Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Warshada Baastada!

Recommended Posts

Subaxii alaseeydaa waa Suuqa xoolaha gaar ahaan Maslax iyo Dayniile Banaadir waala xaqiijiyay, next step waa goboladda hadaan qiyaaso waxaan kaartada, ciidamada dowladda 4 jiho ayaay ka hajuumi doonan, jidka aado Marka ee dhanka jaziira oo looga danleeyahay Kismaayo iyo Marka, Dhanka Suuqa xoolaha oo loogaga gudbayo Balcad,jowhar iyo Buulo burde,waqooyiga oo bartilmaamedku yahay deeganadda xeebta ku teedsan sida Cadale,Warsheekh Ceeldheer iyo area-daas iyo jidka aado Afgooye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda oo la wereegay degmada Dayniile kuna sii jeeda deegaanno hor leh

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay degamada Dayniile oo qaybo ka mid ah ay ku suganeed kooxd Al-Shabaab.

 

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidamada Midoowga Africa ee AMISOM ayaa gabi ahaanba saakay ka xureeyay maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab qaybaha ay ugu sugneed degamada Dalniile ee gobolka Banaadir kaddib ciidamada markii ay halkaasi ka sii wateen how galkii ay muddooyinkani wadeen.

 

Saraakiisha ciidamada ayaa iynoo sheegay in how galka uu si wanaagsan u socdo islamarkaana kooxd Shabaab lagu sii baacsanayo deegaannada loo barakacay.

 

Ciidamada dowladda ayaa haatan si buuxda ugu sugan afarta dhinaca ee degamada Dayniile.

 

http://radiomuqdisho.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda oo la wareegay xarunta degamada Dayniile iyo Tiida

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay xarunta degamada Dayniile iyo deegaanka Tiida ee isla degamadaasi kaddib howl gal ballaaran oo ay halkaasi ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Midoowga Afrika ee AMISOM ayaa isku fidiyay degaannada ay ka kooban tahay degamada Dayniile iyadoo ciidamada ay ay fariisimo ka sameynteen xarunta degamada Dayniile iyo deegaanta Tiida.

 

Howl galka ciidamada ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii siqo deegaanno hor leh halkaasi ooo ay ku sii baacsanayaan kooxda Khawaarijta Shabaab.

 

Kooxda wariyaal ah oo ka socda warbaahinta qaran oo gaaray halka uu howl galka ka socda ayaa inoo soo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay fariisimooyin xooggan ay ka sameeysteen degaannada Howdka ah si ay u go’doomiyaan Khawaarijta islamarkaana ay u soo qab qabtaan.

 

http://radiomuqdisho.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this