Sign in to follow this  
General Duke

Bargaal: Assassins murder an MP cause the opposite effect

Recommended Posts

The aim of the assassins could have been to settle a personal score or to ignite political divisions within the State. Its clear that whatever their aim, the killing of Bile Mohamoud in the countryside of Bargaal has caused a great deal of anger and outrage within the region.

Today the State and the population are united against the killers and those who would want to create discord within the people.

 

They have failed in their attempt, they neither settled any score nor divided the population....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isimada-Cal-bari-canbaareyn-001.jpg

 

Isimada iyo waxgaradka Cal-bari oo canbaareeyey dilkii -AHN- xilbaan Bile Maxamuud [sawiro]

 

Updated:- 7 hours ago| 0 Commnets

 

Isimada iyo waxgaradka deegaanada Cal-bari oo maanta kulan yeeshay ayaa si aad ah u canbaareeyey dilkii -AHN- xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo xalay lagu diley kantaroolka degmada Baargaal ee gobolka Bari.

 

Shir jaraa’id oo ay maanta Hotel Rooble ee magaalada Boosaaso ku qabteen Isimka guud ee beelaha Cal-bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo qaar kamid ah waxgaradka deegaanadaas ayey kasoo saareen qodobo dhowr ah oo ku aadan dilka xildhibaanka.

 

Beeldaaje Ismaaciil oo Saxaafadda shir u qabtay ayaa sheegay in dhacadada xalay degmada Baargaal ka dhacday ay ahayd mid xad gudub ah islamarkaana ay cidii falkaas geysatey si aad ah u canbaareynayaan.

 

Beeldaajuhu wuu sheegay in arintani ay tahay mid khatarteeda leh sidaas darteedna loo baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan loo xakameeyo, isagoo ugu baaqay waxgaradka kale ee deeganada wax ka dheceen ku sugan inay arintan xil weyn iska saaraan.

 

Isimka beelaha Cal-bari Beeldaaye Ismaaciil Beedaaje Yaasin waxa uu gaba gabadii tacsi u diray eheladii iyo asxaabtii uu ifka kaga tegey -AHN- Bile Maxamuud Yuusuf oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka ee Puntland.

 

Faarax Fuq-yare oo isna kamid ah waxgarada deegaanada Cal-bari ayaa ka hadlay sida ay muhiim u tahay in nabadda iyo xasiloonida looga shaqeeyo, Fuq-yare waxa kale oo uu bahda Saxaafadda kula dardaarmay inaysan arintan buun buunin si looga hortago dhibaato intaas ka weyn oo dhaca.

 

 

 

 

 

 

 

 

Gabagabadii Isimada iyo waxgaradkii maanta Boosaaso ku kulamay ee ka arinsanayey dhacdadii xalay deegaanka Baargaal ka dhacday ee ahayd dilka xildhibaanka ayaa soo saaray bayaan ka koobnaa sadex qodob una qornaa sidan.

 

1- Isimada iyo Waxgaradka Cal-bari waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ifka kaga tegey marxum Bile Maxamuud.

 

2- Isimada iyo Waxgaradka Cal-bari waxay si aad ah u canbaareynayaan dilkii foosha xumaa ee lagula kacay -AHN- Bile Maxamuud Yuusuf oo ahaa oday dhaqameed iyo mas’uul ka tirsan dowlada Puntland.

 

3- Isimada iyo Waxgaradka waxay soo jeedinayaan in waxgaradka iyo intii kale samaha jecliba ay xil iska saaraan sidii arintaas loo xakamayn lahaa si deg deg ahna xal looga gaari lahaa.

 

 

 

Maxamed Salaad

 

Horseed Media

 

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Amniga Puntland “Ciddii Xildhibaan Bile dishey tallaabo adag ayaa laga qaadayaa”

 

Updated:- 4 hours ago| 2 Commnets

 

Waxaa maanta xarunta maamulka gobolka Bari ee magaalada Boosaaso kulan ku yeeshay mas’uuliyiinta ugu sareysa laamaha ammaanka ee Puntland iyo maamulka gobolka Bari.

 

Mas’uuliyiintaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka wasaarada amniga, hub ka-dhigista, iyo dhaqan celinta ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax, gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan, taliye ku-xigeenka guud ee ciidamada Booliska Puntalnd Muxiyadiin Axmed Muuse, iyo taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke (Af-dalow).

 

Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa markii uu soo gaba gaboobey kadib Saxaafadda shir u qabtay wasiirka wasaarada amniga, hub ka-dhigista, iyo dhaqan celinta ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan.

 

Wuxuuna sheegay in dowlada Puntland ay ka go’an tahay inay qaado tallaabo walba si gacanta loogu soo dhigo cidii ka danbeysey dilka xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo xalay kooxo dabley ahi ay ku dileen kantaroolka degmada Baargaal ee gobolka Bari.

 

Mudane Khaliif wuxuu sheegay in dowladu ay adeegsan doonto cudud mileteri oo xoogan si ay ammaanka deegaanadaas u xaqiijiso, wuxuuna mar uu ka jawaabayey su’aal la weydiyey oo ahayd sida ay ka yeelayaan baaq ay isimada iyo waxgaradka deegaanadaasi maanta soo saareen oo ah in dowladu xal ka gaarida arintaas ay iyaga u deyso uu sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka Isimada ayna qaadanayaan talo walba oo dhankooda uga timaada.

