Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Historic Agreement reached in Garowe to end Transition....

Recommended Posts

Shirkii Garowe Waa Lagu Heshiiyey Madaxdiina Heshiiska Way Saxiixeen

 

Posted by Pi on December 24th, 2011

Garowe (Puntlandi) Magaalada Garowe ee Xarunta dowladda Puntland oo afartii maalmood ee u danbaysay ee uu ka socday Shirka Wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ay yeelanayso in lagu dhamaystiro, Shirka ayaa laga gaarey heshiis dhaxalgal ah waxaana heshiiska saxiixay Madaxwaynaha Federaalka Shariif Shiikh Axmed, Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Gudoomiyaha Baarlamaanka TFG Shariif Xasan Shiikh Aadan, Madaxwaynaha Puntland Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole, Madaxwaynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Wakiilka Ahlusuna Waljamaaca.

 

Waxaa Madaxdu ay ku heshiiyeen in KMG ka laga baxo sanadka soo socda bisha Augsto marka lagaaro isla markaasna la yareeyo Baarlamaanka oo uu noqdo 225 kuwaas o lagu soo xuli doono nidaamka 4.5 ee hada jira, mudda Baarlamaanku waa 4 sano sida lagu heshiiyey waxaana markii 4-taas sano dhamaado meesha ka baxaya nidaamka qabiilaysiga ee 4.5 waxaana markaas lagalayaa hal qof iyo hal cod iyo nidaamkii xisbiyada in wax lagu soo doorto waxaa sidoo kale heshiiska ku taal inaan nimaamka 4.5-ka aan marna waqti loogu dari doonin marka uu waqtiga ka dhamaado 4 sano oo ka bilaaban doonta bisha Augst sanadka 2o11-ka markaas oo laga bixi doono Xiliga KMG ah oo la galayo dowlad rasmi ah, Baarlamaan rasmi ah iyo madax rasmi ah.

 

Markii ay madaxdu heshiiska saxiixeen waxaa Kooxda Fanaaniinta qaranka Waabari Puntland ay qaadeen heesta astaanta qaranka Soomaaliya ee Soomaaliyeey Toosoo Toosoo Isku Tiirsada oo hadba kiina taageeran taageera waligiinee. Heesta waxaa ka dabo qaadaya Madaxda Dalka Soomaaliya iyo Dhamaan qaybaha bulshada ee shirka joogta ee Soomaali ah waa loo wada istaagey heesta waxaa la lulayaa calanka Soomaaliya, Haweenku way ilmaynayaa madaxda qaarkeed indhahooda waxaa laga dareemayaa qiiro Soomaalinimo.

 

Madaxda ayaa hadalka bilaabi rabta Wakaalada.com ayaad toos shirka idiinka soo tabinaysa hadaladii madaxda ayaana heesta calanka qaadisteedu marka ay dhamaato ku xigi doona sida qorshaha ay ku sheegeen Wasiiru dowlaha dastuurka Puntland Dr. Jimcaale iyo C/casiis Farabadane oo UNPOSS ka tirsan.

 

Qodobada oo dhamaystiran khudbadaha Madaxda ayaad naga sugaysaan hadii alle idmo.

 

Abdi Yuusuf Geeljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Faroole iyo Madaxwayne Shariif Oo ka hadley Shirka (Faahfaahin buuxda)

 

Posted by Pi on December 24th, 2011

Garowe (Puntlandi) shirkii wadatashiga Soomaaliya ee 4-ta cisho ka socday magaaladan Garowe ayaa galabta soo gabogaboobey, xafladii saxiixa heshiiska iyo xafladii gabogabada waxaa goob joog ka ahaa Madaxwaynaha TFG Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka TFG Soomaaliya Shariif Xasan, Raysalwasaaraha TFG Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxwaynaha dowladda Dr. C/raxmaan Faroole, Madaxwayne Caalim, wakiilka Ahlusuna Maxamed Maxamuud Yuusuf awlibaax, Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey ee Soomaaliya Christian Manhal, Wakiilka Igad Jamaal iyo marti sharaf kaleeto ka tirsan qaybaha Soomaaliya shirka uga qaybgalay iyo dadweyne faro badan iyo Saxaafada gudaha iyo tan caalamka oo shirka joogtey min bilow ilaa dhamaad.

