Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Gaalkacyo Pacified-Signing of Peace Deal at ceremonial gathering as witnesses to Peace

Recommended Posts

As of today, the Gaalkacyo conflict has been put to end. A Document has been signed at a large gathering to witness what has been agreed upon. The Deal has been brokered by Traditional and Religious Elders from Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Karkaar, Galgaduud and Wardheer (as it's traditional norm and something inclined in the peace-loving people of Puntland and affiliated clans, which had it's results in these parts being the least effected by inter-tribal warfare as every disturbance and trouble is put to bed by a mutual third party trusted by both).

 

The Deal was brokered in 23 days through pain-staking mediation and at the end a conclusive ruling has been made by the mutual third party which all parties signed and promised to implement and adhere to.

 

At the end the Peace deal has been signed in a ceremonial gathering witnessed by lot's of on-lookers and happy faces.

 

There is a remainder by which the effected clan-elders will travel to Garowe to sign the peace deal in front of the President Abdurahman Mohamed Mahmoud as a witness.

 

Maashaallaah, Allaahu Akbaar falillaahil xamd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiis Rasmi Ayaa Gaalkacyo Ka Dhacay

 

Shir balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen ergooyinkii nabadda ka wadey Gaalkacyo gaar ahaan, guddigii isimadu iska soo xuleen, Dawladda Puntland, Ergada Beesha ********, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ku sugan Gaalkacyo.

 

Shirka oo ahaa qaddo sharaf isla markaana lagu sheegay walqashii nabadda ayaa ka dhacdey Hotel Golden Plaza ee magaalada Gaalkacyo waxaana casumaada fidiyey islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, waxaana gogoshaas lagu guddoonsadey nabad, waxaana gacmaha isku qabsadey Maamulka Puntland iyo beesha ******** oo tirsanaysey in mashaqadii ka dhacdey Gaalkacyo dhib weyn loogu geystey.

 

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa ugu horeyntii madashaas ka hadley, Islaanka ayaa u mahad celiyey ergooyinkii iyo Isimadii beelaha ******* ee u yimid in aan dhibaatadu intaas ka weynaan ee xal nabadeed la gaaro, waxaana uu Rabbi uga baryey in ay guryahoodi nabad ku tagaan.

 

Islaanka ayaa sheegay mudadaii 23 Cisho ahayd ee ay ku hawlanaayeen dhibaatadii ka dhacdey Gaalkacyo in maanta xal laga garey nabad la wada guddoonsadey dadku walaalo weeyaan meelna makala aadayaan wixii shaydaanku shuqulka ku lahaana ay baxeen.

 

Garaad Maxamed Shirwac oo kamid ahaa eragdii u dhabar adaygey nabadda maanta Gaalkacyo looga dhawaaqey ayaa isaguna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida dedaalkoodi u mira dhalay rabbina ula garab galay, waxaana uu dhinacyada ku booriyey in nabadda la wada ilaaliyo.

 

Ugaas Cali Ugaas Maxamed oo ah ugaaska beesha ******** isla markaana ergada beesha ******** hormuudka u ah ayaa ka hadley kulankii maanta, waxaana ugu horeyntii uu mahad u celiyey Isimadii ku dedaaley in nabad lagu xaliyo wixii Gaalkacyo ka dhacay, waxa uu ku tilmaamey talaabadii isimadu qaadeen mid lagu farxo, isaga oo sheegay in ay la shaqeeyeen Isimada.

 

Ugaaska ayaa sheegay in wixii dhacay lagu dhameeyey si wanaagsan, Ugaaska ayaa sheegay in haddii iyaga la maqlaayo arrintaasi ay ku dhamaatey sharaf iyo sidii la rabey, Ugaaska ayaa ku kaftamay in Garaad Maxamed Shirwac sheegay in hal rakcad ay dhiman tahay, ragcaddaasna Garowe ayaa lagu dhamayn, anaguna ragcadaas waan idinla dhamayneynaa ayuu yiri Ugaasku, maahan faral noo harsan.

