Sign in to follow this  
xiinfaniin

War Wacaal: Garisa Elders Tell Kibaki to Bring Troops Back

Recommended Posts

Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari (NFD).

 

“Gobolka Waqooyi Bari Markiisii hore waa ka Dambeeyey Gobolada kale ee Kenya marka Hadda waxaa la Doonayaa in loo sii Dhameeyo”.

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxay sheegayaan in uu kulan balaaran uu dhexmarey Madaxweynaha wadanka Kenya Kibaki iyo xubno ka socdey Gobolka waqooyi Bari ee Dalka Kenya ee ay Soomaalida (NFD), waxaana ka mid ahaa Xubno ka socdey odoyaasha , Culumaudiin , Siyaasiyin , Xildhibaano iyo Wasiiro waxaana kulankaas la is kula soo qaadey soo gelitaanka Ciidamada Kenya ee Dhulka Soomaaliya iyo saameynta ay arrinkaas ku yeelatey dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Waqooyi Barri..

 

Xubnahii ka socdey Gobolka waqooyi Barri ayaa waxay Madaxweynaha Kibaki u sheegaan in Xaalad Nabagelyo Xumo ay u keentey Soomaalida Waqooyi Bari gelitaankii Ciidamadda Kenya ee Soomaaliyeed iyagoo sheegey laga soo bilaabo 16 kii oktoober ee bishii la soo dhaafey oo ku beegneyd xiligii Ciidamada Kenya ay galeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose in Deegaanka Waqooyi bari lagu diley dad fara badan oo ay sheegeen in qaar ka mid toogasho lagu diley qaar kalane lala beegsadey Qaraxyo , waxayna ka codsadeen Madaxweynaha in Xaaladda nabadgelyo ee Deegaanada waqooyi Bari wax laga qabto islamarkaana Dowladda ay ka fiirsato faregelintii ay ku sameeyaan Soomaaliya .

 

“Tan iyo markii ay burburtey Dowladii Soomaaliya ee Sannadkii 1991 dadka ku nool Deegaanada Waqooyi Bari ee Dalka Kenya waxay ku noolaayeen Nabad buuxda taasina waxay ku timid faragelin la’aanta Dowladda Kenya ee Soomaaliya xitaa waxaa soomaaliya nooga imaanayey Badeecooyin aad uga jaban kuwaas ka soo dega Mambasa marka waxaan leeyahay Dowladda Kenya in ay joojiso faragelinta ay ku sameeyeen Soomaaliya waayo wax badan oo dano ah ayey ku weyneysaa Dowladda Kenya “ayuu yiri nin odey ah oo ka Hadley kulankaas sheegeyna in Dowladda Kenya ay ku fududaatey gelitaankii Soomaaliya .

 

Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Siyaasi isna ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari (NFD) waxaana la sheegay in uu yiri “Dowladsda Kenya dib ha u eegto dalka Afganistaan waxaa reer Galbeedka iyo Mareykanka ka jooga ilaa 300 oo kun oo Askari ilaa iyo hadda wax xal ah lagama gaarin dalkaas marka Dowladda Kenya waxaan filayaa in aysan hayn dhaqaalhihii ay ku bixin lahayd la dagaalanka argagixisada marka waxaa talo ku soo jeedin lahaa in Dowladda Kenya ay xirato Xuduudeeda oo ay Ciidamadeeda kala soo baxaan Soomaaliya “ wuxuu intaa si raaciyey “ waxaaa loo baahan yahay in Dowladda Kenya ay si aad ah uga fiirsato faragelinta ay kusameysey Soomaaliya .

 

“Dowladda Kenya faragelin way ku haysey Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Siyaasada marka hadii ay ku darto mid Meleteri waxaa imaan kara in faraha ay ka baxdo Nabagelyadii Deegaanada Soomaalida dalkana uu ku soo qulqulo hub fara badan marka haddi aan nahay dadka ka soo jeeda Deegaanka Waqooyi Beri waxaa maalmahaan lana soo gudboonaadey nabadgelyo tii ugu xumeyd xitaa waxaan kor u kacay Maciishadii waayo Gawaaridii Badeecooyinka nooga keeni jirey Soomaaliya dhamaantood waa istaageen marka Madaxweynaha waxaan leeyahay Gobolka Waqoyi Bari markiisii hore waa uu ka harey Gobolada kale ee ay dadka Kenya ay Degaan ha noqoto mid dhaqaale ,mid Bulsho iyo mid adeeg guud , marka haddii Xaaladii nabadgelyo ay sii xumaato waxaa Gobolka Waqooyi Bari ku imaan kara iin wixii ay haysteen ay sii burburaan marka waxaa u soo jeedinayaa Dowladda Kenya in ay joojiso faragelinta ay ku sameysey Soomaaliya “ ayuu yiri nin ka mid Culimada Gobolka Wooyi Bari ee ka qayb galey Kulankaas .

 

Madaxweyne Kibaki oo isna ka Hadley kulankaas ayaa sheegey in Dowladda Kenya ay iska Difaaceyso wax uu ugu yeerey Kooxo argagixisa ah haddii aan laga hortagi ay imaan karto in in ay faraha ka baxdo Nabadgelyadii dalka Kenya iyo kan Gobolka marka waxaa idiin soo jeedinayaa in aad kaqayb qaadataan sidii looga hortagi lahaa nabad diidka ,hase yeeshee kulankaas ayaa waxaa lagu waramey in uu ku dhamaadey fashil balse loo balamey kulan kale oo la sheegey inay la yeelan doonaan Raiisul Wasaaraha Kenya .

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro.

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this