 

 

 

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole oo shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey heshiiska shirku uu kusoo dhamaadey wuxuuna mahad balaaran u jeeidyey dhinacyadii ka qaybgalay.

 

” Maantey waa maalin farxad iyo guul u ah Shacabka Puntland iyo madaxdooda maadaama uu shirkii mabaadii’da Garowe ee shirak dastuurka Soomaaliya uu ku dhamaadey guul, waxaan halkan ka cadaynayaa waan heshiinay, maalinkii shirku noo bilowday waxan iri waan wada hadlaynaa waan isqabqabsanaynaa lakin ku kala tagi mayno hade sidii baa dhacadoo waa doodnay waliba si adag oo adag is qabqabsi iyo yeel imaayo kadib waxan gabogabadii ku heshiinay qodobada aanu saxiixnay cid na dhex gashay majirto anaga isu tanaasulnay| ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

 

Dr. Farooel waxa uu sheegay in dowladda Puntland ay shirka u tanaazushay kadib markii dhinacyadii Koonfur ka socday ay ka fuqi waayeen nidaamka hab-beeleedka ku dhisan ee 4.5 kaasi oo markii hore Puntland iiday, madaxwayne Faroole wuxuu sheegay inay Puntland u tanaasushay Soomaali.

 

” Waanu tanaasulnay anagoo eegayna xaalada lagu jiro iyo walaalahayaga shirka nagula jirey oo ka fuqi waayay habkan 4.5ka la yiraahdo oo muddo lagu soo dhaqmayay si walaalaheen ay xarumahoodii ugula noqdaan war aan looga hor imaan waxaan isla qaadanay in muddo 4 sano ah qodobkaas uu noqdo kmg oo lagu soo xulo Baarlamaanka, laakiin baarlamaanka waxaan ku heshiinay 225 xubnood waqtigooduna yahay 4 sano, Puntland qaybta ay ku leedahay cid usoo magacaabaysa meleh taas hala ogaado waxaan kaloo u tanaasulnay in muddaas laga xoreeyo dalka dadka argogixisada ah markii waqtigaas dhamaado waxa lagalayaa marxalad cusub oo ah qof walba iyo codkiisa iyo qofka iyo xisbiga uu doonayo” ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

 

Madaxwaynaha dowladda Puntland oo khudbadiisa kaftan ku darsaday ayaa yiri ” Nin reer galbeed ah ayaa tagay meel bad leh hade waa ogtihiinoo galbeedka bad kuma taal marka ninkii markii uu arkey biyaha fadhiya ayuu far inta darsaday dhadhanshay mise wuxu dhanaanaa markaas buu yiri nin bad arkay waxna arag wuxuu ka sheegana ma yaqaan hada masuuliyiinta Fedraalka iyo Koonfurba ka socota nin arkay xaalada ay ku jiraan oo waraysta waxna arag wuxuu ka sheegana ma ayqaan” madaxwayne Faroole waxa uu u mahadceliyey ciidamada qaranka Puntland oo amaanka shirka gacan bir ah ku qabtey isagoo sheegay in abaal badan loogu hayo waxa kale oo uu u mahadceliyey shacabka Puntland.

 

Madaxwaynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa isna ka hadlay shirka isla markaasna si weyn usoo dhaweeyey isagoo mahad balaaran usoo jeediye yMadaxwaynaha Puntland iyo shacabka Puntland isagoo tilmaamay in tanaasul badan ay Puntland samaysay.

