Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Siilaanyo arrives in the republic of Djibouti

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii oo caawa si Meeqaam Sare ah Loogu soo dhaweeyay Jabuuti

November 25th, 2011

 

Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa caawa fiidkii si meeqaam sare loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti ee aynu dariska nahay.

 

Weftiga Madaxweynaha oo ka degay madaarka Magaalada Jabuuti 6:15 daqiiqo, waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Raysal wasaaraha Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta, Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo boosaha Md. Cabdi Xuseen Axmed iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Cali Cabdi Faarax.

 

Sidoo kale, waxa madaarka iyaguna ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Wasiirradii Somaliland ee maalmihii la soo dhaafay ku sii sugnaa dalka Jabuuti oo ay ka mid ahaayeen Madaxtooyadda, Kuluumaysiga, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), Md. Maxamed Yuusuf Waabeeyo iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis.

 

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu qadar nasasho ah oo ay ku qaateen qolka nasashada ee madaarka Jabuuti waxa lagu qaaday Baabuur khaas ah oo loogu tallo galay in lagu galbiyo Madaxda sar sare ee dalkaasi booqashada ku yimaada.

 

Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo khamiistii soo gaadhay dalka Itoobiya oo ay xalay u hoydeen waxay ka soo kicitimeen maanta iyadoo ay la socdeen diyaarad khaas ah oo ay leedahay dawlada Itoobiya.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo socdaal shaqo iyo fasax ku tagay dalka Ingiriiska waxa ku weheliya booqashadooda Wasiirka Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Faysal Cali Sh. Maxamed.

Weftigu waxay kulamo kula yeelan doonaan dalka Jabuuti madaxda sar sare ee dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan dhamaystirka heshiisyadii iskaashi ee ay labada dawladood kala saxeexdeen kal hore iyo sidii loo sii balaadhin lahaa cilaaqaadka labada dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Alabaabaddu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

 

Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa kulankoodan ku soo hadal qaaday sidii ay....

 

Jabuuti (GNS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan balaadhan maanta la yeeshay Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliand Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) oo maalmihii u danbeeyay hawl shaqo ku joogay magaaladda Jabuuti ee Dalka Jabuuti.

 

Kulanka Labadda Madaxweyne Oo Ka Dhacday Qasriga Madaxtooyadda Dalka Jabuuti ayaa ahaa kulan y albaabaddu u xidhan yihiin, waxana la sheegay in ay labadda madaxweyne ka wadda hadleen Arimaha Nabadgelayadda ee Labadda Wadan, xidhiidhka ganacsi, waxana ay wararku sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Geelle si adag u naqdiyeen siddii loo dhamaystiri lahaa Hashiiskii ay Sanad ka hor labadda dal ka wadda hadleen.

 

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Jabuuti ayaa kulankoodan la sheegay in ay ku soo hadal qaadeen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen labadda wadan Budhacad badeednimadda iyo Argigixisadda.

Warar ku agdhow kulanka labadda madaxweyne ayaa sheegaya in ay isku afgarteen Hashiiskan, isla markaana ay wasiirro ka tirsan labada dal loo xil saari doono hirgelinta iskaashiga labada Wadan.

Si kastaba ha ahaatee kulankan uu madaxweyne siilaanyo la yeeshay madaxweynaha dalka jabuuti ayaa noqonaya kii labaad tan iyo intii uu hayay xilka madaxtininmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this