Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Boosaaso:Clan Clashes erupt in the karkaar region of Bari with Heavy Casualties

Recommended Posts

Dagaalo geystey khasaare baaxad leh oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira ayaa galabta ka dhacay deegaano hoos taga degmada Rako ee gobolka Karkaar.

 

Dagaaladan oo daba socdo kuwo 48-dii saac ee lasoo dhaafay halkaas ku dhex maray mileeshiyooyin hubeysan oo ku kala abtirsada labo beelood oo deegaankaas ku wada dhaqan ayaa lagu soo waramayaa in ay bilowdeen galabta haseyeeshee markii uu gabalku dhacay ay iskood u joogsadeen.

 

Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiquraan Maxamed Aadan oo la caawa u waramay Barnaamijka Dhacdooyinka ee ka baxa Idaacada Horseed Media ayaa sheegay in khasaaraha dagaaladaas ka dhashay uu yahay mid aad u badan dad tiradoodu 10 kor u dhaafaysaana ay ku geeriyoodeen tira intaas ka badanna ay dhaawacyo soo gaareen.

 

Mudane Cabdiquraan ayaa sidoo kale Horseed Media u xaqiijiyey in Isbitaalka weyn ee degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar lasoo gaarsiiyey dhaawaca 10 qof oo ka kala tirsan dhinacyadii ay galabta dirirtu ku dhex martay duleedka degmada Rako.

 

Wuxuuna sidoo kale sheegay in xiligan aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dadka dagaaladaas ay waxyeeladu kasoo gaartey maadaama ay xilli habeen ah tahay goobihii uu dagaalku ka dhacayna ay labadii dhinac ee iska hor imaadku dhex maray isku hor fadhiyaan.

 

Cabdiquraan Maxamed Aadan oo ah Gudoomiyaha gobolka Karkaar oo deegaanada ay dagaaladaasi ka dhacayaani hoos tagaan ayaa sheegay in wax ka qabashada arintaasi ay tahay mid maamulka gobolku aanu awoodin wuxuuna ugu baaqay dowlada iyo waxgaradka kale ee reer Puntland in ay si deg deg ah usoo gurmadaan si dhibaatada halkaas ka jirta wax looga qabto.

 

Dhinaca kale wuxuu fariin culus u diray Ergooyin labadaas beelood ee coolaadu ka dhex aloosan tahay ka tirsan oo magaalada Boosaaso mudooyinkii u danbeeyey ka wadey dadaalo nabadeed oo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa heshiisna looga gaari lahaa dhibaatooyin horay u kala gaaray dad xoolo dhaqato u badan oo horay deegaanada hadda dagaaladu kasoo cusboonaadeen isugu diriray kadib markii muran daaqa iyo biyaha la xiriiraa uu ka dhex kacay.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalka galabta ka dhacay duleedka degmada Rako oo ah kii ugu ba’naa ee in mudo ah halkaas ka dhaca ayaa daba socda dagaalo goos goos ah oo horay labo beelood oo walaala ah deegaanadaas ugu dhex maray waxaana jira warar iskhilaafsan oo laga helayo degmada Rako oo ku aadan tirada dadka dagaalkaas ku geeriyoodey.

 

Horayna waxaa sidii arintan xal looga gaari lahaa isugu howlay waxgarad, Culimaa’uddiin , iyo Isimo kasoo jeeda labada dhinac oo kaashanaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Puntland oo uu ku jiro Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac , waxayna dagaaladani imanayaan xilli magaalada Boosaaso ay gogol nabadeedi ugu fidsan tahay waxgaradka labadaas beelood oo iyagu dadaal ugu jira sidii dhibaatadaas xal kama danbays ah looga gaari lahaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

RAKO : Dagaal dhimasho iyo dhaawac badan sababay

 

November 16, 2011 7:17 pm GMT -

Rako:-Dagaal dhimasho iyo dhaawac aad u badan dhaliyay ayaa maanta illaa caawa deegaanka Rako ee gobolka Karkaar ku dhexmaray Beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan waxaana la sheegay in dhimashadu ay ka badan tahay 20 qof dhawacana uu intaas aad uga badan yahay.

 

Dagaalka ayaa la sheegay in xiligii dambe ee galabta uu sii xoogaystay kadib markii jilibka la isku aastay waxaana la sheegay in uu dagaalku sii socday xili habeenimmo ah waxaana adag in la helo xog dhab ah oo dagaalkan ku saabsan iyada oo ay ugu wacan tahay goobta dagaalku uu ka socdo oo miyi ah oo aan lahayn wax isgaarsiin ah habayaraatee.

 

Dagaalkan oo muddooyinkan soo noqnoqday ayaa waxa uu ka bilaabmay la haansho deegaan kaas oo markii dambe isku badalay colaad sokeeye oo sababtay khasaare nafeed oo aad u badan.

 

Dagaal dhacay 2 bari ka hor ayaa la sheegay in lagu laayay dad birimagaydo ah oo ay caruuri ka mid yihiin waana sababta keentay ayaa la aaminsan yahay in dagaalku uu intii hore ka sii xoogaysto oo si naxariis daro ah la isku laayo.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaji_Xunjur is celebrating. I bet he's eating Khat, drinking his tea and clapping, at the sight of the latest clashes in Bari region.