 

Shiikh Shariif waxa uu sheegay in heshiiska la gaarey uu yahay mid rasmi ah oo lagu dhaqmayo iyadoo uu sheegay in dariiqa hada la qaadey uu iftiinshay wax badan laguna soconayo waxii hada ka danbeeya, isago amaan balaaran usoo jeediyey ciidamada dowladda Puntland oo uu ku amaanay hawlkarnimo, daacadnimo iyo hufnaan sidoo kale shacabka Puntland ayuu ku amaanay sida ay ula sheegeen ciidamada amniga.

 

Shirka waxaa sidoo kale ka hadlay Wakiilada UNPOS iyo Igad oo iyaguna soo dhaweeyey kuna tilmaamay shirkan in laga gaarey heshiis taariikhi ah kaasi oo ay ku tilmaameen mid tanaasul iyo walaaltinimo la isugu sameeyey intii la wada hadlayay, kuxigeenka argayga UNPOSS ee Soomaaliya Manhal waxa uu sheegay inay heshiiska aad ula dhaceen ugu danbeyna ay Soomaali heshiisay iyadoo cid dhexdhexaadisay oo isku soo jiiday aysan jirin oo ay iyagu goosteen inaan loo kala dabqaadin.

 

Shirku guul ayuu kusoo dhamaadey aad baana loogu wada riyaaqey, madaxdii qaranka iyo madaxdii caalamka ka socotey hada ayay ka dhoofayaan garoonka caalamiga ah ee Garowe International Airpot, waxayna kala qabteen Muqdisho iyo Nairobi.

 

Cabdi Yuusuf Geeljir

Puntlandi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Baarlamaanka federaalka oo laba (2) Aqal yeelan doona & qaaciidada 4.5-ka oo 4 sano kabacdi la badali doono.

Sat, 24 Dec 2011 09:13:21 -0500 am -05:00 -18000

 

Garowe, Dec 24 - Waxaa is-afgarad taam ah ku dhaamaday, go'aamana laga soo saaray shirkii wadatashiga Somalida ee ka socday caasimada

 

Puntland ee Garowe.

 

Waxaa khudbado ka jeediyey madaxda Somalida ee shirka ka qayb gashay.

 

M/weynaha dawlada federaalka ee Somaliya Shariif Sh. Axmed oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in shirku uu ahaa guul Somaliyeed oo ay dani ugu jirto ummadda Somaliyeed.

 

"Waxaa aaminsanahay shirkaani in uu bixiyey iftiin la daba gali karo" ayuu yiri M/weyne Shariif.

 

"Waxaan hiigsanaynaana waa Somaliya oo nabad ah, dadka oo la tiriyo, gobollada oo dhisma, qofka Somaliga ah oo codkiisa ku doorta qofka uu rabo" ayaa uu ku daray.

 

M/weyne Shariif ayaa kula dardaarmay ummadda Somaliyed is-kaasi, midnimo iyo taageerid go'aamada shirka.

 

Al-shabaab iyo Al-qaa'ida ayaa uu ku baaqay in lala dagaalamo, dalkana laga saaro.

 

M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo isna ka hadlay xaflada ayaa sheegay in uu shirku guul ku dhamaaday, lana isku af-gartay qodobadii laga dooday.

 

"Annagaa heshiinay, annagaa wax isku qabanay, annagaa markii dambena dhamaysanay iyadoon cid lib sheeganaysa oo wax noo sheegto oo na dhex gashay aanay ku jirin" ayuu yiri M/weyne Faroole.

 

M/weyne Faroole waxaa uu dhaliilay nidaamka awood-qaybsiga beelaha Somalida ee 4.5-ka oo uu ku sifeeyey xaaraan.

 

"War xagee lagu arkay qof bar ah." ayuu yiri M/weyne Faroole.

 

Mar uu ka hadlay sida loo badali doono baarlamaanka, loogana gudbi doono habka 4.5-ka ayaa uu sheegay in laba (2) aqal la sameeyey,

 

"Dabaro badan ayaa loo sameeyey." ayaa hadalkiisa ka mid ahaa.

 

Waxaa uu intaas ku daray in ay ugu tanaasuleen ku dhaqanka ku meel gaarka ah ee habka 4.5-ka madaxda dawlada federaalka ah.

