Sign in to follow this  
Saalax

Amin Amir on Somaliland Football Tournament Burco2011

Recommended Posts

Saalax   

Somaliland Football National Tournament updates.

 

Saalax;763171 wrote:
di-WIRE.png

 

 

Ciyaartii Afraad Ee Tartanka Gobolada Dalka Oo Maanta Dhex Martay Gobolada Gabiley Iyo Saaxil Oo Ku Soo Gabogabowday Barbar-Dhac 1:1 Ah.

 

Burco (Ramaas) Dec 4,2011 – Ciyaartii afraad ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ee ka socda Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo ay maanta wada ciyaarayeen Gobolada Gabiley iyo Saaxil ayaa ku soo gabogabowday barbar dhac 1:1 ah.

 

Ciyaartan oo ahayd ciyaar labada kooxoodba uu ka muuqday diyaar-garow aad u heer-sareeya ayaa waxa ay labadooduba soo bandhigeen ciyaar weerar iyo weerar celis ah oo markii hore la isla dhaafi waayey 0:0, balse kooxda gobolka Gabiey ayaa markii ciyaartu muddo socotay dhashatay goolkooda, iyadda oo taageeraasha gobolka Gabiley ay ku qaabileen dabaal-deg iyo sawaxan ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin goolkooda.

 

Balse, debaal-dega taageerayaasha iyo kooxda Gobolka Gabilay ma sii waarin, balse markii haafkii dambe ee ciyaarta ayaa kooxda gobolka Saaxil la soo galeen garoonka dardar aad u heer-saraysa, waxayna cidhiidhi galiyeen kooxda gobolka Gabiley, waxaana kooxda Saaxil u suurto-gashay inay gabogabadii ciyaarta dhalinyaan goolka barbar dhaca.

 

Ciyaartan labada kooxood wada ciyaareen oo daawashadeeda ay ka qayb-galeen boqolaal qof oo iskaga kala yimid daafaha Magaaladda Burco iyo waliba Magaalooyinka Gaboley iyo Berbera isla-markaana dadku kala socdeen telefiisnada qaarkood iyo Idaacadda Radio Hargeysa ayaa waxa ay noqonaysaa ciyaartii ugu dambeysay ee wareega hore ee tartanka.

 

Dhinaca kale, tartankan ciyaarta kubada cagta ee gobolada Somaliland ayaa waxa si mugle uga qayb-qaadanaya ciidanka booliska Magaaladda Burco oo si habsami ah isha uga haya amaanka guud ee garoonka iyo taageerayaashaba.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this