Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilaanyo Speaks to the Somalilanders in the UK+PICTURES

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo Oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Jaaliyada Ku Dhaqan Waddanka Ingiriiska. Quruxdii Madasha Iyo Sawiro Farabadan Daawo.

 

Sun 13th Nov,2011

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) ayaa xalay xaflad ballaadhan oo kumanaan qof kazoo qayb galeen wuxuu kula hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) ayaa xalay xaflad ballaadhan oo kumanaan qof kasoo qayb galeen wuxuu kula hadlay jaaliyada rer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska. Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay, waxay ka dhacday mid kamid ah Huteelada ugu waa weyn caasimadda London, gaar ahaan xaafadda barriga London.

 

Wariye Muniir Axmed Cigaal Oo Kamid Ah Masuuliyiinta Shabakadda Hadhwanaagnews Iyo Telefeeshinka Qaranka Somaliland Xaruntiisa Ingiriiska, Oo Ku Sugnaa Xafladii Madaxweynaha Isla markaana Ku guda Jira Hawshii Telefeeshinka Qaranka Iyo shabakadda Hadhwanaagnews.

 

Ugu horreyn waxaa madasha xidhiidhinaayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland, Faysal Cali Shiikh oo hadda socdaal ku jooga waddanka Ingiriiska. Waxaana kamid ahaa xubnihii madasha ka hadlay Suldaan Yuusuf oo kamid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Awad. Xildhibaan Cali Obsiye (Cali Gabilay) Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar. Siyaasiyiin aqoonyahano, odayaasha dhaqanka, ururada haweenka iyo dadweyne kala gedisan. Xildhibaan Cali Gabilay oo kamid ah golaha baarlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Qurbajoog sheegta ama adeegsada magaca Awdal. Wuxuuna Xildhibaanku si qiiro leh u sheegay in Somaliland tahay ummada isku diir ah isku dal ah, Calanka tawxiidka lihina aanu waligii dagayn.

 

Sidaad Ka Arki Kartaan Sawirka Waxaa Kusgnaa goobtii Uu Madaxweynuhu Kula Hadlaayay Jaaliyada Ingiriiska, Kumanaan Qof oo Soo Buuxiyay.

 

Ka Bilow Midig, Xasan Cali Weyd oo Mid ah Odayaasha Muxtarimka ah ee rer Biristol, Oday Cabdo Aayir Oo Kamid Ah Siyaasiyiinti Xisbiga Kulmiye Ahaana Guddoomiyihii Xisbiga Ee Birmingham, Iyo Qunsulka Somaliland U fadhiya Gobolka Wets Midlands. Dr. Abdiraxmaan Cali Ubaxle Oo Ka Muuqda Xafladii Madaxweynaha.

 

Dadkii faraha Badnaa Ee Ku Sugnaa Huteelka uu Madaxweynuhu Kula hadlaayay, ayaa marqudha Sacab La Sararajoog Saday Markii Madaxweynuhu soo Galay Goobtii.

 

Dadweynihii kasoo qaybgalay kulanka Madaxweynaha, waxaa xagga danbe ka muuqda Ali Mahdi Iyo Abwaan Abdqani Ilkacase.

 

Wariye C/Kaiin Cadaani oo ka tirsan Shabakada Hadhwanaagnews Iyo Sacad Maxamed Cali Oo Ku Sugnaa Xafladii Madaxweyne Axmed Silaanyo kula hadlaayay Jaaliyada Ku dhaqan Ingiriiska

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Abdillaahu Cumar Iyo Xubnaha Jaaliyada Magaalada Biristol. Waxaa ka muuqda Qoraaga Kaysar Abdillaahi Iyo Ex- Xildhibaan Cabdi Dheere

 

