Sign in to follow this  
yahya007

Shabaab oo gacanta ku haya Ajaa’niib laga soo qafashay Kenya

Recommended Posts

yahya007   

Afgooye(GMN)-Laba Haween ah oo u dhashay dalka Spain isla markaana laga soo afduubtay dalka Kenya gaar ahaan xeryaha waqooyi bari kenya ayaa u gacan galay shabaab.

 

Haweenkani ayaa iyagoo katiinadaysan Shabaabku waxa ay ka qabteen xaafado ka mid ah degmada Afgooye halkaasi oo mudo lagu haystay

 

Ciidamada Shabaab ayaa haweenkani marka ay gacanta ku dhigeen waxa ay u gudbiyeen saldhig ku yaala isla degmadaasi halkaasi oo ay su’aalo ku weydiinayaan.

 

Haweenkani ajaa’niibta ah ayaa lagu hayey guri ku yaala degmada Afgooye, waxayna soo baxsadeen xili la sheegay in khilaaf soo dhexgalay kooxihii heystay.

 

Ciidamada Shabaab ayaa gebi ahaanba xiray dhamaan dadkii ku noolaa guriga lagu hayey haweenkani ajaa’niibta ah isla markaana dhankooda su’aalo ay weydiinayaan

 

Lama oga talabada shabaab ay ka qaado doonaan iyo halka ay ula dhaqaaqi doonaan haweenkani ay gacanta ku dhigeen ee u dhashay dalka Spian isla markaana u shaqeynayey Hay’ada Spaian.

 

Shabaab iyo kooxaha burcad badeeda soomaalida ayaa dhawanahaba waxaa soo ifbaxayey inuu xiriir ka dhaxeeya sababo ay ka mid tahay in dadka la soo afduubto lagu hayo gobolada ay shabaabku maamulaan.

 

Gedo Online News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this