Sign in to follow this  
Caano_Geel

Somaliland Oo Ay Soo Gaadhay Lacag cusub, Oo Ka Kooban, Noodhadhka, 5000 iyo 1000 Oo Isku Yaala.

Recommended Posts

Berbera (Ramaas) Jan.11, 2012 – Baanka Somaliland ayaa maanta waxa soo gaadhay lacag cusub oo uu ka soo daabacday dalka dibadiisa, taasi oo isugu jirta noodhadhka 1000 iyo 5000 ee shilling-ka Somaliland. Lacagtan oo sidoo kale ay la socoto noodhadhka 500 iyo 100 shiling ayaa waxay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Berbera, iyadda oo masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland ay ilaa shalay halkaasi ku sugayeen.

 

 

 

 

 

Lacagtan oo lagu rogay xarunta baanka dhexe ee Hargeysa ayaa waxa Berbera ka soo qaaday saddex gaadhi oo kuwo waa-weyn ah, iyadda oo markii baanka lagu rogayey amaanka baanka hareerihiisa aad loo adkeeyay. Lacagtan 1000 iyo 5000 ee shilling ayaa sanadkii hore baarlamaanka Somaliland ansixiyeen in la soo samayn karo lacag noodh cusub ah oo ah 1000 iyo 5000 oo aan hore lacacgta Somaliland ugu jirin.

 

Lacagtan cusub ee dalka soo gaadhay ayaa waxay saamayn ku yeelatay sarifka lacagaha qalaad oo sare aad ugu kacay, iyadda oo maanta suuqyadda Magaaladda Hargeysa lagu kala sarifanayo $ 100 doolar 650,000 oo shilling-ka Somaliland ah, halka uu maalmihii hore ka ahaa inta u dhaxaysa 580,000 ilaa 590,000.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Bad move. Inflation is party caused by pychological price manupation on the part of the business community. There for it would have been better if they dropped a 0 or 00 from the paper face value, and printed 5 or 50 face value paper's. People would become more price aware, dampening pychological caused inflation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this