Sign in to follow this  
Duufaan

PRESS RELESE SSC Commission for External Relations

Recommended Posts

Liibaan   

Somaliland Website "Maamul-Goboleedka SSC iyo Shirka Khaatumo Khatar ayee kuyihiin Ictiraafka iyo Jiritaanka snm/Somaliland" 2 -3

 

 

Shirkan oo ah kii uu cadowga Somaliland kuddaba ka taamayay ee qaadhaan ururintiisa ay fannaanadda Sado Ali Warsame u dhigaysay bandhig faneedyada lagu qabtay in ka badan 30 waddan si loogu maal geliyo kharbudaadda nabadda gelyada Somaliland laguna maalgelinayo qayb ahaan qabsoomidda shirka qaybta kalana dagaalka ay SSC waddo.

Shirkan ayaa la ogyahay in aanu cadowga Somaliland u kala hadhin hirgekiddiisa oo wax toos ugu jira hawsha iyo wax si dadban hoosta uga riixayaba ay leeyihiin, waxaan qarsoonayn dhaqdhaqaaqyada xooggan ee la isu waywaydaaranayo Garowe iyo dad ku kala sugan meelo kala gedgeddisan oo dalka gudihiisa iyo debddiisaba ah si hoos hoosn ahna loogu kala dabqaadayo maamulka faroole iyo nufuudda u ku leeyahay beesha dhexdeeda, waxa xitta laga yimi gobollo fog fog sida jubbooyinka ama ilaa inta ka dhexaysa min Boosaaso ilaa Ras kamboni iyo sidoo kale inta iyana ka dhexysa min Nairobi ilaa New York.

Waa shirkii dadka isha ku hayaa ay sida fiican ula socdeen dhaqdhaqaayada ay wadeen kuwa loo xilsaaray agaasinkiisa iyo hadba meelaha ay safarda ku gaala bixinayeen oo aynu ku ogaannay in dawladda TFG ay tahay ta ka dambaysa, halkaas oo ay si isdaba joog ah ugu boqolaan hoggamiyayaasha argagixisada SSC, NSUM, qurbojoog iyo isimo wada socda looguna qaabilo sifo halyayaalnimo, waxaynu ka daawnnaa TVyada iyadoo ay la shirayaan Madaxweyne Sh.Shariif, Raìisal Wasaraayaal kala dambeeyay, Raìisul Baarlamaan, iyo weliba sidoo kale ururada bulshada ee reer Muqdisho,madaxdhaqmeedyada halkaasi jooga, wasiirro, xildhibaanno iyo dad kale oo badan, waxaynu dhagaysannaa hadallada bogaadinta ah iyo taageerda balladhadan ee loo muujiyo mar walba iyadoo lagu ammaan dusha looga huwiyo inay yihiin hormuudka midnimada Somalia.

Shirkan ayaa abaabulkiisii hore loo dhigay muddahaardyo faro badan oo ka kala dhacay meelo kala duwan oo caalamka ah, sida kii lala hortagay aqalka Westminister ee Downing Street ama kuwii iyana lala hor istaagay guriga Whitehouse iyo weliba xarunta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee New York, iyo meelo kale oo ay xarunta EU ee Brussels ka mid tahay, marka lagu daro hugunkii gudaha ee gilgilay min Kalshaale iyo Buuhoodle ilaa Taleex iyo Ceeri ee hore u gilgilay aminga caamka ah.

Shirkan oo ah mid mid saadaaladiisu aanay sidaadaba u sii murugsnayn ayay la yaab ku riday dad badan oo sidayda dhagaysnayay waraysi u dhowaan BBC Somali Service u siiyay Ali Khalif Galaydh ayuu si aan gabbasho lahayn u caddeeyay in ay marar dhowr ah la xidhiidh ay kooxda u ka midka yahay ee loo yaqaanno G6 ay la sameeyeen madaxweynaha Somaliland mudane Silanyo kalana hadleen arrimo badan oo ku saabsan shirka Khaatumo 2, wuxu intaa ku daray in si la mid ay isagana dhankiisa kala xaajoodeen hirgalka shirkan Mr. Faroole, Galaydh wuxu intaa ku daray waxannu kala tashannay madaxda TFG dhammantood oo ay Sh. Sharif iyo R.W-hiisu ugu horreeyaan waana ku war gelinnay , waxaanay intooduba nagu waafaqeen inaan wax faro gelin ah lagu samyn habsami u socodka shirka Khatumo 2.

Dhanka kale maxay tahay sababta shirka loola aaday magaalada Taleex? Maxayse tahay sirta ku duugan magalaadsi ee ka dhigaysa mid ahmiyad weyn oo taariikhi ah ku fadhida ? Suàalahani waa qaar aad loogu baahan yahay in la is weydiiyo si ay inta fahmaysanina ugu noqoto dareen gelin inta aan waxba ka soconna barasho uga siyaaddo. Taleex waa xaruntii halgankii daraawiishta ee Ina Abdulle Hassan.