 

2 brothers fought. Not a big of a deal, it will be resolved peacefully. AUN to the dead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wonder why it is so hard for the faroole administration to make peace between these two Clans what happened to Ilka jiir's plans to disarm all the clan communities in puntland?

 

Wixi dhintay allah ha u naxariisto allah kala qaboojiyoe Balse wa inay mamuulka faroole arintan wax ka qabata

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Bari oo Isku Hoobtay iyo PL oo Aan ka Hadlin

 

16th November 2011 ·

 

Wararka naga soo gaadhaya tuulooyin hoos taga degmada rako raaxo oo dhowaanahan ay ka socdeen dagaalo culus oo u dhexeeya cali saleebaan iyo ugaadh saleebaan ayaa wararkaasi waxa ay sheegayaan in maanta dagaal culus oo halkaasi ka qarxay oo labadaas beelood dhex maray uu noqday dagaalkii ugu xumaa intii halkaasi lagu dagaalamayay.

 

Warqabadka g/bari ee GalGalanews ayaa waxaa uu helay warar la isku hallayn karo oo ka waramay khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka jira waxaa naloo xaqiijiyay in dagaalkaasi uu sababay dhimashada 19-qof oo labada dhinac ah halka dhaawucuna uu intaasi ka badan yahay.

 

Duqa degmada rako faarax ibraahim oo isagoo murugaysan la hadlay warqabadka GalGalanews ee g/bari waxaa uu yidhi “bari dadka degen waa dad dhintay oo aan caqli lahayn ,oo iyaga la isu adeegsanayo dhibaatadii u xumaydna maanta galinkii danbe ayay dhacday mana garan karno si aan u kala bad baadino dadkaan is laynaya,dowlada puntland dan iyo heelo kama laha inay arrintaan soo kala dhex gasho.” sidaasi waxaa yidhi duqa rako raaxo.

 

Dagaalka galinkii danbe ee maata dhacay ayaa xoogiisu waxa uuka dhacay tuulada xunbays meeshaas oola sheegay in dadka u badani ay ku dhinteen waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in dad rayid ah xataa ay dhibaato soo gaadhtay waxaana dagaalkaasi uu bilwoday saacadu markii ayahayd abbaare 3:15 daqiiqo xiliga galabnimo waxaana uu soo dhaamaday markii qoraxdu ay godka gashay.

 

Waxaa kaloo uu noo xaqiijiyay in ciidankii puntland ee halkaasi joogay uu faroole ku amray inay isaga soo baxaan karkaar oo dhan , isla markaana ay goobta isaga bexeen iyagoon awalba wax tallaabo ah qaadinodayaasha deegaankana la tashan,waxaana sii xoogaysanaya dagaalka labada beelood u dhexeeya oo la odhan karo waa dagaalkii ugu xumaa oo abid dhex mara reer bariga.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaaladan oo mudo dheer socday ayaa laga dhaxlay dhibaatooyin fara badan iyadoona illaa iyo haatan cid kala dhexgashay aysan jirin walow ay jiraan warbixino sheegaya in odayaal dhaqameed kala duwan oo puntland ka tirsan ay u diyaar garoobeen sidii labada beelood loo kala dhex gali lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rako Dagaal beeleed markale deegaano hoosyimaada Rako ka qarxay iyo Dawlada oo Dadaal xoogan wada.

 

17. november 2011

 

APL

 

Rako:(Allpuntland)-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay Deegaano hoosyimaada degmada Rako ee gobolka Karkaar dib uga qarxay dagaal beeleed dhexmarayey Labo malayshiyo oo ku kala abtirsada beelo walaalo ah oo ood wadaag ah kaasoo horaantii dayrta sanadkan ka qarxay deegaankaas kadib markii la’isku maandhaafay Mulkiyada dhul Xareeda Roobka lahaa uuna dagaal ka jiray deegaanadaas ayna dhinacyadu markale is fara-saareen ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay deegaanadaas laga dareemayaa Xasilooni aan cago badan ku taagnayn.

 

Dagaal dhowr jeer oo kaladuwan halkaas ka dhacay ayaa ay dhowr ruux ku dhinteen iyadoo ay jiraan dhaawacyo dhinacada kala gaaray waxaanan weli jirin waanwan iyo iskuday odaynimo oo ay wadaan cuqaasha deegaankaas wallow ay wararku sheegayaan inay jiraan shirar hoose oo looga arin sanayo sidii loo damin lahaa colaadan loona joojin lahaa in markale la’isku midiyo soofaysto.

 

Saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa amaan, Xubno kamid ah Golaha xukuumada iyo maamulka deegaankaas oo ay APL xiriiro kaladuwan lasamaysay ayaa sheegey in ay rajaynayaan inay xaaladu sidan dhaanto waxayna hoosta ka xariiqeen in dadaal culus ay dawladu wado islamarkaasna halkaas dib loogu celin doono ciidamo awal la geeyey balse markii malayshiyaadka lakala durkiyey ay dawladu yaraysay cadaadiskoodii, Sidoo kalena Golaha Wakiilada Puntland ayaa dhankooda ku baaqay in fidnadaas si degdeg ah loo joojiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this