku tagey xarunta aqalka baarlamaanka Puntland oo uu ka socdo dhismaha hoolka shirarka waxana ku weheliyey gudoomiyaha baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

 

Halkan ka dhageyso codadkii madaxda Puntland ee madaxtoyada maanta

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_Garowe_ku_soo_laabtey.shtml

 

1_14.jpg

4_10.jpg

2_11.jpg

3_12.jpg

5_12.jpg

25.jpg

7_13.jpg

23_3.jpg

8_10.jpg

9_9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

yo kingy damnnnnnnn this parliament is going to be massive. Look at the construction worker walking inside under the entrance and the height difference between him and front entrance ceiling.

scaled.php?server=521&filename=ceilinghe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;786292 wrote:
yo kingofkings damnnnnnnn this parliament is going to be massive. Look at the construction worker walking inside under the entrance and the height difference between him and front entrance ceiling.

scaled.php?server=521&filename=ceilinghe

fit for Puntland government.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

King it should be finished roughly 8 months. Work started on it december and they gave it an 8 month deadline. So roughly around july or could be pulled back till august for the 1st of august celebrations

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;786307 wrote:
King it should be finished roughly 8 months. Work started on it december and they gave it an 8 month deadline. So roughly around july or could be pulled back till august for the 1st of august celebrations

can you picture president Faroole giving state of the union on AUGUST 1 2012 from the new government building?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Yeah king it could b finished by july cause that will be a good 8 months cause it started technically 27th of november 2011. But I rounded it of to december and 8 months from there is july. It could possibly coincide with the first of july national day and farole can have an opening speech by saying "a new parliament like the old parliament of somalia has been born for the whole nation" or he could postpone it till august 1 and hold a opening speech and say a "Puntland has matured, its 14 years old today and on this special day first of august a new parliament has opened to emphasise its maturity and also to send a sign to other somalis that Puntland is here to stay"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this