Si loo curyaamiyo Somaliland waxay SSC isugu yeedhay inay yihiin Daraawiish oo ah bay ku doodaan tii dhalisay xornimadii Somalia, sidaa daraadeedna ay iyagu yihiin astaanta xornimada iyo midnimada Somalia. waxay sheegaan in xuduudaha caalamiga ah ee sameeyay isticmaarku aanay ahayn qaar markaaba ka raalli ahaayeen lana dagaallameen welina aanay aqoonsanyn wax ka yar midnimo Somaliyeed, iyagoo mar walba isku ladhaya taariikhdaa Daraawiishta iyo ta maanta taagan ayay taleex u adeegsanayaan inay tahay hoygii markii horeba halganka hubaysan ugu horraysay.

Sida laga warqabo kooxda argagixisada ah ee SSC ayaa muddaba waxay ciyaaraaysay siyaasad ka dhan ah Somaliland oo barbar socota jabhadaynta ay ka wadday bariga dalka siyaasaddan ayaa ahayd mid laba geesood ah oo dhan ay ugu talagaleen inay tiqad iyo taageeraba kaga helaan dhammaan Somalweyn oo runtii ay xodxodasho dheer ka dib ku guulaysteen inay kasbadaan quluubta Somalida kale guud ahaanteed, taasi waxay u sahashay in siyaasan is muujiyaan codkooduna noqday mid la qaddariyo, waxa kale oo ay u sahashay inay hub iyo maalba ka helaan meelo badan sida ONLF oo kale. Geesta kale ee siyaasadda waxay ku wajahnayd beesha caalamka si dunida looga dhaadhiciyo in Somalidu qabaaìl tahay oo aan qabiilna ka kale xukumi karin, marka ay Somalida beerlaxawsanayaan waxay ku yidhaahdaan waxannu nahay beeshii gobannimada u soo halgantay halka u Isaaquna ka ahaa gaalo raac.

Waxa ay sameeyeen dedaal weyn oo ay saaxadda adduunka isugu eeb gaynayaan, innagoo wax badan aragnay wakiiladooda oo la kulmaya masùuliyiinta dalal faro badan, waxay dhigeen muddahaaraddo, qoraallo aan hakad lahayn iyo war saxaafadeedyo ay dawladaha iyo mediahaba u qabiyaan. Dhanka kale waqti sannad ka yar ayaa ka hadhay xilligii loo qoondeeyay inay Somalia ka baxdo waxa loo yaqaanno ku-meel-gaadhka ee loo gudbi lahaa dawlad rasmi ah, iyagoo taa duulaya si aanay uga qadin ayay isu diyaarinayaan maamul goboleed cadkiisa goosan kara.

Maxay tahay halista ka iman karta shirka noocan oo kale ah? adduunka korkiisa kama dhacdo in koox dal kala gooynaysa gobollana gaar u sheeganysaa ay dawladdii waddanka xukumaysay u oggolaato in shirweynihii lagu gawrici lahaa qarannimadeeda lagu dalkeeda. dawladaha oo dhammi taa dagaal bay ka xigaan halka aynu taa beddelkeeda ka aragno maanta in calankii Somalia ka babbanayo Taleex, oo xittaa propogandaha ugu weyn ee ka socdaa u yahay cayda iyo aflagaadada Somaliland oo si is daba joog ah loogu cabbirayo qaab faneed heeso iyo masrixiyad ahaan, gabayo, khudbado iyo shucaar kaleba.

Halisaha ka iman doona shaki laàan waxay yihiin qaar amni oo kicinta abaabulan ka dhalan doona, waxa kaloo ay saamayn ku yeelan doonaan gobollo kale oo hor leh iyadoo awelba aynu maqlaynay Adal State, tan cusub ee Darwish State iyana noqoto mid soo korodhay oo aan la dhayalsan karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Somaliland Website "Maamul-Goboleedka SSC iyo Shirka Khaatumo Khatar ayee kuyihiin Ictiraafka iyo Jiritaanka snm/Somaliland" 3 -3

 

 

GEBAGEBO.

Ka dib markii baaqyadii xukuumadda ee gogosha loogu fidinayay beelaha sool ay fashil ku dhammaadeen, waxa dawladda la gudboon inay bilowdo qaab kale oo lagu badbaadinayo laguna dardargelinayo gogosha nabadda loona diyaariyo straatiijiyad ka sal ballaadhan tii hore loo adeegsaday.

Isimada Buuhoodleh oo ku gacansaydhay gogosha baaqa isimada bariga Burco. Halkaa waxa innooga cad laba arrimood oo kala ah 1. in isimada ay meeli u caddahay meelina ay ka madowdahay oo meelo kale sida kooxaha beesha iyo TFG oo ay aad ugu xidhan yihin ay ka mid yihiin.

