Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe Clan enclave accuses G6 conference organizers to be behind the recent Killings in taleex

Recommended Posts

Garoowe:Wasiir katirsan Puntland oo si kulul uga hadlay Dilalka ka dhacaya Degmada Taleex Kuna eedeeyey Qabanqaabiyeyaasha Shirka Khaatumo 2.

18. december 2011

APL

 

Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo Magaalada Taleex ee gobolka Sool ay todobaadkan iyo todobaadkan ka dheceen Falal dilal ah oo qorshaysan kuwaasoo midkamid ah lagu dilay Ganacsade caan ah oo ay wada dhasheen madaxweyne xigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed shalayna halkaas lagu dilay Sarkaal sare oo katirsanaa xafiiska Wasaarada maaliyada ee degmada Taleex ayaa ay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed arimahaas si kulul uga hadashay.

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada dawlada Puntland Xassan Faarax Jaamac oo kamid ah Wasiirada dawlada kasoo gala gobolada SSC ayaa warbaahinta gudaha u sheegey in Dilalkaasi ay yihiin fidno abaabulan oo loogu talagalay in colaad iyo mushkilad lagu dhexdhigo walaalaha SSC taasoo uu sheegey inay tahay mid aan sina loo aqbali Karin.

 

Xassan Wuxuu sheegey in Falalkan ay ku lugleeyihiin rag uu sheegey inay dibada kayimaadeen islamarkaasna caruurahoodii dibada u qaxsadeen kuwaasoo uu Wasiirku sheegey inay yihiin Qabanbqaabiyeyaasha Shirka Khaatumo qaybtiisa labaad ee beesha SSC ay uga arinsanayso Mustaqbalka deegaanadaas iyo isku keenista dadkooda ay siyaasadu kala gaysay wuxuuna sheegey in shirkaasi uu fidno la dhexdhigay Walaalaha ku bilowday taasoo uu sheegey inaanan sina looga yeelayn kooxaha wada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this