Sign in to follow this  
walaalkis

Sakiin fighting back

Recommended Posts

Shariif Xasan oo xildhibaanada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dib u habeynta baarlamaanka *

 

Isniin, Jannaayo 16, 2012 (HOL) − Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in looga baahan yahay xildhibaannada baarlamaanka inay ilaaliyaan sharciga dalka u dagsan ayna isku diyaarinayaan sidii isbedel loogu sameyn lahaa baarlamaanka.

 

Shariif Xasan oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay sheegeen sannadkii hore inay xilka ka qaadeen ayaa ku adkeysanaya inuu isagu yahay afhayeenka sharciga ah ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna xilka qaadistiisii ku tilmaamay mid ka fog sharciga.

 

"Xildhibaannada baarlamaanka waa inay ogolaadaan isbedelka dhacaya, haddii ay taaas ogolaadaan wax isqabsi ah oo dhacaya ma jiro," ayuu yiri Shariif Xasan oo intaas ku daray: "Waxaa jira xildhibaanno ku fikiraya inaanu isbedel dhicin, waana taas midda uu salka ku hayo khilaafka jira."

 

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in xidhibaannada fowdada wada ay yihiin kuwo ka cararaya in dib u habeyn lagu sameeyo baarlamaanka, sidoo kalena aan doonayn in ummadda Soomaaliyeed ay fursad hesho.

 

"Beesha calaamku waa u jeedaa in xildhibaannadan ay yihiin kuwo diidan in laga gudbo xilligan, aniguna ma qabo in tani ay caalamka ku keeni karto niyad jab, waayo waxaa laga garan karaa go'aanka ay ka qaateen," ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Mar uu ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay ayuu sheegay inay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn, isagoo xusay in markii xilka loo dooranayay si sharci ah lagu soo doortay, wuxuuna sheegay inaan lagu soo dooran si musuqmaasuq ah.

 

"Fadhiyada baarlamaanka waxay furmi lahaayeen 19-ka bishan, qolada fowdada wadda ayuu ka furmi waayay, hadda waxaa yaalla mooshin in laga doodo ay u baahan tahay dhawaan ayayna fadhiyadu furmi doonaan," ayuu mar kale yiri.

 

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wuxuu imaanaya xilli ay xubnihii xilka ka qaaday ay guddoomiye cusub u doorteen horraantii bishan xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed, inkastoo urur goboleedka IGAD uu doorashadaas ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

 

Ugu dambeyn, Shariif Xasan wuxuu ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inay ka shaqeeyaan sidii meesha looga saari lahaa khilaafyada taagan, isla markaana uu baarlamaanku u noqon lahaa mid ka gudba khilaafyada hareeyay.

 

 

 

Never gives up,this goverment is a daycare

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this