 

Dawlada, ciidanka, iyo shacabka Puntland ayaa lagu ammaanay martigelinta shirka, sugidda amniga, iyo soo dhawaynta wufuudda ka qayb gashay shirka.

 

Shirka ayaa bilawday 21-kii bisha December, 2011.

 

Bishii September 2011 ayaa wajigii 1-aad ee shirka lagu qabtay caasimada Somaliya ee Muqdisho.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

 

Listen to the audio of Shariff and Farole her

http://www.radiodaljir.com/zview.php?id=1585

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Please note sharif said "OH PUNTLAND WE HAVE SIDED WITH YOU" and he also said the security of the city was managed by Puntland. Stop the madness mogadishu boys

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Haweenku way ilmaynayaa madaxda qaarkeed indhahooda waxaa laga dareemayaa qiiro Soomaalinimo.

There has never been a deficit of QIIRO in Somalia.

 

Nonetheless, seems a good deal. Four years is good time to come up with new census and then base representation on districts and along party lines. This is a historic development. trying to reject the useless 4.5 system right away would have precipitated wrangling and would have jeopardised the roadmap. Give credit where it is due, Faroole (more recently re-baptised as Firdhiye among puntlanders) played well here. We bless you dear uncle for this!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its a breakthrough for Somalia. Yes its not a panacea, but it will go along way to address the lack of national governance.

A smaller parliament of two houses, and the end to the transition a proper Somali National Government with Mogadishu as its capital and the states having more power and development.

 

Its a great day, insha Allah khayr.

 

Long live SOMALIA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

page_one.jpg

 

Madaxda Somalia oo saxiixey Mabaadi'da Garowe

 

24 Dec 24, 2011 - 6:32:17 AM

 

GAROWEONLINE

 

Shirkii dhinacyada siyaasadda Somalida uga socaday Garowe ayaa lagu gaaray heshiiis rasmi ah maanta 24,Dec,2011,baarlamaanka Somalia ayaa lagu heshiiyey in tiradiisa laga dhigo 225 mudane habka 4.5-ka oo ku saleysan qabiilka ayaa lagu hishiiyey inuu sii shaqeeyo muddo afar sanno ah,xulashada baarlamaanka ee Auguost 2012 dooranaya madaxda qaranka waxaa la soo xulayaa bisha June.

 

Heshiiska maanta lagu gaaray Garowe ayaa waxaa si wada jira u saxiixay ,TFG , TFP Puntland ,Ehlusunna ,Galmudug, iyo Qaramada Midoobey ,waxaana markii la saxiixey lana ogaaday in madaxda Somalidu heshiis midaysan gaareen is qabsaday sacab ka soo yeeraya dadweynihii shirka fadhiyey oo shucuurtooduna kacsanayd.

 

Wakiilka IGAD ee Somalia oo hadal ka jeediyey xafladii xiritaankii shirka wadatashiga ah,wuxuuna ugu horayn u mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland iyo dadweynaha oo ku tilmaamay inay qaadeen talaabadan geesinimada ah,waxa uu xusay in Somaalia ay ka mid tahay wadamadii asaasay urur goboleedka IGad,waxaana la wadaagaynaa Somalia buu yidhi dhibaatada haysata madaama laga xoraynayo Alshabaab.

 

"IGAD iyo wadamada ay bahwadaagata yihiin ayaa xuddun u ahaa asaasgii haya'adaha federaalka Somalia,waxaana IGAD ka go'an inay Somalida garab taagnaato ilaa la soo celinayo nabdii iyo kala dambayntii,wadamada IGAD waxay marti geliyeen dadkii ka cararay

 

dagaaladii Somalia,sidaas daradeed madaxda Somalidu ha xlistaan wixii khilaafa si aan loo baylinihin hay'adaha jira" ayuu yiri wakiilka IGAD Somalia u qaabilsan Jamaal

 

