Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Baarlamanka Oo Baabi’iyay Heshiisyadii Badda Ee Hore Loo Galay

Recommended Posts

Mudanayaasha Baarlamanka oo laalay heshiisyadii ku saabsanaa Badda oo lala galay hey’ado caalami ah tan iyo wixii ka danbeeyay 1991 dii

 

Kulankan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha baarlamanka oo lagu qabtay xarunta golaha shacbiga ayaa waxaa isugu yimid 335 mudane waxaana shir guddoominayay ku simaha afhayeenka baarlamanka ahna ku xigeenka 1 aad ee Afhayeenka Cabdi weli Ibraahim Sh muudeey iyadoo diiradda lagu saarayay dood ku saabsaneyd xadeynta badda Soomaaliya.

 

Mudanayaasha oo dooddooda u muuqatay kuwa ka mideysan sida ay uga soo horjeedaan in la xadeeyo mar kale xuduudaha badeed iyo kuwa dhulka ee Soomaaliya ayaa waxa ay soo jeedinayeen inaan marnaba laga hadlin wax ku saabsan dhanka xadka oo horay looga diiwaangeliyay hay’adaha caalamiga ah.

 

Xubnaha baarlamanka ayaa waxaa talooyinkii ay soo jeediyeen aqriyay Xildhibaan Cumar Islow oo hoosta ka xariiqay in talooyinkaasi lagu soo koobay 6 qodob oo muhiim ah waxa ayna kala ahaayeen.

 

1.in lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee la dajiyay sanadkii 1988 dii

 

2.in hay’adaha dastuuriga ah sida Madaxtooyada Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u lahaan in ay wax ka bedelaan ama dib u eegis ku sameeyaan Xad badeedka Soomaaliya.

 

3.Waxaa la laalay ama la buburiyay dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee lala galay hay’ado, dowladaha deriska ah iyo ururro caalami ah islamarkaana ku saabsanaa dhanka xadeynta badaha oo la gaaray wixii ka dambeeyay 1da bishii janaayo sanadkii 1991kii.

 

4. xadgudub kastaa oo loo geysto badaha Soomaaliya waxaa loo aqoonsanayaa duulaan bareer ah oo lagu soo qaaday qarannimada iyo siyaasada Soomaaliya.

 

5.Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman dowladaha deriska ah iyo hay’adaha caalamiga ah.

 

6.Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa dambi ah Khiyaanno qaran.

 

Intaasi kadib ayaa waxa uu Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob ee la soo jeediyay waxaana ogolaatay 355 oo ah xubnihii maanta soo xaadiray madasha fadhiga.

 

Sidoo kale C/weli Muudey ayaa ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya in ay si degdeg ah baarlamanka u horkeento heshiisyadii ay la soo gashay hay’adaha caalmamiga ah iyo dowladaha caalamka qaarkood.

 

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa markii ugu horeysay ee mudanayaasha Baarlamanku ansixiyaan qodobo dan u ah Qaranka Soomaaliya.. tallaabada ay qaadeen ma ahan oo kaliya mid dan ugu jirto Qaranimada Soomaaliyeed ee waa mid soo celinaysa kalsoonida ee shacabku ku qabi karaan MP's oo muddo badan ay ku calaamadeysneed "calooshiis u shaqayste"..

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Good news. Will they be sending letters to all concerned (Kenya et al)? Mise they believe a statement in Somali issued by the Somali parliament to the Somali media is enough?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Will they be sending letters to all concerned (Kenya et al)? Mise they believe a statement in Somali issued by the Somali parliament to the Somali media is enough?

as it stated in qodobka 5-aad ".Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman dowladaha deriska ah iyo hay’adaha caalamiga ah"..to send letters to all concerned countries such as Kenya, the responsibility of these matters will be on the Government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Intee jeer bay baabiyeen? miyayna Hore u diidin.

hore waxay u diideen wixi loogu yeerayay "memorandum of understanding between somalia and kenya" ee ku saabsaneyd xuduudda badeed ee labada dal...

 

haddana waxay diideen qorshaha EEZ ee la rabo in lagu xadeeyo badweynta Soomaaliya, iyo heshiis walba oo ku saabsan badda Soomaaliya oo hadda ka dib ay xakummaddu la timaado..

 

EEZ (exclusive economic zone)..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this