Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Bosaso General Hospital becomes upgrade New Building Extension

Recommended Posts

Qayb cusub oo lagu soo kordhiyey Cusbataalka Bosaso

 

Waxaa maanta oo (salaasa) ah taariikhduna ku beegan tahay 27/9/2011 si rasmi ah loo furay qayb cusub oo dhowaan lagu soo biiriyey cusbataalka guud ee magaalada Boosaaso.

 

Dhismahan oo ah mid aad u qurux badan islamarkaana ka kooban qaybo loogu tala galay in la jiifiyo dadka bukaanada ah , iyo qayb xafiisyada cusbataalka laga dhigi doono ayaa waxaa dhismihiisa iska kaashaday qaar kamid ah ganacsatada Puntland iyo Rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland.

 

Munaasabadii dhisma cusub ee cusbataalka Boosaaso lagu soo kordhiyey xarigaga lagaga jarayey oo lagu soo beegay imaatinka dhakhaatiirta Turkishka ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdilaahi Warsame , Gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamuud Xayir Ibraahim , iyo Gudomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan.

 

Sidoo kale waxaa munaasabadaas goob joog ka haa qaar kamid ah ganacsatadii ganacta ka geystey hirgelinta dhismahan oo ay kamid yihiin Ismaaciil Cabdisalaan iyo Cabdiladiif Yuusuf Barre , iyo Mas’uuliyiin ka socda shirkada Isgaarsiinta ee Golis oo iyaduna kaalin fiican ka qaadatay hirgelinta qaybta cusub ee cusbataalka guud ee magaalada Boosaaso lagu soo kordhiyey.

 

Si kastaba ha ahaatee dhismaha lagu soo biiriyey cusbataalka guud ee (Bender Qasim) Hospital ayaa ah mid la rumeysan yahay in waxabadan uu ka tari karo habsami usocodka shaqo ee cusbataalka waxaana talaabada ay ganacsatada Puntland qaadeen si aad ah u soo dhoweeyey guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fiqikhayre;748334 wrote:
Bosaso is Puntland's largest city and commercial hub with a Port located on the Gulf of Aden's Bab-el-Mandeb hence the sweat and heat

 

SAM_0455.jpg

SAM_0459.jpg

SAM_0468.jpg

SAM_0477.jpg

 

It must be VERY hot in there as every person in that picture has water running down their face.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this