Sign in to follow this  
Dr_Osman

New Meat And Vegetable Market Opens in Garowe. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Suuq cusub oo Garowe laga furey

 

16 Jan 16, 2012 - 9:06:13 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Dowlada Hoose ee degmada Garowe ayaa maanta 16,Jan ,2012 xariga ka jartay suuqa cusub ee Garowe kaasi oo lagu talagay in ay ku ganacsadaan dadka danyarta ah ee ku nool magaalada, waxana furitaanka suuqa ka qeyb-galay madaxda ka tirsan dowlada Puntland iyo masuliyiin ka socotey hayada IOM .

 

 

Mashruucan dhisitaanka suuqa cusub ee Garowe waxaa wada-fuliyay hayada IOM iyo ururka Kulmiye Development Organisation (KDO),waxana la sheegay lacagta ku baxaday suuqaasi in ay tahay ($80,000 kun Dolar) .

 

Suqani ayaa madaxdii furitaanka ka qayb gashay waxay sheegeen in ay muhiim u tahay bulshada Garowe ku nool gaara ahaan haweenka oo int badan iyagu suuqyada ku iibiya adeegyada nolol maalmeed ka ah ee ay u baahan yihiin bulshada inteeda kale.

 

 

Duqa degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa kalmado hadal ah oo uu ka jeediyay furida suuqa cusub waxaa uu mahad -celiyay dhamaan intii ka qeyb-qaadatay hirgelinta suuqa,waxaana uu intaasi ku daray in suuqaani mid la mid ah isna laga furayo Injida dhex dhexdeeda sanadkii hore ujeedooyinka suuqyada dhisidooda laga leeyahay ayuu ku sheegay in ay tahay sidii bulshada danyarta ah ugu ganacsan lahayeen suuqa.

 

Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa bulshada ugu baaqey in fursadani iyo kuwa la midaba ay ka faa’idaystaan ,waxaana uu tilmaamay in Dowlada Hoose mar walba u heelan tahay sidii bulshada Garowe uga haqabtiri-lahayd baahiyadooda, sidoo kale waxay sheegeen in suuqyo kale oo kuwaasi la mid ah laga hirgalinayo Garowe .

 

 

Khaliif Ow Cali oo ka socday ururka howsha fulinayay ee Kulmiye ayaa hadal isna ka soo jeediyay furida suuqan, waxana uu sheegay in howsha isla wadeen hayada IOM iyo ururka Kulmiye si wanaagsana uu ugu dhamaaday ,isagoo intaasi sii raaciyay in suuqa uu leeyahay hoolal waaweyn oo dadka ku ganacsanaya ay anfici doonto ,

 

Nabadoon Khaliif waxa uu tilmaamay in kharashka ku baxay dhisitaanka suuqa oo muddo socday ay bixisay hayada IOM maantana uu soo dhamaaday dhismihiisu isagoo bulshada loogu tala-galay ugu baaqey in ay suuqa ilaalintiisa iyo daryeelkiisa ay masuul ka noqdaan .

 

 

Suqaani maanta xariga laga jarey ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay si rasmi ah uga bilowdaan howlihii nolol maal-meedka waxana talaabadan soo dhaweyey haweenka ka ganacsada khudaarta iyo hilibka suuqa Garowe.

 

Halkan ka dhageyso warbixin uu ka diyaariyay C/xamiid Salaad suuqa cusub

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Suuq_cusub_oo_Garowe_laga_furey.shtml

 

duqa_iyo_gashaan.jpg

sawirka_4aa.jpg

Nabadoon_Khaliif.jpg

hoolka_suuqa.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this