Sign in to follow this  
Siciid1986

Xukuumadda S/L oo Ganacsigii Sharaabka iyo Saabuunaha u xidhay shirkadaha Coca-cola, Ilays, Asma i

Recommended Posts

Xukuumadda oo Ganacsigii Sharaabka iyo Saabuunaha u xidhay shirkadaha Coca-cola, Ilays, Asma iyo Nuura

Wasaaradda Maaliyadda oo soo saartay cashuuro xad-dhaaf ah oo Ganacsatadii soo dajin jirtay ku kalifaysa inuu istaago ganacsigoodii

Liiska Cashuurta la kordhiyay oo ku shaxaysan qiime aan macquul ahayn oo loogu danaynayo shirkaddo gaar ah iyo Ujeedada laga leeyahay

Hargeysa(Waaheen)Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aan ay ku kordhinayso Cashuurta laga qaado Sharaabka iyo Saabuunaha kala duwan taasoo fursad u siinaysa dhawr shirkadood oo kuwa Wadaniga ah in loo xidho Ganacsiga alaabahaas oo ay awal hore Ganacsato Reer Somaliland ahi ka soo dajin jireen dibeda kuwaasoo tartan kula jiray shirkaddo hore isugu dayay inay dalka gudihiisa ka sameeyaan Wershado balse dalka gudihiisa iyo Dibediisaba ka haqab-tiri kari waayay.

Sidoo kale Qiimaha shirkadahaas Wadaniga ah iyo kuwa soo waarida ayaa qiime isku mid ah ka siin jiray dadweynaha halka ay imika Xukuumadda Somaliland ganacsatada soo waarida ugu cashuurayso qiime la mid ah kuwa ay bucsharadahan shirkaduhu dalka gudihiisa ku siinayaan taasoo muujinaysa in ay ugu talo gashay Ganacsatadaasi inaanay kula tartamin Suuqa oo ay joojiyaan Ganacsigooda.

Cashuurta ay Wasaaradda Maaliyaddu soo saartay oo Waaheen Nuqul ka mid ah heshay taasoo lagu kala socodsiiyay Kastamada dalka ayaa u dhigan sidan:-

Jamhuuriyadda Somaliland

Wasaaradda Maaliyadda

Ref:WM/02/08-1/09/2012 04/01/2010

Ku: Dhamaan Maamulayaasha Kastamada Fadhiyadooda

Og: Agaasimaha Waaxda Kastamada Hargeysa

Og: Agaasimaha Guud ee W/Maaliyadda Hargeysa

Og: Wasiir ku-xigeenka W/Maaliyadda Hargeysa

Ujeedo: Dibu Eegis Qiimaha Sharaabka & Saabuunta

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qaar ka mid ah badeecadaha ku qoran Buugga Tacriifadda (Custom Tarrif) ee soo baxay sanadkan 2011, kuwaas oo dib eegis lagu sammeeyay , waana sidan hoos ku qoran:-

No: Nooca Badeecadaha Qiimaha Qiimaha Dambe

1- Coca Cola $0.35 Per Liter $ 0.916 per Liter

2- Pepsi Cola $0.35 Per Liter $ 0.916 per Liter

3- Marinda $0.35 Per Liter $ 0.916 per Liter

3- Fanta Orange $0.35 Per Liter $ 0.916 per Liter

4- Fanta Strawberry $0.35 Per Liter $ 0.916 per Liter

5- Energy Drinks $0.35 Per Liter $ 0.916 per Liter

6- Shani $0.35 Per Liter $ 0.916 per Liter

7- Seven Up $0.35 Per Liter $ 0.916 per Liter

8- Zido power $0.35 Per Liter $ 0.916 per Liter

9- Detergent Powder Soap $0.20 Per Kg $0.50 Per Kg

10- Laundry Soap $0.30 Per Kg 0.48 Per Kg

Sidaa awgeed, waxa la idin farayaa in aad qiimahan kor ku xusan aad dhaqan galisaan laga bilaabo taariikhda warqadan:

Allah Mahad Leh

(Eng: Maxamed Xaashi Cilmi)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Talaabadan ay Xukuumaddu ku kordhisay Cashuurtii Tacriifadda ee Sharaabka iyo Saabuunaha ayaa ka hor imanaysa Dastuurka Qaranka oo damaanad qaaday Ganacsiga Xorta ah isla markaana qoraalka ayaa muujinaya in aanay wasaaraddu marinin hay’addii sharciga ee Ansixinta korodhsiimadaasi ogolaan lahayd ee Baarlamaanka.

Si kasta ha ahaatee Ganacstada soo dajisa Sharaabka iyo Saabuunaha kala duwan ee Taydha iyo ta dharka ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay talaabadan waxaanay Waaheen u sheegeen in ay Xukuumadda u gudbiyeen cabashooyin ay ku dalbanayaan in ay Xukuumaddu dib uga noqoto

Share this post

Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Good job. Wallahi. Finally a policy that promotes industries and supports invent industries.

Candhuifteydi dib ayaan u liqay.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this