Sign in to follow this  
Caano_Geel

Kenyan PM Raila Odinga To Visit Somaliland in Two Weeks

Recommended Posts

http://www.raxanreeb.com/?p=116853

 

Hargeysa (RBC) Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ah wakiil xafiiska raysul wasaaraha Kenya u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha Hargeysa.

 

Ilyaas Barre Shiil ayaa markii uu yimid Hargeysa waxaa soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo barlamaanka. Waxaana kadib uu gaaray xarunta madaxtooyada Hargeysa.

 

Ujeedka socdaalka xildhibaanka reer Kenya ayuu ku micneeyey inuu u yimid inuu fariin uu ka sido raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga u gudbiyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

Ma cadda waxay ku saleysan tahay fariintaasi, hase yeeshee warbaahinta taabacsan Somaliland ayaa maanta sheegtay in socdaalka Ilyaas Barre Shiil uu gogol xaar u yahay booqasho raysul wasaare Raila Odinga uu dhowaan ku iman doono Hargeysa, walow uusan Ilyaas qudhiisu taasi cadeyn.

 

Socdaalka Ilyaas Barre Shiil ee Somaliland ayaa ah kii ugu horeeyey oo masuul ka socda xafiiska raysul wasaaraha Kenya uu ku yimaado Somaliland oo illaa 1992 ku doodaysa inay Soomaaliya ka goosatay. Waxayna booqashadan timid xilli ciidamada Kenya ay si rasmi ah gudaha dalka u soo galeen iyagoo sheegay inay dagaal kula jiraan ururka Al-Shabaab.

 

Kenya oo deris la ah Soomaaliya hore loogama baran faragelin toos ah oo ay ku sameyso arimaha Soomaaliya hase yeeshee waxaa haatan muuqata in Kenya ay hadda ciyaareyso siyaasad ka duwan tii ay hore ugula dhaqmi jirtay Soomaaliya.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this