Chiritain Manhal ku xigeenka ergayga gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia oo ka hadlay xiritaankii shirka Somalida ayaa sheegay in guul la gaaray 4-cisho oo laga doodayey ahmiyadii shirka loo qabtay,wuxuuna ku dheeraaday hababka ii heshiiskani diirada

 

saarayo,isagoo tilmaamay in qodobada maanta soo baxay ay yihiin qodobo midho-dhala,wuxuuna dhawaq dheer u ku yiri Manahal "waa la gaaray wixii la rabay" isagoo aad ugu faraxsanaa qodoba ay dhinacyadu Somalidu ay midnimada ku gaareen.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo wajigiisa ay farxadi ka muuqatay markii laga soo dhaweeyey Microfoonka ayaa ugu horayn cabiray dareenkiisa ku aadan xiritaanka shirka wadatshiga qaran ee Somalia.

 

"Waxaan halkan ka cadaynayaaa in shirkan maanta dhamaaday ay guul u tahay Puntland iyo Somalia oo dhan,waxaana idiin sheegayaa sidii aan furitaankii sheegay in aan waxba la kala qarsan balse aan la ka tegayn tiibaana maanta dhacaday" ayuu yiri Dr,Faroole bilawgii hadalkiisa.

 

Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo hadal qaaday mid ka mid ahaa qodobadii ugu adkaa mudadii shirkani socday kaasi oo ah nidaamka 4.5 oo ku sheegay mid cadaalad daro ah,wuxuuna xusay in waqti loo qabatay lagana bixi doono sida ku xusay hishiiska mabaadiida Garowe (Garowe Principles) ee maanta qalinka lagu duugay.waxaana uu sheegay in dhinacyada Somalidu gaareen hishiikan iyagoo aysan cidina wax u yeedhinayn.

 

Ugu dambayn ayaa madaxweyne Cabdiraxmaan wuxuu mahad balaaran u jeediyey dadweynaha reer Puntland siday dawladda ugu garab istaageen qabsoomida shirka,wuxuuna amaan iyo ducuba iskugu daray ciidamada kala duwan ee Puntland oo xilweyn iska saaray inay sugaan amaan caasimada iyo guud ahaanba deegaanada Puntland.

 

Madaxweynaha dawladda Federaalka Somaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed oo soo gababeeyey xafladii xiritaanka shirka wadatashiga Somalida,ayaa muujiyey farxada isgaoo mahad balaaran u jeediyey dawladda Puntland oo ugu horeeyo madaxweynaha Puntland Shacka iyo ciidamada Puntland oo ku amaanay qaabka ay u sugeen amaanka caasimadda Puntland.

 

Madaxweyne Shariif ayaa dhinace kele sheegay in loo baahan in taaba gelinyo qodobada maanta lagu saxiixay Garoowe.wuxuuna Shariif Puntland ku amaanay tanaasulkii ay ka sameeyeen qodobadii doodoodu adkaatay.

 

Markuu shirku soo dhamaaday ayaa Radio Garowe Microfnka la dhexqaaday qaybihii kala duwanaa ee mujtamicii shirkan ka qayb-galay,waxayna ku sheegeen inay tahay maalin taariikhiya oo Smaliyana ay guul tahay.

 

Madaxweynaha DFK Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa markii shirku dhamaadey waxa uu toos u abaarey dhanka Garowe International Airport oo diyaaradii uu raaci lahaa taagneyd, isagoona u duuley dhanka xarunta Somalia ee Muqdisho,waxana Garowe ku sugan madaxdii kale ee dhankooda saxiixdey heshiiska iyo ergadii dhamaan ka qaybgashey shirka.

 

Halkan ka dhageyso dhamaan khudbadihii xiritaanka shirka la jeediyey

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxda_Somalia_oo_saxiixey_Mabaadi_da_Garowe.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;767296 wrote:
I feel sorry for the mogadishu boys they want to say something bad about puntland but they cant cause their leader is not

Ditoore, I feel sorry for you too, a step towards Somalinimo and you're busy making comments about us.. this agreement was great and is welcomed by every sane Somali so don't differentiate us, anyway we are the sons of Samaale!