Labada Fanaan Ee Codadkooda Aadka Loo Jecelyahay, Sir. Maxamuud Cumar Iyo Cabdi Qaboojiye Oo Xalay Ku Sugnaa Xafladii Madaxweynaha.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland oo isna madasha ka hadlay ayaa ka waramay siyaadda arrimaha dibadda ee Somaliland, wuxuu aad ugu dheraaday cilaqaadka ay Somaliland la yeelatay beesha caalamka, iyo saxiibada ay kasbatay taaso ay hirgalisay xukuumadda cusbubi. Isagoo ka hadlaaya inaanay ka qayb galaan Xukuumadoodu shirarka Somaaliya khuseeya wuxuu yidhi. "Somaliland kama qayb gasho shirar qayb ka ah waddanka Somailya" Ugu danbeyntii ayaa waxaa madasha lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland, Mud: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ay dadku aad u sugayeen khusbadiisa, Madaxweyne Axmed Silaanyo wuxuu ka hadlay arrimo badan oo khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland, sida rabshadihii ciidamadda Maamul hosaadka kililka shanaad ee Itooboya ka sameyeen degaanada ay degenyihiin dadka rer Somaliland, arrimaha barriga, qorshaha xukuumadda ee soo socda iyo arrimo kale.

 

Ugu horren wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hadlay arrimiha kililka Shanaad wuxuuna yidhi. "Waxaan soo marnay waddanka Itoobiya annagoo lasoo kulanay madaxda ugu saraysa waddankaas, sida Raysal Wasaaraha Itoobiya waxaanu kala hadalnay arrimihaka xuduudka in kasta oo ay yihiin waddanka Itoobiya gudihiisa hadana dadkeeni ayaa degen, runtii waxba laga qabtay waana la arkidoona markastana cilaqaad fiican ayaa naga dhaxeeya waddanka Itoobiya." Madaxweynaha Somaliland maruu ka hadlaayay Gobolada barriga, ayaa waxaa hadaladiisi kamid ahaa. "Gobolada Bari ee dalka runtii dawladu waxbay ka qabanaysa wixii itaalkeeda, haday dibudhis tahay iyo haday tacliintahayba, marnaba inay noqdaan kaalinta kobaad ee wax laga qabanaayo mooyiye ma noqonayaan kaalinta labaad." Khudbada madaxweynaha oo dhinacyo badan taabanaysay ayay si weyn u soo dhaweyeen shacabkii dhagaysanaayay.

 

Waxaa yaguna ku sugna goobta Saxaafadda qaybhaeeda kala gedisan, yadoo ay ka muuqdeen qaybo kamid ah Saxaafadda waddanka Britain, halkay yana ku sugnayeen qaybo kamid ah Saxaafadda Somaliland, iyo Somaalidaba sida shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, Telefeeshinka Qaranka Somaliland, Royal´tv, Somali-Channel iyo qaar kaloo badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Xaaji Xunjuf;758081 wrote:
Where is Ngonge now lol

Once I found out that three quarters of odayada 'tolka' were going, I avoided the whole thing like the plauge. However, I did ask a couple of random old men I met outside the maqaaxi last night about the whole thing. Waxa la yedhi that the man who spoke before him ruined the whole thing and that Siilaanyo didn't say anything new. What was the news from your side, Xaaji? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

What ngonge you don't like to be around Slaamaha aad isku tolka tihin you should have went Man i heard it was nice Siilaanyo spoke the Foreign Minister spoke his wife spoke some next adviser spoke the president spoke. And also Slaamihi reer burco were very happy Buranbur bay ku dhufteen sidoodi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Islaamaha are ok, saaxib. Wa wada "ii waran eedo. Reerka ka waran.." and other sweet talk. It's the old men I was avoiding (just in case someone happend to be killed back home or a bloody well needed to be dug up). Wax fahan.

 

Anyway, anigu warkaan maqlay ayaan kuu sheegayay uun. This was not as happy or wild as the last time he came. There are lots of unsatisfied faces around and I am sure his advisors told him of that already.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this