Sign in to follow this  
Showqi

Please Help Radio Baqbaq iyo Hayaay!

Recommended Posts

Showqi   

Waxaa habeenkii xalay ahaa, abaare saqdii dhexe caasimada Dudumo Daldaloosha ee gobalka iga durug lagaga dhawaaqay saddex dowlad gobaleed oo cusub. Saddexdan dowlad gobaleed oo kala ah:Jinni State, JikaarLand iyo Jiis State ayaa iyagu waxay noqonayaan dowlad gobaleedyadii ugu danbeeyey, ee lagaga dhawaaqo wadanka Soomaaliya.

 

Hadaba Radio Baqbaq iyo Hayaay ayaa waxa u suurto gashay in uu wareysi gaaban la yeesho saddexda madaxweeyne ee hogaaminaya maamul goboleedyadan cusub. Wareysigii uu wariyahayaga muddane Shimbir la yeeshay saddexda madaxweeynena sida tan ayuu u dhacay:

 

Wariye Shimbir: Madaxweyne Xaaji Xunjuf wax ma nooga sheegi kartaa Jiis State sababta loo aasaasay, iyo mowqifkeeda?

Xaaji Xunjuf: Well I can't tell you much about Jiis State! because it is top secret. Laakiin Jiis State waa state cusub oo u halgameysa xuquuqda ay leeyihiin dadka Fadhi ku dirirka ah. Dadkaas Fadhi ku dirirka ah oo lagu qiyaasayo ilaa iyo 4 Million oo Soomaali ah, unna badan raga ay da doodu u dhaxeeyso 32-95 years old. Dadkaas oo aanu dooneyno in aanu u dhisno xarumo waaweyn iyo website-yo badan, halkaas oo ay ku murmi doonaan 24/7.

Xaaji Xunjuf: Mowqifkayagu waa in aanu qof walba oo Soomaali ah, rag iyo dumar caruur iyo ciroole ka dhigno Fadhi ku dirir isnacay!

Wariye Shimbir: Waayahay muddane Xunjuf aad iyo aad ayaad u mahadsantahay. Bal makaroofanka u dhiib Jacaylbaro oo isaguna ah Madaxweynaha Jikaarland.

 

Wariye Shimbir: Madaxweyne Jacaylbaro wax ma nooga sheegi kartaa JikaarLand sababta loo aasaasay, iyo mowqifkeeda?

Jacaylbaro: bacaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaac...

Wariye Shimbir: Waa yahay Madaxweyne Jacaylbaro, bal wax kale ma ku dari kareysaa bacaaaaaaaaaacdaas?

Jacaylbaro: Haa yoo dee JikaarLand waxay mucaarad ku tahay Buufisland, Baagomuudo-land, Birqaabland iyo cid walba oo sheeganeysa magaca Land. Ha ku sugnaato wadanka gudihiisa amaba dibadiisa!

Wariye Shimbir: Waa hagaag muddane Jacaylbaro adiguna aad iyo aad ayaad u mahadsantahay. Bal makaroofanka u dhiib Nuune oo isaguna ah Madaxweynaha Jinni State.

 

Wariye Shimbir: Madaxweyne Nuune marka hore adiga iyo quruumahaagu bal ku soo dhowaada Radio Baqbaq iyo Hayaay. Marka xiga wax ma nooga sheegi kartaa Jinni State sababta looga aasaasay Soomaaliya dhexdeeda, Soomaalidu ma Jinnigeey wax ku darsadaan?

Nuune: Wariye Shinbir marka hore waad ku mahad santahay martiqaadkan aad aniga iyo waftigeeyga "Jinniyada illa socda" nagu marti qaaday Radio Baqbaq iyo Hayaay. Annagu waxaanu hadalnaa marka aanu sooryada yada dhameesano, markaa waad aragtaa oo waxa ila socda labo boqol oo jinniyad ( Nuune oo indhaha la raacay garabkiisa bidix, dabadeetana garabkiisa midig isaga oo dhoolo cadeeynaya). Dee shimboroow bal is xilqaan oo labadan boqol ee xuural cayn ee illa socota (Shimbir oo wali eegaya Nuune dhiniciisa bidix iyo midig hasayeshee aan cidna arkeynin) waxay cunaan iyo wax ay cabaan bal soo hor dhig. Dabadeedna su'aalahaaga waanu ka jawaabi doona.

 

Hadaba akhristoow wariye Shimbir wey u suurtoobi weyday in uu dhameystiro interview-gii uu la lahaa Madaxweynaha Jinni State mudane Nuune. isaga oo mudane madaxweyne Nuune diiday in uu sheego raashinka iyo sharaabka ay jinniyadiisu jamanayaan. Mar la weydiiyey mudane Nuune sababta uu u diiday in uu u sheego waxa ay Jinnigiisu jamanayaan. Waxa uu yidhi: If Radio Baqbaq and Hayaay have done their homework then they should have known what we like to eat, and drink. Anniga iyo labo boqol oo jinniyad ah ayey koob shaaha oo qudha na soo hor dhigeen ceeb caleyk. Waxaasi waa marti sooryo xumo.

 

Hadaba akhristoow si Radio Baqbaq iyo Hayaay u dhameystiro wareysigii Nuune iyo Jinniyadiisa bal fadlan halkan noogu soo qor magacyada raashinka iyo sharaabka ay Jinniyadu jecelyihiin in lagu marti qaado.

 

Waad maraqsantihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Showqi;765455 wrote:

Wariye Shimbir:
Madaxweyne Jacaylbaro wax ma nooga sheegi kartaa
JikaarLand
sababta loo aasaasay, iyo mowqifkeeda?

Jacaylbaro:
bacaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaac...

Wariye Shimbir:
Waa yahay Madaxweyne Jacaylbaro, bal wax kale ma ku dari kareysaa bacaaaaaaaaaacdaas?

Jacaylbaro:
Haa yoo dee
JikaarLand
waxay mucaarad ku tahay Buufisland, Baagomuudo-land, Birqaabland iyo cid walba oo sheeganeysa magaca Land. Ha ku sugnaato wadanka gudihiisa amaba dibadiisa!

 

Classic. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this