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE : Shirkii oo jawi nabadgalyo ku dhammaaday iyo wafuudii oo garoonka diyaaradaha si toos ah u aaday

 

December 24, 2011 1:39 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print

Garoowe:-Waxaa goor-dhawayd soo dhammaaday shirkii heerka sare ahaa ee wadatashiga Dastuurka Soomaliya waxana ka soo baxay qodobo la isku wadaraacay oo dhinacyadii shirka ka soo qayb-galay ay saxiixeen, waxaana qodobadan ugu muhiimsanaa:

 

In Baarlamaanka laga dhigo 225 Xubnood

 

In Baarlamaanka lagu soo doorto nidaamka 4.5

 

In nidaamka 4.5 uu shaqeeyo 4-a sano ee hore

 

In Dastuurka ay ansixiyaan ergooyin ka kooban 1000.

 

In Ergooyinka soo doortaan maamulada o latashanaya waxgarad iyo meelaha aan maal ka jirin in qabaa’ilada soo doortaan

 

Shirkan, oo socday muddo 4 maalmood ah ayaa waxa uu ku soo dhammaaday maanta (Sabti) si nabadgalyo ah oo aad u wanaagsan, waxaana dhammaan wafuudii ay iminka si toos ah u aadeen garoonka diyaaradaha ee Garoowe halkaas oo ay ka duulayaan.

 

Waxaa xusid mudan, in aan wali gacanta loo galin warbaahinta nuqul ka mid ah heshiska la saxiixay, waxaana loo akhriyay si dulmar ah oo kooban, iyada oo si gaar ah looga hadlay labada qodob ee kala ah tirada Baarlamaanka iyo habka lagu soo dooranayo ee nidaamka 4.5

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

President Shariif Sheikh Ahmed " Puntland way ku amaanayihiin tanaasulkii ay ka sameeyeen qodobadii doodoodu adkaatay."

 

 

Madaxda Somalia oo saxiixey Mabaadi'da Garowe

24 Dec 24, 2011 - 6:32:17 AM

 

GAROWEONLINE

 

Shirkii dhinacyada siyaasadda Somalida uga socaday Garowe ayaa lagu gaaray heshiiis rasmi ah maanta 24,Dec,2011,baarlamaanka Somalia ayaa lagu heshiiyey in tiradiisa laga dhigo 225 mudane habka 4.5-ka oo ku saleysan qabiilka ayaa lagu hishiiyey inuu sii shaqeeyo muddo afar sanno ah,xulashada baarlamaanka ee Auguost 2012 dooranaya madaxda qaranka waxaa la soo xulayaa bisha June.

 

Heshiiska maanta lagu gaaray Garowe ayaa waxaa si wada jira u saxiixay ,TFG , TFP Puntland ,Ehlusunna ,Galmudug, iyo Qaramada Midoobey ,waxaana markii la saxiixey lana ogaaday in madaxda Somalidu heshiis midaysan gaareen is qabsaday sacab ka soo yeeraya dadweynihii shirka fadhiyey oo shucuurtooduna kacsanayd.

 

Wakiilka IGAD ee Somalia oo hadal ka jeediyey xafladii xiritaankii shirka wadatashiga ah,wuxuuna ugu horayn u mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland iyo dadweynaha oo ku tilmaamay inay qaadeen talaabadan geesinimada ah,waxa uu xusay in Somaalia ay ka mid tahay wadamadii asaasay urur goboleedka IGad,waxaana la wadaagaynaa Somalia buu yidhi dhibaatada haysata madaama laga xoraynayo Alshabaab.