 

” Waa talo fiican hadii ay isimadu dadka dejiyeen, ma rabno anagu in meesha fidmo ka dhalato, dad walaala ah oo ehel isu ah ayaa meesha wada degen, laakiin in lasoo qabto baa muhiim ah nimankii falkaas geystey wado kasta haloo maree “ wasiirka amniga Puntland ayaa yiri.

 

 

 

 

 

 

 

 

Khaliif Ciise Mudan ayaa ugu danbeyntii sheegay in xildhibaanka geeriyoodey uu deegaankaas safar shaqo ugu baxay isagoo u tegey sidii uu waxgaradka iyo guud ahaan bulshada degmada Baargaal ugala arinsan lahaa dhismaha gole deegaan oo cusub kaasoo maamulka gobolku uu dhowaan iclaamiyey in loo sameyn doono degmada Baargaal oo in mudo ah aan wax maamul degmo ah lahayn.

 

Wasiirku wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in xildhibaanku uu hordhac u ahaa wufuud kale oo Puntland ka tirsan oo iyagu isu diyaarinayey sidii ay Baargaal ugu bixi lahaayeen haseyeeshee ay jidka u galeen dabley uu soo diray nin uu sheegay inuu Burcad-badeed yahay oo lagu magacaabo Xareed Ciise Cumar.

 

Si kastaba ha ahaatee shirka jaraa’id ee uu wasiirka amniga Puntland maanta qabtay ayaa daba socdey kulan ay isaga iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka gobolka, golaha wasiirada, iyo laamaha kale ee ammaanka ka tirsani magaalada Boosaaso ku yeesheen.

 

Waxaana geerida xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf si aad ah u canbaareeyey goleyaasha dowlada, isimada, waxgaradka, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland.

 

 

 

Maxamed Salaad

 

Horseed Media

 

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

zBari.jpg

 

Gacan-ku-dhiiglayaashii dilay xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo la qabtay; Issimada iyo waxgaradka Baargaal oo cambaareeyey fal-dambiyeedka.

 

Sat, 28 Jan 2012

 

Bosaso, Jan 28 - Wararka ka imaanaya Baargaal oo ka tirsan gobolka Bari ayaa tilmaamayo in gacanta lagu dhigay raggii dilay alla ha u naxariistee Xidhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland, kaasoo shalay rag hubaysani ay tacshiirad ku dileen.

 

Waxgarad kasoo jeeda degmooyinka Baargaal iyo Caluula ee gobolka Bari ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Boosaaso waxaa ay xaqiijiyey qabashada raggaasi, waxaana ay intaasi ku dareen in ay qorshaynayaan ka qayb noqoshada tallaabooyin wax-qabad ee arrintaasi la xiriira.

 

Kulanka lagu shaaciyey qabashada raggaasi iyo dareenka dhaqan ee dhacdadaasi ku aaddan ayaa waxaa ka qaybgalay issimo, nabadoono iyo odayaal dhaqameed deegaankaasi kasoo jeeda, waxaana issimadii shirkaasi qabtay ka mid ahaa Beeldaajaha deegaanka Cal-Bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.

 

Beeljiyaha, shirkaasi ka hadalay ayaa sheegay inay siweyn u cambaaraynayaan dilka xildhibaanka waxaana uu u mahadceliyay shacabka Baargaal tallaabooyin la xiriira xakamaynta falkaasi oo ay qaadeen taasoo ay ugu mug-weynayd qabashada raggii falkaasi gaystay oo uu tilmaamay in gacanta lagu hayo haatan.

 

Dhinaca kale Faarax Fuqyare, oo ka mid ah qurbe-joogta deegaanka Baargaal ayaa isaguna sharraxaad kooban ka bixiyey alle ha u naxariistee taariikhadii xildhibaanka Bile Maxamuud Yuusuf, waxaana uu sheegay xildhibaanku inuu ku dhashay degmada Caluula sannadii 1957, isagoo waxbarashadiisii hoosena ku qaatay Baargaal, joogayna illaa iyo intii uu uga biiray ciidamada bilayska Soomaaliyeed, waxaana uu soo qabtay shaqooyin dawladeed oo kale duwan oo ay ugu dambaysay middiisii xildhibaannimo.

 

Allah,ha u naxariistee Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf ayaa waxaa dilkiisa uu dhacay xilli uu ku jiray socaal uu ugu ambabaxayay degmada Baargaal si uu uga shaqeeyo wanaajinta xiriirka dawladda Puntland iyo shacabka deegaanada Baargaal iyo Caluula.

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

so your claiming it had no effect on the unity...even though puntland as small as it was before has been further divided into ras casyr and west puntland state. that what they call ironic in the english language...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The confused secessionist. The MP who was killed was a native of the region. How can it be against anyone?

This action has united our people, our elders and our State.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Hermet;781496 wrote:
so your claiming it had no effect on the unity...even though puntland as small as it was before has been further divided into ras casyr and west puntland state. that what they call ironic in the english language...
:D

common wisdom of the day; logic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;781640 wrote:
Trying to spin yet another assisanation. Maybe looking at the cause and trying to do something about it would be healthier.

 

How long will they continue to do that i mean once or twice i can understand that

Share this post


Link to post
Share on other sites

Don't worry about the assassins. We shall

Over come them insha Allah. The farce that is The secessionists project. The death of over 50 men on both sides for Cayn is a matter of concern.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this