Sign in to follow this  
kingofkings

Dhisme xoogan ayaa Qardho ka socda

Recommended Posts

Iyadoo magaalada Qardho bilihii ugu danbeeyey uu ka jirey hormar dhanka ganacsiga ah ayaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar waxaa ka soconaya dhismeyaal kala duwan kuwaas oo loogu talagalay in laga sameeyo ganacsi kala duwan taas oo la filaya in wax weyn ay ka badali doonto bilicda iyo tartanka ganacsiga ee ka bilowday magaalada Qardho.

 

Dhismeyaal daqabyo ah ayaa haataan waxa ay ka socdaan faras magaalaha Qardho dhismayaashan oo ay bulshadu ku tilmaantay hormar dhanka ganacsiga ah oo lagaarey iyadoo arintaani ay keeni karto in dad badan ay usoo jeestaan sidii ay u maalgalin lahaayeen magaalada qardho.

 

Mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa magaalada waxaa laga dareemayey koror dhanka ganacsiga ah iyada oo magaalada ay soo gaareen dadka soo laabtay qurbaha oo ka sameeyey goobo ganacsi,waxa ay shacabka ku tilmaameen arintaan hormar ku aadan dhanka hormarka ganacsiga.

 

Magaalada Qardho waa xarunta gobolka Karkaar waxa ay leedahay cimilo wanagsan oo ku haboon ganacsiga, waxaana sanad walba usoo xagaabaxa dad badan oo ka yimaada dhanka magaalada Boosaaso, hadii ay sii socdaan ganacsiga iyo dhismooyinka laga wado magaalada waxa ay keeni kartaa in ay dadbadani usoo guuraan magalad Qardho.

Ganacsiga-iyo-dhismaha-Qardho-1-640x480.

Ganacsiga-iyo-dhismaha-Qardho-2-640x480.

Ganacsiga-iyo-dhismaha-Qardho-3-640x480.

Ganacsiga-iyo-dhismaha-Qardho-4-640x480.

Ganacsiga-iyo-dhismaha-Qardho-5-640x480.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;785402 wrote:
Posting the same pictures 3 times doesn't mean the construction industry is booming in qardho.

This is a general trend in Qardho as we speak. But, thank you for pointing the obvious.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qardho-300x225.jpg

 

Duqa degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Maxamed Siciid (Hogaamma-la-roor) oo maanta waraysi gaar ah siiyey warbaahinta Horseed Media ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee degmada iyo halka ay marayaan mashaariic horumarineed oo todobaadyadii ugu danbeeyey degmada Qardho laga wadey.

 

Wuxuuna sheegay in dayactir lagu wado labo kamid ah wadooyinka waaweyn ee xaafadaha dhex mara, kuwaas oo kala ah wadada hor marta Isbitaalka ee isku xirta Laamiga iyo xaafadda Xorgoble, iyo wadada Laamiga ka tagta ee aada dhinaca ceelka Qaawane.

 

Duqa Qardho ayaa sidoo kale sheegay in degmada Qardho dhowaan laga hirgelin doono barnaamij casri ah oo Computerized ah kaas ay maamulka degmadu ku shaqeynayaan kana caawinaya sidii loo heli lahaa xogta cashuuraha iyo tirakoobka guryaha iyo dhamaan macluumaadka guud ee maamulka degmada ka caawin kara sidii ay wajibaadkooda si hufan ugu gudan lahaayeen.

 

Mr Siciid ayaa mar aan wax ka weydiiney tababar uu dhowaan degmada Garoowe kaga soo qayb galay oo ahaa mid ku aadan dar dar gelinta Barnaamijka JPLG oo ay degmada Qardho kamid ah magaalooyinkii ugu horeerey ee laga hirgeliyey sheegay in tababarkaasi uu si fiican ugu soo dhamaaday wax badan oo degmada iyo guud ahaan gobolka dani ugu jirtana ay kasoo faa’iideen.

 

Duqa degmada Qardho ayaa ugu danbeyntii sheegay in mustaqbalka dhow ay degmada ka fulin doonaan mashaariic horumarineed oo badan, mashaariicdaas oo ay ku jiraan kuwo aan horay degmada usoo gaarin islamarkaana qayb qaadan doona horumarka guud ee degmada oo xiligan kamid ah degmooyinka ugu horumarsan guud ahaan Puntland.

 

Degmada Qardho waxay qayb ka tahay 7-degmo oo Puntland ka tirsan, kuwaas nasiib u yeeshay inay helaan mashaariicda Barnaamijka horumarinta ee lagu magcaabo JPLG oo ah mid ay iska kaashadaan 5-hay’adood oo Caalami ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;785407 wrote:
King Cismaan Maxamuud has to lay his hat somewhere else after Bosaso was taken away. Good job.

Taken away by who? reer baraxlay miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Beer-Gaal;785853 wrote:
Taken away by who? reer baraxlay miyaa?

Nope, Faroole gave the city back to its rightful owners and told the Royal family to go back to Qardho after too much calaacal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this