 

Ugaaska ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, waxaana uu sheegay in qaddo sharaftii uu sameeyey maanta ay noqotey Rabbi bari, waana khatinkii nabadda.

 

Ugaaska beesha ******** ayaa fariin u dieey dhamaan Jaaliyadaha beesha dadka Puntland meel kasta oo ay ku sugan yihiin, haddii si xun wax la idiinku sheegay, maaha ee arrintu si wanaagsan ayey ku dhamaatey waxaana uu fartiin adag u direy kuwa uu ku tilmaamey warxumatashiil, waxaana uu sheegay in uu kuwaas gaarsiinaayo in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdey, wanaagna ay ku dhamaatey, sidaasna la doonaayo in ay qaataan.

 

Dhanka Dawladda Puntland waxaa u hadley Wasiirka Amniga hubkadhigista iyo dhaqeyn celinta DDR Khaliif Ciise Mudan.

 

Wasiirka ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiiska iyo qado sharafta oo uu ku tilmaamey nabaddii Gaalkacyo oo loo walqalay.

 

- Aniga oo ku hadlaaya magaca Xukuumadda Puntland heshiiskaasi waad mid rasmi ah oo hirgelay, waxaan balan qaadeynaa in aan ku dhaqano oo fulino, weliba gacmo jilicsan ayaan ku fulineynaa, taas oo aan uga jeedo in aan dulqaad weyn muujin doono.

 

Xafladda loogu walqalay nabaddii Gaalkacyo isla markaan algu tilmaamey Rabbi barri ayaa waxaa ka hadley Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac, Xildhibaan Cabdiwaaxid Calioo ka socdey Baarlamaanka Dawladda Federaalka.

 

Maalintii Sabtida ee ku beegnayd 24 Sept ayaa 16 Isim ee loo soo ray xal ka gaarida dagaalkii Gaalacyo waxay soo saareen go’aamo gaaraya 10 kuwaas oo lagu soo afjaraayo nabadgelyo darrida halkaas ka taagneyd.

 

Sidoo kale Isimada ayaa sheegay in heshiiska lagu dhamaystiri doono magaalada Garowe uuna goobjoog ka noqon doono Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

 

Dagaalka Gaalkacyo ka dhacay maalmihii 1 - 2 Sept ayaa la sheegay in uu ku bilowdey si kedis ah kadib markii Ciidanka amniga Puntland ay iskudayeen in ay soo qabtaan nin ku sugnaa xaafadda Garsoor kaas oo ay sheegeen in uu ahaa al-Shabaab ay ku tuhunsanayaayeen in uu falal amni darro ah ka wado gaalkacyo, ninkaas iyo koox la socotey ayaa la dagaalantey ciidankii Puntland, waxaana ninkaas difaacey oo u soo gurmadey malayshiyo ka tirsan beesha ********, dagalkaas oo isu beddalay mid aad u culus, waxaana Isimadu sheegeen in maalintii labaadna Dawladdu xakamayn waydey dagaalka, waxaa ku dhintey labada dhinac dad kor u dhaafaya 60 qof, waxaa ku dhaawacmey dad badan, waxaa ku dumey guryo iyo hanti kale, waxaana uu saamayn ku yeeshay guud ahaan magaalada iyada oo laga barakacay.

 

Si kastaba ha ahaatee nabadda maanta la guddoonsadey ayaa ah mirihii dedaalkii Isimada Puntland iyo guud ahaan ergooyinkii beelaha ******* Ismaaciil, nabadda Gaalkacyo ayaa ahayd mid marba cayn isu beddeleysey sanadkii u danbeeyey, bulshada ayaa u hamuun qabta nabad iyo wada noolaansho buuxda, taas oo ah midda hadda soo hilaacaysa.