2. In diidmadu ay ka marag kacayso fashil siyaasadeed oo ku aaddan gogoshii nabadeed ee ay xukuumadda Somaliland ugu baaqday Isimada beeshaa kaasoo u madaxweynuhu dhowr jeer kolba dib u soo cusboonaysiiyay marba marka baaqii hore shaqyn waayo. Sababta keentay sidaa ama waxa ay diidmu salka ku hayso halkan ka eeg. http://www.lasanod.com/details.php?num=6738

Waa in sidoo kale dib loogu noqdo tayayna maamul iyo fidinta adeegyada asaasiga ee deegaannada, islamrkaana kor loo qaado qaybta kaga aaddan miisaaniyadda si waxqabadka maamul u noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo keena horumar la taaban karo dhinacyada baahiyaha asaasiga ah iyo xoojinta nabad gelyada.

Waxan xukuumadda la gudboon inay tallaabo mileteri ka qaaddo shirkan qaran dumiska ah oo ka qayb galayaashiisana la soo qab-qabto oo khiyaamo qaran lagu soo oogo, lana baajiyo in maamul goboleed halkaa lagaga dhawaaqo.

Haddii ay xukuumaddu ka gaabsato wax ka qabashada dhiillada bari ka soo socota, waxay taasi ka dhiigan tahay iyadoo cadowgii Somaliland u guulaystay iyo qarankan oo guuldarraystay oo kale, eeddeedana waxa dusha u ridan doona ciddii talada dalka loo igmady ee ahayd inay ilaaliyaan midnimada dhulkeeda, waxaana hubaal ah in xukuumaddu ku sifoobi doonto mid aad u taag daran oo aan masuuliyadda dalka lagu hallayn karin iyo inay sidanba raalli ka tahay mar haddii ay qidheeduba u sii socotay dhankaa iyo Muqdisho oo aan shariifka ka taliyaaba u xilqarin markii ay sida wada wacan uga wada shaqeeyeen qabyo qoraalka distoorka Somalia ee kooxdii diyaarinaysay ee gobollada oo dhan marmaraysay ay Hargeisa yimaaddeen bishii april ee sannadkan warkaa oo ahaa mid xukuumaddan Xamar u sii jeeddaa ay ka qarisay ummadda (halkan ka eeg, wefdiga distuurka ee dalka yimi http://www.dastuur.org/images/stories/docs/IFCC%20Progress%20Report%20%2811%29%20FINAL%2015%20July%20ENG.pdf )

Xukuumaddani caynkii ay awel horeba u abuurtay ismaandhaafka siyaasadda arrimaha debedda ka taaggan ee ay ugu guulaystay inay bulshada ku kala qaybiso iyadoo ka faaìidaysnaysa taageeryaasheeda aan mayada aqoon kalsooni buuxda ku qabta kuwaasi ay u doodi doonaan halkii ay ka diidi lahaayeen, balse ay xaqiiqadyu tahay in saacadda ay buuxinyaan ay tahay time-bomb aanay iyaba ka badbaadi doonin qaraxiisa.

Waxa wax lala yaabo ah inaan dawladdu kaba hadal ilaa hadda wararka shirka taleex, waxaana iweyddiin leh tolow ma waxay odhon doonaan kama war qabno mana ogin, ma waxay odhon mukhabaraadkaa naga jilicsan, Ma khattaraha amniga ee ka soo fool leh bay wax kale ku sheegi doonaan, ma waxay odhon masùul kama nihin oo waa beel shiraysa, mise wuxuun bay qarqarin weligeed wada muuqda sida wufuudda shuftada qaarkood ee shirka u socday kana soo degay Berbera aanay u sheegin, sida tan oo kale, ee halkan : http://allboocame.com/?p=10020

EAST AND WEST SOMALILAND IS BEST

Ali Mohamoud Noor Ali-Eid

ali-mnuur@hotmail.com

Oslo, Norway

Warar intaa ka sii badan oo kaabaya maqaalka sare fadlan hoos ka sii eeg.

silsiladda shirarka: Boocame, Buuro-Wadal, London K2 urur beeled kale o la yidhaahdo isna KAAFI

Imanaashaha Ali Khalif iyo wefidiga g6 27dec

http://www.buhodle.net/component/content/article/1-latest-news/1338-gudiddii-g6-oo-dalka-soo-galay.html

first perss rel.

http://www.xargaga.net/index.php?name=News&file=article&sid=4933

muuqaalkii u horreyay ee shirka laga baahiyo

adal state taageero xoog leh

http://www.buhodle.net/component/content/article/1-latest-news/1332-awdal-state-oo-taageero-ballaadhan-heshay-dadka-soomaaliyeed.html

baraarujin shirka

http://www.buhodle.net/index.php/component/content/article/841-gabay-tanna-qaata-naadaba-ragbay-bay.html

baraarujin gabay cusub kicin ******* cabdi qoor gaab

http://www.buhodle.net/component/content/article/1204-kicindaarood.html

Shirweynihii Xisbiga Hiil Qaran oo muqd. lagu soo gabagbeeyay

http://somalitalk.com/2011/12/27/shirweynhii-xisbiga-hiil-qaran-oo-muqdisho-lagu-soo-gabagabeeyey/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this