 

"IGAD iyo wadamada ay bahwadaagata yihiin ayaa xuddun u ahaa asaasgii haya'adaha federaalka Somalia,waxaana IGAD ka go'an inay Somalida garab taagnaato ilaa la soo celinayo nabdii iyo kala dambayntii,wadamada IGAD waxay marti geliyeen dadkii ka cararay

 

dagaaladii Somalia,sidaas daradeed madaxda Somalidu ha xlistaan wixii khilaafa si aan loo baylinihin hay'adaha jira" ayuu yiri wakiilka IGAD Somalia u qaabilsan Jamaal

 

Chiritain Manhal ku xigeenka ergayga gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia oo ka hadlay xiritaankii shirka Somalida ayaa sheegay in guul la gaaray 4-cisho oo laga doodayey ahmiyadii shirka loo qabtay,wuxuuna ku dheeraaday hababka ii heshiiskani diirada

 

saarayo,isagoo tilmaamay in qodobada maanta soo baxay ay yihiin qodobo midho-dhala,wuxuuna dhawaq dheer u ku yiri Manahal "waa la gaaray wixii la rabay" isagoo aad ugu faraxsanaa qodoba ay dhinacyadu Somalidu ay midnimada ku gaareen.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo wajigiisa ay farxadi ka muuqatay markii laga soo dhaweeyey Microfoonka ayaa ugu horayn cabiray dareenkiisa ku aadan xiritaanka shirka wadatshiga qaran ee Somalia.

 

"Waxaan halkan ka cadaynayaaa in shirkan maanta dhamaaday ay guul u tahay Puntland iyo Somalia oo dhan,waxaana idiin sheegayaa sidii aan furitaankii sheegay in aan waxba la kala qarsan balse aan la ka tegayn tiibaana maanta dhacaday" ayuu yiri Dr,Faroole bilawgii hadalkiisa.

 

Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo hadal qaaday mid ka mid ahaa qodobadii ugu adkaa mudadii shirkani socday kaasi oo ah nidaamka 4.5 oo ku sheegay mid cadaalad daro ah,wuxuuna xusay in waqti loo qabatay lagana bixi doono sida ku xusay hishiiska mabaadiida Garowe (Garowe Principles) ee maanta qalinka lagu duugay.waxaana uu sheegay in dhinacyada Somalidu gaareen hishiikan iyagoo aysan cidina wax u yeedhinayn.

 

Ugu dambayn ayaa madaxweyne Cabdiraxmaan wuxuu mahad balaaran u jeediyey dadweynaha reer Puntland siday dawladda ugu garab istaageen qabsoomida shirka,wuxuuna amaan iyo ducuba iskugu daray ciidamada kala duwan ee Puntland oo xilweyn iska saaray inay sugaan amaan caasimada iyo guud ahaanba deegaanada Puntland.

 

Madaxweynaha dawladda Federaalka Somaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed oo soo gababeeyey xafladii xiritaanka shirka wadatashiga Somalida,ayaa muujiyey farxada isgaoo mahad balaaran u jeediyey dawladda Puntland oo ugu horeeyo madaxweynaha Puntland Shacka iyo ciidamada Puntland oo ku amaanay qaabka ay u sugeen amaanka caasimadda Puntland.

 

Madaxweyne Shariif ayaa dhinace kele sheegay in loo baahan in taaba gelinyo qodobada maanta lagu saxiixay Garoowe.wuxuuna Shariif Puntland ku amaanay tanaasulkii ay ka sameeyeen qodobadii doodoodu adkaatay.

 

Markuu shirku soo dhamaaday ayaa Radio Garowe Microfnka la dhexqaaday qaybihii kala duwanaa ee mujtamicii shirkan ka qayb-galay,waxayna ku sheegeen inay tahay maalin taariikhiya oo Smaliyana ay guul tahay.

 

Madaxweynaha DFK Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa markii shirku dhamaadey waxa uu toos u abaarey dhanka Garowe International Airport oo diyaaradii uu raaci lahaa taagneyd, isagoona u duuley dhanka xarunta Somalia ee Muqdisho,waxana Garowe ku sugan madaxdii kale ee dhankooda saxiixdey heshiiska iyo ergadii dhamaan ka qaybgashey shirka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masha'allah this was a great success and landmark achievement:

 

 

NO MORE 4.5 after this time - END of the divisive and clanish formula and End of the 575 MPs plus new Somali federal government.

 

 

Viva Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this