Sign in to follow this  
Dr_Osman

NECSOMALIA Owner Tells Locals Protect Public Street Lights

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Maamulka Shirkadda Korantada NEC, masuuliyiinta Degmada iyo masuuliyiinta xaafadaha oo kulmay

 

January 21, 2012 7:53 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe:-Xarunta Dawladda Hoose ayaa manata waxaa kulan ku yeeshay masuuliyiinta Shirkada Korantada NEC, masuuliyiinta Degmada Garoowe iyo masuuliyinta Xaafadaha magaalada, waxaana si habsimi leh looga wadahadlay sidii dadku ay u ilaashan lahaayeen adeega muhiimka ah ee Korantada gaar ahaan Baalayaasha Layrarka la suray oo la sheegay in kuwo badan la waxyeeleeyay oo la burburshay.

 

Abshir Jaamac Surato Maamulaha Shirkada Korantada NEC ayaa waxa uu sheegy in loo baahan yahay in la ilaashado adeega Korantada gaar ahaan baalayaasha ay suran yihiin layrarka qurxoon ee bilicda ku soo kordhiyay magaalada.

 

Maamuluhu, waxa uu sheegay in ay iyaka mar kasta ka go’an tahay in ay kor u qaadaan oo ay horumarshaan adeega ay dadka u hayaan, dadka ama macaamiishana laga doonayo in ay ogaadaan in Korantada iyaka ay leeyihiin oo kuwa dhibaataynaya oo waxyeelaynaya ay ka waaniyaan ayna soo sheegaan cid kasta oo dhibaato ku haysa.

 

Masuuliyiinta xaafadaha magaaladda ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan oo sida ay ammaanka uga shaqeeyaan ay uga shaqeeyaan ilaalinta Korantada, haddii ay ahaan lahayd xargaha Korantada oo in badan la jaro iyo Baalayaasha la suray Korantada.

 

 

Baalayaasha iyo Layrarku waxay qay-bwayn ka yihiin Bilicda iyo Ammaanka Caasumadda PL ee Garoowe, Tuug iyo Daalinna kuma farxaan

 

Abshir Jaamac, waxa uu sheegay in magaalada Garoowe ay tahay magaalada ugu raqiisan Korantada oo inta kale ay ka qaalisan yihiin, waxaana uu sheegay in ay ka raqiisanaan doonto haddii uu Shidaal soo baxo Insha’allaah.

 

Guddoomiyaha Shirkadda Cabdifitaax Maxamed Cabdi (Kismaayo) ayaa waxa uu sheegay in laga cawdo qiimaha balse waxa uu sheegay in lacagta la qaado dib loogu cesho dadka oo adeeg lacag la aan ah la siiyo (Puclic Sercice), wuxuuna xusay in magaalada Garoowe ay ku yaaliin 47 Masaajid kuwaas oo dhammaantood aan lacag laga qaadin, waxa uu xusay in sanadkiiba Korantada Masaajidadu ay isticmaalaan ay noqoto 60kun oo doolar, waxaa kaloo uu tusaale u soo qaatay Xarunta Dawladda Hoose oo aan wax lacag ah laga qaadin maadaama loo arkay sida uu sheegay xarun wax badan qabata oo shaqadeedu joogto tahay.

 

Masuuliyiinta Xaafadaha magaalada Garoowe oo ku hadlayay afka Xaafadaha ay wakiilka ka yihiin ayaa aad ugu mahadnaqay maamulka iyo Mulkiilayaasha Shirkada Korantada, waxayna ku ammaanayn adeega aan kala go’a lahayn ee ay u hayaan bulshada, waxayna ballan qaadeen in ay la shaqaynayaan maamulka Shirkadda, ayna soo sheegi doonaan cid kasta oo waxyeelaynaysa.

 

Waxa ay sheegeen in aan lagu dhicin inta ay soo jeedaan in la waxyeeleeyo, balse, inta ay hurdaan la dhibaateeyo oo la jajabiyo layrarka baalayaasha.

 

Waxay aad u codsadeen in inta dhimman xaafadaha lagu xiro layrarka baalayaasha oo ay tilmaameen in ay ku soo kordhiyeen xaafadaha bilic iyo ammaan.

 

Kuxigeenka Duqa Degmada Garoowe Maxamed Xamari oo kulankan soo xiray ayaa ammaan u jeediyay Shirkada NEC, waxaana uu sheegay in shirkadda NEC ay ka duwan tahay shirkadaha kale ee ka jira Puntland maadaama uu adeegeedu yahay 24 sac, waxa uu xaafadaha magaalada ka codsaday in lala shaqeeyo oo la ilaasho Korantada.

 

Shirkada Korantada ee NEC, ayaa adeegeeda waxa uu yahay 24 saac, waxaana magaalada ka samaysay Baalayaal aad loo ammaanay oo inta badan dalka Soomaaliya aan wali laga hiraglin, taas oo Somalina Iyo Reerkeeda ay dadka su’aalaan cidda hir galisay baalayaashaan, marka loogu jawaabana in ganacsataddu ay hirgasheen aad iyo aad ula yaabaa iyaka oo tallooyin u raadsada xafiska NEC, si ay uga hirgashaan goboladoda oo ay ugu horayso Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Puntlandpost.com

 

Maamulaha Shirkada Korantada Garoowe ee NEC

nec11-450x342.jpg

 

Masuuliyiinta Xaafadaha Garoowe oo ballan qaaday in ay ilaashanayaan adeega joogtada ah ee Shirkadda Korantada NEC u hayso

ne-450x342.jpg

lqyr-450x342.jpg

SAM_0259.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

There is street lights everywhere in Puntland

 

Galkayo Street Light

6189.jpg

 

Qardho Street Light

dsc05222.jpg

 

Yeah the whole state is equipped with street lights wooohoooooooo..Believe me thats huge thing for me if u been to hamar you'd know whats it like walking out at night in pitch dark alley-ways

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this