Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Tarsan ilaaladiisa oo lagu tuhmay dilka wariye xiis

Recommended Posts

Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa saakay ku guuleystay howlgal ay ku soo qabanayeen nin magaciisa lagu soo koobay Fanax oo la sheegay inuu isagu bixiyay amarka lagu dilay weriye C/Salaan Xiis, waxaana ninkaasi saakay ay ciidamadu ka soo qabteen isagoo ku sugan gurigiisa.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan, ayaa la sheegayaa in ciidamadu ay si xeeladeysan ku soo wadeen ninkaasi oo ay la socotay ilaalo aad u xoogan, iyadoona arrinta ugu yaabka badan ay ahayd kaddib markii la geeyay xcarunta CID-da kaddibna lagu amray ilaaladiisa inay hubka dhigaan, kuwaasi oo qaatay awaamiirta madaxda xaruntaasi.

 

Ninka lagu magacaabo Fanax ayaa la sheegayaa inuu isagu ahaa ninkii amarka ku siiyay gacan ku dhiiglaha dilay Weriye C/Salaan Xiis inuu dilo, isla markaana isagu ka mid ahaa ilaaladiisa, hase yeeshee mid ka mid ah saraakiisha CID-da ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo xariga eedeysane Fanax.

Ninka lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dilka Weriye C/Salaan Xiis ayaa la sheegayaa inuu ahaa Taliyaha ciidamada duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), kaasi oo isaga iyo ilaaladiisaba xabsiga CID-da loo dhaadhiciyay.

Dhinaca kale amarka lagu soo qabtay ayaa la sheegayaa inuu bixiyay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo isagu horay u ballanqaaday inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigayaan isla markaana cadaaladda hor keenayaan shaqsigii dilay Weriye C/Salaan Xiis oo uu sheegay inay saaxib ahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this