 

Axmed Maxamed Cali

 

Horseed Media

 

Gaalkacyo, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad Maxamed Shirwac one of the mediation Traditional Elder and Senior Mudug Traditional Elder (Age-wise) speaking at the gathering at which the peace deal has been signed

 

garaad-maxamed.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Religious Leaders and Traditional Authority by the Elder's from Ayn (Buuhoodle), Bari, Sool, Sanaag, Karkaar, Nugaal and Somali Region of Ethiopia who brokered the peace deal and mediation in 23 days

 

100_8510.jpg

100_8509.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Minister for Security, Disarmament and Rehabilitation of Territorial Army Khaliif Ciise Mudan with TFG Parliamentarian speaking at Peace signinggathering and feast

 

100_8523.jpg

100_8486.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Arrintii Galkacyo ka dhacay ...arrintaasi waxay ku dhamaatay sharaf iyo wanaag iyo sidii la rabay" Ugaas Cali Ugaas Maxamed.

 

Tue, 27 Sep 2011

 

Galkacyo, Sept 27 - Kulan qado sharaf ah oo uu maanta Islam Bashiir Islam Cabdille u sameeyey Issimada Puntland ayaa ay ka soo saareen baaq ayidaya go'aamadii iyo heshiiskii laga gaaray colaadii Galkacyo.

 

Ugaas C/llahi Ciise oo u hadlay Issimadii 15-ka ahaa ee loo saaray xallilka colaadii Galkacyo oo furitaankii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu rajo weyn yihiin in la fuliyo go'aamadii la gaaray.

 

"Gaar ahaan jaaliyadaha reer Galkacyo waxaan u soo jeedinayaan in ay ka qayb qaataan fulinta go'aamada" ayaa uu yiri Ugaas C/llahi.

 

Ugaas Cali Ugaas Maxamed, ugaaska beesha ******** oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ku tilmaamay hawshii Issimadu ay qabteen mid sharaf, wanaag iyo sidii la rabay ku dhamaatay.

 

Ugaasku waxaa uu ammaan u soo jeediyey Issimadii loo xil saaray xallilka colaada Galkacyo oo uu sheegay in ay sameeyeen wanaag Ilaah raali ka yahay, Islaamkuna ku farxo.

 

Ugaasku waxaa uu u baaqay jaaliyadaha iyo qurbajoogtu in ay dhacdadii Galkacyo wanaag ku dhamaatay; waxaana uu sheegay in xalay dhalay laga noqday wixii ka dhacay Galkacyo horaantii bisha September.

 

Ugaasku waxaa uu sheegay in dhacdadii Galkacyo looga gudbay wax wanaagsan oo dadka, dalka iyo diintaba wax u taraysa.

 

"Waxaan ogaysiinahayaa jaaliyadaha, dadka Somalida inta maslaxada jecel, wanaag in ay ku dhamaatay arrintii halkaan ahayd (dhacdadii Galkacyo)" ayuu yiri Ugaas Cali isaga oo la hadlaya qurbajoogta.

 

"War xuma tashiil baa jira" ayaa uu yiri Ugaasku mar uu ka hadlay dad sheegtay in ay ku hadlayaan magaca beesha oo saxaafada u sheegay in wada-hadaldii ay guul darro ku dhamaadeen.

 

Khaliif Ciise Mudan, wasiirka amniga ee Puntland oo u hadlay dawlada Puntland ayaa sheegay in heshiiskii Galkacyo ee 25-kii bishan ay dawladu fulin doonto, kuna dhaqmi doonto.

 

Issimada ayaa sheegay in ay rakcadi ka dhiman tahay, laguna dhamayn doono caasimada Puntland ee Garowe.

 

Ku dhawaad sodomeeyo Isim oo ka kala yimid gobollada Puntland iyo gobollo kale ayaa u fadhiyey muddo todobaado ah sidii loo xakamayn lahaa colaadii Galkacyo.

 

Waxaa munaasabada goobjoog ahaa badi Issimada Puntland, mudanayaal la tirsan baarlamaanka dawlada federaalka ah, golayaasha dawlada Puntland, maamulka gobolka, iyo marti sharaf kale.

 

Diiwaanka Wararka,

 

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this