Sign in to follow this  
xiinfaniin

HadhwanaagNews: Somaliland Should've Used Ethiopia Against Taleex

Recommended Posts

Siyaasaddu waa abbaar astaama badan una baahan in aad ahaato qof tuke ka feejigan ,waxaana tallaabo kama kacda ah u ah daraasaynta hab dhaqanka dadka

 

Siyaasaddu waa abbaar astaama badan una baahan in aad ahaato qof tuke ka feejigan ,waxaana tallaabo kama kacda ah u ah daraasaynta hab dhaqanka dadka (human behavior)-ka sida uu sheegay madaxweyne LAWRENCE LOWEL taasoo ku soo aroortay buuga la yidhaahdo (AMERICAN POLITICAL SCIENCE ASSOCIATION)iyadoo dhacdooyinka siyaasadeedna laysaga faaidaysto ,bulsho kastaabana waxa ay leedahay qaab dhismeed gaara oo loola dhaqmo ,waxana jira qaab ay u fikiraan iyo wax agtooda ku wayn ,hadii wax saylac ku san la yidhaahdo TALEEX ha ku samaadaan waxa soo baxaya isla heli waa iyo in wacyigii siyaasiga ahaa uuu jenbi dhigo ,hayeeshee siyaasadda dhexdeeda waxa jirta in uu qofka siyaasiga ah ee gaasa baxay uu awood u leeyahayy in uu u rogi karo wax kastoo xagal daacin kara xaggasan waa haduu hayo wax yaabaha siyaasiga bila waxa uu yidhi senator MARK HANNAH (R-OH),1903(waxa jira laba arimood oo aad u baahan tahay si ay u guulaysato siyaasaddaadu ta koobaad waa lacag ta labaadna kama fikiri karo )waxa aan filayaa in lacagta baanka ku jirta loogu tala galay in qaranimada lagu ilaaliyo ,madaxweynaana waxaan filayaa markuu shirka ogolaaday in uu dimuqraadiyadda xoojinayey uu na filaayey *********** oo taariikhda Somaliland qayb weyn ku lihi in ay karaamadooda muujiyaann ,garaad koodana mideeyaan taasooka turjumaysa guushooda iyadoo lagu midoobaayo Somaliland nimada ,iyo dhul uraaqa ,wax wada qabsiga ,iyadoo ayy xaaraan tahayy in usha wadanka badhtanka la qabto ,waxaan filayaa hadii ay abbaar wareeg taa ka dhigtaan waxay u talinayaan mustaqbalka ubadka dhabarka taleex ku jira hayeeshee abwaankii weynaa ee siyaasiga ahaa ee FAARAX NUUR(IHN) ayaa yidhi

 

Ana nadartu wixii aan arko ayaan nacam idhaahdaa

 

Waxaan ku odhan lahaa anigoo ka duulaya odhaahdaa FAARAX kuwa SOMALILAND kazoo horjeeda odhaahdii MOHATMA GANDHI(qof idhibi karaa ma jiro anoo ka aqbala mooyiye ),kuwa Somaliland taageersan ee TALEEX joogana waxaan ku odhan lahaa odhaahdii ABRAHAM LINCOLN (maraykan debbeda kama burburayo hayeeshee wuxuu burburayaa marka aynu inagu isku raacno burburidiisa),intaa ka dib hadaan ka waramo odoroska waxyaabaa soo bixi kara, waxa shirka ku jira kana faaidaysana xagla jebiyayaal badan kuwaasoo bedeli kara maanka dadka iyagoo usoo xidhanaya shaadhadhka dadka waaweyn kuwaasoo ku dadaali doona in debedda iyo gudaa laysku xidho dabeeto *********** boqolkiiba sideetan uu awoodiisa ku mideeyo in ciidan ay samaystaan maamul goboleedkoodana ay debed iyo gudaba ka muujiyaan ,taasoo keenaysa in ay borobagaandho fidiyaan hadaba dawlada waxa la gudboonayd markay aragtay shirkaa in aanay ogolaan ,haday ogolaatayna in ay ku dhaqanto siyaasaddi NICCOLO MAICHAVELLI oo ay khilaaf shirka ka dhex rido badhasaabka ceerigaabana ay nin *********** ah u magcawdo,aanay tilmaanto in uu shirkaasu yahay mid fawdo ah oo ay dabeeto ciidanku dhinaca bari iyo dhinaca taleex ba ka ruqaansadaan ,waayo dumuqraadiyaddu waxay xuquuqda dadka ilaalisaa inta ay dadku xuquuqda ilaaliyaan tuuga waxa loo xidhaa xuquuqduu ilaalin waayey,waxaanay ahayd in ay ETHOIPIA usheegto xubnaha aanay xidhiidhka fiicani ka dhaxayn ee shirka kazoo qayb galay ,taasoo hadhoow raad dhabar jab ah ku noqon lahayd dhaqdhaqaaqa BUUHOODLE ee ciidan ee ninkii garaadlihi uu saadaalinayo ,marka ciidanku uu aagga ceerigaabo ka ruqaansado isagoo hogaaminayo gobolkaa nin *********** ahi dadku waxa ay dareemilahaayeen qubuul ,sidoo kale dadka ku andocoonaya in aan *********** waxay xaq u lahaayeen lasiini arintooodu waxay noqon lahayd fiidmeeray goortu waa subax ,kuwa ogol Somaliland waxay u noqon lahayd waxay la shirtagaan oo ay yidhaahdaan tanba la qabay ,hadii sidaa la yeeli waayo waatuu HADRAAWI yidhi

 

Qof sansaanka muuqdiyo

 

Sadarada akhriyayaa

 

Belo saadin maayee

 

San qadh buuka digayaa

 

Waxa soo baxaysa in arintii kalshaale lasoo cusboonaysiiyo arintu daba dheeraato indha cadhaysan oo somaliland ka baqayaa haatan ay wax ba iskaga keen tirin waayaan ,hadii ay awood u helaan arinta ay balaadhiyaan si toosana ay ula saftaan,sirka somaliyeed ee ingiriiska laga wadana looga yeedho qaaar maqaar saara oo umaddeena ah siyaadadeena oo dhan iyo sharafkeenaba dhulka la jiido ,arintaa xukuumadu haka hawl gasho inta ay qabashada leedahay ,khayrbaan rajaynayaa!!!!.

 

AADAN MAXAMUUD MAXAMED (AADAM WIDHIIDH)

 

(Author and political analyst)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Waxaanay ahayd in ay ETHOIPIA usheegto xubnaha aanay xidhiidhka fiicani ka dhaxayn ee shirka kazoo qayb galay ,taasoo hadhoow raad dhabar jab ah ku noqon lahayd dhaqdhaqaaqa BUUHOODLE

My God, the knuckle dragging Neanderthals weren't even doing that in the first place? Lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this