Sign in to follow this  
Knight of Wisdom

Aas Qaran ah loogu sameeyay Muqdisho Mujahid Xildhibaan Aden Buule Maxamed (AUN)

Recommended Posts

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aden Buule Maxamed ayaa maanta aas heer Qaran ah loogu sameeyay Muqdisho.

Print here| By: allgedo.com: Thursday, November 10, 2011 // u Jawaab

Related Articles

 

aaska-xildhibaan-Aden-buule.jpg

 

Muqdisho, Somalia (AOL) – Rabbi ha u naxariistee, waxaa maanta magaalada Muqdisho si heer Qaran ah loogu duugay marxuum Xildhibaan Aden Buule oo shalay ay dabley hubeysan ku dileen degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

 

Marxuunka oo lagu duugay qabuuraha Sheikh Suufi ayaa waxaa aaskiisa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah, xildhibaano, saraakiil iyo dadweyne aad u fara badan oo ka tiiraanyeysnaa dilka arxan darada ah ee maalintii shalay lala beegsaday marxuun Aden Buule.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlada FKMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo dilka Xildhibaan Aden Buule ka hadlay ayaa waxuu ku macneeyay in uu ahaa mid qalad ah oo ay kooxo hubeysan la beegsadeen xildhibaanka, balse balan qaaday in shaqsiyaadkii fal danbiyeedkaas ka danbeeyay si deg-deg ah sharciga loo horkeeni doono.

Tacsida uu madaxweyne Shariif u diray umadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu marxuunka ka tagay ayaa u qorneyd sida hoose:

 

Muqdisho, November 10, 2011— Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, qaraabada, asxaabta, Xildhibaanada, dowlada iyo shacabka Soomaliyeed oo shalay si waxuushnimo ah loo ga dilay masuul qaran allah ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed.

 

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay fal-dambiyeedkii lagu dilay Xildhibaan Aadan Buulle mid naxdin weyn ku reebay dowlada iyo shacabka Soomaliyeed loona baahanyahay in si deg-deg ah cadaalada loo hor keenyo dambiilayaashhii ka dambeeyay dilkii arxandarada ahaa ee loo geystay Xildhibaan Aadan Buulle.

 

Madaxweyne Sharif ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay kaashadaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida si looga hortago fal-dambiyeedka dhaawacaya amniga iyo sumcada ummada Soomaliyeed.

Ugu dam’baynii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa ugu duceeyay marxuun Aadn Buulle Maxamed in ilaahay jana fardoowsa ka waraabiyo.

 

- Dhamaad -

——

Garad Salad Hersi

Communication Director, Mogadishu, Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bluelicious;757341 wrote:
Allah ha uu naxaristo Xildhibaan Aden Buule Maxamed. Scary that you get dumped under the ground when you die.

Amiin. Yeah, it's scary and everyone will go thru that. Subxanallah !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this