Sign in to follow this  
Carafaat

My most favourite Somali song

Recommended Posts

Showqi   

My favorite Somali song = Aduunyo by marxuum Maxamed Mooge Liibaan (IHUN)

 

 

kii ixaman lahaayoow amba xaasidkaygoow

kaan xalay wanaajee i xumeeyey maantoow

murtidaydu waa xubin waa hadal aan soo xulay

xanuun iyo dardaaran waa xujee dadoow maqal

xikmad weeye heestuyee xifaalaha aduunyada

 

Aduunyooy aduunyooy Aduunyooy Aduunyooy Aduunyooy Xaalkaa be’ *2

 

xilimahaa daruurtiyo marbuu xaysku hooraa

nimco lagu xasuustaa aduunyooy *2

 

marbaa xaaluf iyo guluf abaar laysku xeeraa

dhulku xagal wareegayoo xumaataa *2

 

xiligaa isdoorshoo aduunyooy aduunyooy

ninkii xoolo lahaan jiray adoonyooy aduunyooy

marbuu xaabka qaataa xigsadaa asaagii

marbuu xaabka qaataa xigsadaa asaagii

 

aduunyooy aduunyooy aduunyooy aduunyooy aduunyooy xaalkaa be' *2

 

xoolahaaga oo nagi marbaad xoor ka maashaa

xaragadu ku lumisaa adduunyooy *2

 

marbaad xaaqin iyo guluf indhuhu kaa xambaadhaa

ceydhii lagu xasuustaayo xumaataa *2

 

xirsigey is badalayoo adduunyooy aduunyooy

ninkii maali jirey xulad adduunyooy aduunyooy

marbuu xaab ku waaya xigsadaa asagii

marbuu xayn iska wayaa xigsadaa asagii

 

aduunyooy aduunyooy aduunyooy aduunyooy aduunyooy xaalkaa be'

 

marbaa xil iyo maamuus magac lagugu xeeraa

xariir lagugu daahaa aduunyooy *2

 

marba xuubka geeliyo talo laga xayuubshaa

xurmo beel ahaataayo xumaataa *2

 

waqtigay is xidhayoo aduunyooy aduunyooy

mar buu sharafku xaydmaa aduunyooy aduunyooy

ninkii laga xishoon jiray aan cidiba xaaleyn

ninkii laga xishoon jiray aan cidiba xadhig xidhan

 

aduunyooy aduunyooy aduunyooy aduunyooy aduunyooy xaalkaa be'

aduunyooy aduunyooy aduunyooy aduunyooy aduunyooy xaalkaa be'

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Faarax-Brawn;783264 wrote:
Jaceelaa ku haayo, waa muuqmuuqata sxbkey lol. Dhabtuu jacayl ku yaala iga dheh.

 

Not a bad song...for an all time favorite lakini.

Faarax, Gabar aa bari tiri. haduu jaceyl qof ahaan lahaa, kurka ka goyn lahaa. Anigu jaceyl haduu qof ahaan lahaa, tareenka ayaan ku hor tuuri lahaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this