Sign in to follow this  
Saalax

Xaalada Dugsiga Hoose/Dhexe Degmada Xudun Oo Laga Dayrinayo Iyo Maamulka Gobolka Sool Oo Afka Ka Xid

Recommended Posts

Saalax   

Xaalada Dugsiga Hoose/Dhexe Degmada Xudun Oo Laga Dayrinayo Iyo Maamulka Gobolka Sool Oo Afka Ka Xidhay.

 

Xudun(Ramaas) Dec. 16, 2011- Xaalada uu ku sugan yahay dugsiga hoose/dhexe ee degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaa xumaanaysay bilihii ugu dambeeyay,iyada oo dhismayaashu dugsigu ay qarka in ay dumaan dhawaan.

 

Dhismaha dugsiga oo ah mid qadiimi ah oo aan dayactir lagu samayn ku dhawaad soddon sanno, ayaa lagu cabsi qabaa in uu dhulka la sinmo, haddii aan si dhakhso loo dayactirin dhawaan, iyada oo ardayda iyo macalimiinta dugsigu ay bilaabeen in ay ka dareeraan fasalada qaarkood.

 

 

Maamulka dugsiga Xudun ayaa ka dayrinaya sida ay noqon doonto xaalada mustaqbalka dhaw,iyada oo aan helin ilaa hadda taageero dhaqaale oo ay ka codsadeen maamulka gobolka Sool oo ka cagajiidaya codsigaas.

 

“ Dugsiga waxa ka jira xaalada ba’an waxa dumaya gidaaradii , haddii Ilaahay aan naga soo gaadhin, dugsigu waxa weeye mid qadiimiya oo gaboobay, dayactirna aan helin muddo dheer. ardaydii baqaashaa la soo darisday, xaalku ma fiicna waa la wada baqanayaa, maamulka kan Sool waanu la hadalnay iyana waxba noogamay soo jawaabin” ayuu yidhi macalin Xasan Axmed oo uu waramayay qaar ka mida warbaahinta.

 

Sida oo kale wararka ka imanaya deegaanka Xudun waxa ay sheegayaan in dugsiga hoose’dhexe ee degamadaas ay la soo wajahday xaalada dhaqaale xumo,iyada barayaashu aanay wax mushahar ah qaadan labadii bilood ee u dambeeyay,taasina ay sababtay in waxbarashadu ay hakad gasho sida u xaqiijiyeen ilo xog-ogogaal ahi shabakeda wararka ee Ramaasnews.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this