Sign in to follow this  
Saalax

Al-Shabaabka Jowhar oo Maanta Fasaxay Cunista iyo Ganacsiga Qaadka

Recommended Posts

Saalax   

Jowhar (RBC) Maamulka cusub ee Al-Shabaab dhowaan u magacawday gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta sheegay inay dadka u fasexeen ganacsiga iyo cunista qaadka.

Amarka maanta lagu fasaxay Qaadka ayaa waxaa shaaciyey saraakiisha Shabaab ee Jowhar, iyadoo maanta dib loo furay suuqii Qaadka ee magaalada Jowhar oo hore Shabaabku u xireen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in mudo dhowr bilood ah markii ugu horeysay maanta ay bilaabeen inay Qaadka ku cunaan biibitooyinka magaalada iyadoo aysan jirin wax cabsi ah oo dadku ka qabaan maleesghiyaadka Shabaab oo markii hore dadka xiri jiray.

Dumar badan oo ka shaqeysan jirin iibka Qaadka ayaa iyaguna maanta bilaabay inay soo shaqo tagaan.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ay Shabaab u fasaxeen Qaadks sy tahay kadib markii dadka ay ka soo horjeesteen cadaadis Shabaab ku hayeen dadka deegaanka taasoo keentay isku dhacyo dhexmaray dadka deegaanka oo ka careysan cadaadiska iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Fasaxa Al-Shabaab ay dadka ayaa soo baxday maalmo ka dib markii maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe laga qaaday ninkii hore u heyn jiray loona dhiibay Sheekh Yuusuf Ciise Kabakutukade oo gobolka ka soo jeeda.

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this