General Duke Posted October 26, 2011 HOME ABOUT/MISSION CONTACT US SOMALI LINKS RADIO GAALKACYO RADIO GAROWE RADIO DALJIR RSS FEED HOMEBOGA DADWEYNAHANEWS IN ENGLISHSPORTWAREYSIYO/FIKRADAHAWARKA Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Cisa Mudan iyo Taliyaha Daraawishta Gen.Siciid Dheer Oo Ka Dhoofay Galkacyo Una Duulay Muqdisho. Posted by pi on October 26th, 2011 Galkacyo(Puntlandi.com);- Masuuliyiinta katirsan xukumada Puntland ayaa safar shaqo ugu anbabaxay magalada Muqdisho ee casimada Somaliya. Wafdigan waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga xukumada Puntland Col.Khaliif Ciisa Mudan iyo Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Gen.Siciid Dheere waxaana maanta ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha magalada Galkacyo. Ujeedada socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa lagu micneeyay xoojinta dhinaca amaanka ee Puntland iyo TFG waxaana safarkooda muqdisho uu dabayaal booqashooyinkii Puntland ay kuyimaadeen wasiiro iyo taliyaha ciidanka xoga dalka Somaliya. Waxaa lagu wadaa in kulamo ay laqaateen madaxda sare ee xukumada Somaliya waxaana wadahadalada awooda lagu saaridoonaa sidii looga wadashaqaynlahaa adkaynta amaanka. Sidoo kale waxaa jira mashruuc ay maalgalinayso UNka kaa oo qayb ka ah booqashooyinka madaxda TFG iyo kuwa Puntland kaa oo salka ku haya qorsha guud ee Qaranka. Wararka ayaa sheegayaa in Madaxda Puntland booqashadooda Garowe ay qayb katahay hadaladii dhawaan ay shaacisay xukumada Puntland taa oo ku aadanayd in ciidamo Amisom ah la keenidoono deganada Puntland. Bilihii udanbeeyay waxaa muuqday isku xirnaan iyo wadashaqayn u dhaxaysa Xukumada Puntland iyo Dawlada KMG ah. Ali Quote Share this post Link to post Share on other sites