Sign in to follow this  
AsadSL

Ciidan from SouthEast Sanaag Surrender and Meet SL gov in Ceerigaabo

Recommended Posts

Labaatan Askari oo watay laba baabuur oo Tikniko ah Maleeshiyada Puntland

 

November 17th, 2011

 

Ceerigaabo (Somaliland.Org)-Labaatan xubnood oo ka mid ah maleeshiyadda Puntland oo ka soo jeeda beesha koonfurta Sanaag ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ka dib markii ay shalay galab soo gaadheen magaaladaasi.

 

Maleeshiyo beeleedkan oo watay laba baabuur oo nooca tiknikada ah waxa maanta si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo Weftigii xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku sugnaa gobolka Sanaag.

 

Xubno u hadlay maleeshiyadan ayaa sheegay inay markii ay arkeen inaanay Puntland wax horumar ah u soo wadin beelaha koonfurta sanaag go’aansadeen inay wax la qabsadaan Somaliland oo dal ka dhaxeeyo.

 

Xubnahan u hadlay maleeshiyo beeleedkani waxaa kale oo ay hadalkooda ku sheegeen inay aqbaleen gogoshii nabada ee uu Madaxweynaha J.Somaliland ugu baaqay beelaha dega gobolada bari ee Somaliland .

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland Md.Axmed Cabdi Xaabsade oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay talaabada ku dayashada mudan ee ay ciidan beeleedkani ku shacbigooda sidii ay shacbigooda reer Somaliland wax ula qaybsan lahaayeen waxaanu intaas ku daray in arrintani ay badhitaarayso hawlaha nabadgalyo ee ay ka wadaan gobolka sanaag.

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo xafladaasi ka hadlay ayaa u balan qaaday ciidan beeleedkan inay si rasmi ah u qaramayn doonaan.

waxa uu wasiirku tilmaamay inay waajib tahay sidii meel looga soo wada jeedi lahaa qadiyada qaranimada oo uu tilmaamay inay tahay Masiir iyo aayo ka tashi ummadeed.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in weftiga uu hogaaminayaa ay gobolka Sanaag u yimaadeen sidii ay xaal waara ugu heli lahaayeen Shaqaaqadii ku dhex martay magaalada Ceerigaabo laba beelood oo walaalo ah oo xurgufi dhex martay isagoo intaas ku daray inuu hawlgalkaasi haataan marayo meel gabo gebo ah waxaanu u mahad celiyay waxgaradkii gacanta ka siiyay dhinaca ammaanka.

 

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Maxamed Cabdi Maalik oo xubin ka ah Gudida heerka qaran ee Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa ku dheeraaday kaalinta ay shacbiga gobolka sanaag kaga jiraan nabadgaalyada, iyo dhismaha dawladnimo ee Somaliland iyagoo u soo jeediyay inta weli ka maqan dhismaha dalkooda inay gacmo furan ku soo dhawaynayaan cid kastoo wax la qaybsanaysa dadkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;759360 wrote:
You mean south eastern gal sheikh and ceel afweyn is south western sanaag

 

These guys were from fiqifuliye and sarmaanyo

Dude, Ceel-Afweyne and Gal Shiekh are located in WESTERN Sanaag.

 

South West and South East Sanaag are both SSC/Maakhir deegaans.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;759367 wrote:
They are located south west of sanaag gal sheikh and ceel afweyn

I've been there before sxb. Ceel-Afweyn is located in Western Sanaag. Gal Sheikh too.

 

South-West, South, South-East, North-East Sanaag are all SSC/Maakhir deegaans.

 

West, North-West Sanaag are all SNM-clan Deegaans.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Desperation..Surrender and meet can't go together...

 

Yesterday was we snm controlls the city and now only 20 militia's came to city baa loo dabaal degayaa oo la soo dhawaynayaa..

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;759370 wrote:
Desperation..Surrender and meet can't go together...

 

Yesterday was we snm controlls the city and now only 20 militia's came to city baa loo dabaal degayaa oo la soo dhawaynayaa..

Hahahahaha, just 20 men, with TWO Teknicles bey la soo shir tageyn.

 

Ceel Afweyn is located in WESTERN SANAAG @ XX

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;759370 wrote:
Desperation..Surrender and meet can't go together...

 

Yesterday was we snm controlls the city and now only 20 militia's came to city baa loo dabaal degayaa oo la soo dhawaynayaa..

This has nothing to do with Ceerigaabo they came from Saarmaanyo and Fiqifuliye

Share this post


Link to post
Share on other sites
AsadSL   

Knight, That’s not what we’re discussing. In the video it says they were not SSC but a normal d block millata.

 

Khadar, this has nothing to do with them being inside or near Ceerigaabo but another degan in Sanaag. Get with the program.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this