Sign in to follow this  
Liibaan

CASUUMAD AY Shacabka SSC U SAMEEYEEN MADAXWEYNAHA AWDAL STATE

Recommended Posts

Liibaan   

Madaxweynaha-Awdal-state-300x225.jpg

 

 

 

CASUUMAD AY Shacabka SSC U SAMEEYEEN MADAXWEYNAHA AWDAL STATE

 

London-(Allssc)-Harimo-Sarafeed ay Jaaliyadda SSC u Sameeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Awdal State Mudane Garyaqaan Rashiid Aw-Nuur Xirsi iyo Waftigii uu Hogaaminayay Kuwaasoo Isugu Jiray Qaadh Ka Mida Golaha Wasiiradda ee Maamulka Awdal State iyo Xubno Kale oo Muhiima.

 

Sida Qaalibka ah Waxaaa Lagu Furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah Intaa Ka Dib Waxaa Loo Galay Kaftan Goos Goos ah iyo Hasaawe Dad Badan Runtii Soo Xasuusiyay Barqad iyo Barisamaadkii Waayo-Waayo Waxaa Loo Gudbay Isbarasho Hufan oo Lagu Dheehay Habdhaqankii Suubanaa ee ay Umadda Soomaaliyeed Hidaha u Lahayd Qosol iyo Duurxul Gobeed ayay Xaajadu Ku Idlaatay,

 

Waxaa Hadalka Lingaxa Ka Gooyay Ooftana ka Cadeeyay Waftigii Balaadhnaa ee Ka Socday Docda Madaxdii SSC” oo uu Ugu Horeeyo Gudoomiye ku Xigeenka Maamulka SSC ahna ku Simaha Gudoomiyaha SSC Mudane Dr: Maxamed Cabdirahman’ Mudanaha oo Xaqiiqdii Ku Dheeraaday Labada Maamul Xidhiidhkii Dhaqan iyo Dhaqaale ee Ka Dhaxeeyay Waa SSC iyo Awdal State Kuna Astanaa Siyaasad Hufan iyo Istaageersi Aan Horey uga Dhicin Deegaanadda ay Soomaalidu Degto Mid Hore iyo Mid Dambaba,

 

Waxaa Boorka Laga Jafay Si Wada Jira Hanaankii Loo Baxshay ( Isu-Boodo ) Magac Martabeedka Ayaad ka Dheehan Ka’reysaa Ujeedada Loo Yagleelay Unugaasi ( Forum ) Kolkii Dambana Isu Dhalan Rogay Xisbigii USB oo ay ku Bahoobeen Beelo Taariikh iyo Xadaarad Dheer Ku Leh Dhulweynaha Geeska Afrika ( Caro Edeg )- Sida ku Xardhan Sooyaalka Taariihkeed ee Dirka ( Faraca ) Ilma Samaale Waxaa uu Xisbigaa Waa USB e uu Horseeday Midnimadii Soomaaliyeed ee Ku Kala Irdheysnaa Waqooyi iyo Koonfur Taasi oo ay Horjoogayaal ka ahaayeen Nimankii La’odhan jiray Doolaale-dheere ( British-Somaliland & Italian-Somaliland );

 

Intaa Hadaan Kaga Baxo Araarteyda Waxaa La’isla Gorfeeyay Qodobo Dhowra Kuwaa soo Buddhig U Ahaa Habsami Usocodka Shirka Waxayna Kala Yihiin

 

1= In Sida ugu Dhaqso Badan Loo Disho Gudi Ka Kooban Labada Maamul SSC iyo Awdal State.

2= In Labada Maamul ay Iska Taageeraan Arrimaha Siyaasada iyo Isdhex-Galka Bulshada.

3= In Meel Looga Soo Wada Jeesto Waxwaliba oo Dhib Ku Keeni Karaya Labada Maamul.

4= In Cod Isku mida Lagu Raadsho Wixii Ka Maqan Bulshadda KU Dhaqan Deegaanadda Awdal State & SSC.

5= In Si Wada Jira Loo Doono Sumcadii iyo Haykalkii Dowladnimo ee Umadda Soomaaliyeed.

 

Madaxdii Ka Soo Qayb Gashay Shirkaa Ka Dhacay Galbeedka Magaalada London Iyaguna Waxay Kala Ahaayeen Sidatan

Dhanka Maamul Goboleedka SSC, Sool, Sanaag iyo Cayn’

 

Mudane Dr: Maxamed Cabdirahman Gudoomiye.

Mudane Iiman Xaaji Xasan Afhayeen

Mudane Abdixakin Xaaji Saleban Xoghaye

Mudane Baashe Cali Jamac Siyaasi

Mudane Axmed Maxamed Sambal Afhayeenka SUDO

Mudane Cabdi Faarax Xidhiidhiye

Mudane Xuseen Mire Xubin

Mudane Abdiasiis Jaamac Hayaan Xubin:

 

Docda Maamul Goboleedka Awdal State Waa Sidatan-

 

MUdane Garyaqaan Rashiid Aw-Nuur Xirsi Madaxweyne.

Mudane Maxamed Riiraash Wasiirka Qorshaynta.

Mudane Saleban C Dugsiiye La’taliyaha Madaxweynaha.

Mudane Faisal A Abdi Abroone Afhayeenka Awdal State

Mudane Eng Maxamed Cali Siyaasi

Mudane Fowzi Cabdirahman Warfa Gudida Dhaqaalaha

Mudane Maxamed Ibrahim Muxumed Xubin

MudaneMuxiyadin Musse Gudida Dhaqaalaha:

 

Dhawaan Waxaad Inaga Sugtaan Sawiradii Madasha-

 

W/ Diyaarshay Suxufi Abroone

Afhayeenka Awdal State UK

Allaa Mahada Leh-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this