Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

DKMG oo Mar Kale Diiday Faragelinta Kenya

Recommended Posts

Madaxweynaha DKMG Sh. Shariif iyo Raisal-wasaare C/weli Max'ed ayaa si wadajir ah u sheegay inaysan ogoleyn fareglinta ciidamada Kenya ee Somalia.

 

Shir jaraaid oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayay labada mas'uul ay ka sheegeen in Kenya ay kaliya ka doonayaan inay taageerto ciidamada Soomaaliya ee ku sugan xadka Kenya ee dagaallada kula jira kooxda Al-Shabaab.

 

Wasiirka Difaaca ee dowladda Soomaaliya ayaa shirkaasi jaraaid ka akhriyay war-murtiyeedkii kulankii dhawaan wasiirrada Kenya iyo Somalia ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in war-murtiyeedkaasi uusan ku qornayn in ciidamada Kenya ay soo galaan Somalia, balse ay labada dhinac iskaashiyo sameeyaan, iyadoo howlgallada Somalia ay kaliya fulinayaan ciidamada Soomaaliya.

 

Dhagayso shirka jaraa'id

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this