Sign in to follow this  
Fiqikhayre

After a successful and effective trip last time Turkish doctors arrive a second time in Puntland

Recommended Posts

First place of work is Gaalkacyo

 

Dhakhaatiir Turki ah oo kusoo wajahan Puntland howlgalo caafimaadna fulin doona

 

Posted by Pi on September 17th, 2011

 

12-dhakhatirta-oo-sawir-guud-la-galay-Ma

 

Garowe(Puntlandi.com) Koox dhakhaatiir ah oo ka imaaneysa Turkiga ayaa dhowaan imaanaya Puntland, Waxeyna howlo baaxad wayn oo caafimaad ka fulin doonaan Deegaano badan oo Puntland ah, ma ahan markii u horeysey ee Dowlada Turkigu dhakhaatiir usoo dirto Puntland , bishiioktoobar sanadkii hore ayaa koox dhakhaatiir ahi yimaadeen Puntland, kuwasoo howlo caafimaad ka fuliyey Puntland.

 

Dhakhatiirtaan imaaneysa ayaa looga diyaar garoobayaa dhamaan deegaanada Puntland, sida ay ku heshiiyeen labada Dowladeed ee Puntlandiyo Turkiguna howlgalkaan waa lacag la’aan.

 

Jadwalka sida ay ukala tagayaan isbitaalada Puntland iyo wakhtigaba dhowaan ayaan heleynaa oo aan idiin soo gudbineynaa, iyo xiliga saxda ah ee ay soo caga dhiganayaan Puntland.

 

Dhakhaatiirtu waxey badanaa ka howlgalayaan ISbitaalada Waaweyn iyo qaar kamid ah kuwa tuulooyinka, Dadka aan awoodin iney soo gaaraana waxaa socda Qorshe lagu soo qaadayo.

 

Puntlandi.com

 

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhakhaatiir ka socotey dalka Turkey oo adeegyo caafimaad ka bilaabay Gaalkacyo

 

dhakhaatiirta-ooo-booqdey-qaybta-caruurt

 

Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilaabmay kaalmo caafimaad oo balaaran ayna wadaan dhakhaatiir taborucaad uga yimid wadanka Turkiga ee aynu walaalaha nahay. Dhakhaatiirtan oo gaaraysa 14 dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh sida Qaliimada guuda, Caruurta, Dhagaha/Sanka/Cunaha (ENT), Dhakhaatiirta wax suuxiya, Dhakhaatiirta cudurada guud, Farmashiistayaal, Sheybaaristayaal iyo kuwo kale. Gaalkacyo waxay dhakhaatiirtu soo gaaren maalintii Khamiista (22-Sept-2011) waxaana si weyn usoo dhaweeyey Wasiirka Caafimaadka Puntland, Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Dhakhaatiirta Gobalka Mudug, Isimada,Shaqaalaha Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

 

Dhakhaatiirtu waxay saakay hawlgalkoodii ugu horeeyey ee Puntland ka bilaabeen Isbitaalka guud ee Gaalkacyo waxayna dhakhaatiirtu qaabileen dad aad u faro badan oo bukaano ah kuwaas oo iska diiwaangaliyey Isbitaalka todobaad ka hor imaatinka dhakhaatiirta waxaana Isbitaalku uu dadkaasi siiyey kaarar ay dhakhaatiirta kula kulmayaan. Dhakhaatiirtu waxay saaka bilaabeen eegista bukaanada ugu yimid xanuunada kala duwan waxayna qaabileen dad ka badan 200 oo qof oo bukaano ah kuwaasi oo daaweyn iyo qaliimo loo sameeyey. Qaliimada ay sameeyeen dhakhaatiirtu maantey waxa ku jirey kuwo culus oo ay isugu tageen taladooda iyo aqoontooda iyo kuwo fudud.

 

Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo saxaafada la hadlay waxa uu sheegay in shaqada dhakhaatiirtu ku bilaabatey sidii ay ugu talagaleen oo horey loogu qorsheeyey, dhakhtar kasta wasaaddu waxay u diyaarisay 3 qof oo isugu jira dhakhtar la shaqeeya iyo labo kalkaaliye oo caawiya. Dhakhaatiirta waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin shaqada ay ka bilaabeen Gaalkacyo iyagoo aad iyo aad uga mahadceliyey soo dhaweyntii diirnayd iyo abaabulkii loo galay soo dhaweyntooda iyo martigalintooda.

 

Dadka laga diiwaangaliyey Isbitaalka Gaalkacyo waxay kor u dhaafayaan 1500 oo qof sida uu sheegay madaxa xogta ee Isbitaaliu, Maamulka Isbitaalka iyo shaqaaluhuba waxay u shaqeynayeen si aad u sareysa iyagoo shaqada u maareeyey hab wanaagsan waxayna horey waayo aragnimo ugaheleen dhakhaatiirtii hore ee Turkey ee dalka timid 2010 kuwaas oo aad u shaqo badna aana ogoleyn caajis iyo in meel la iska fadhiyo.

 

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobalka Mudug Axmed Faarax ayaa saxaafada u sheegay in dhakhaatiiru ay maantey qaabileen 286 qof oo 6 ka mid ahi ay ahaayeen qaliimo aad u culus, kuso daawooyin loo qorey iyo kuwo ay sheegeen inaysan wax uga qaban karin Soomaaliya aysana waqtigan la socon dhakhaatiirtii qaabilsanaa qaliimada iyo kabida lafaha, Indhaha.

 

Imaanshaha dhakhaatiirta Turkey wax badan ayaa la sugayay waana kalkii labaad oo ay dhakhaatiir ka socota wadanka Turkey ay hawlo caafimaadoo taborucaad ah ka fuliyaan Puntland, sanadkii 2010 ayay ahayd markii ay dhakhaatiirtu Puntland yimaadeen markii ugu horeysay waxaana la xasuustaa 11 cisho oo ay wadanka joogeen ololihii caafimaad ee ay fuliyeen kaasi oo ay 4000 oo qof u sameeyeen daaweyn iyo qaliimo kala duwan. Dad badan ayaa aad ugu caafimaaday mana jirin qaliin iyo daaweyn ay ku fashilmeen taasna waxay keentay inay dadku mar walba wasaaradda waydiiyaan goorta ay soo noqonayaan dhakhaatiirtu, wasaaraddu waxay aad ugu dadaashey inay codsiyo badan u gudbiso dhakhaatiirta ka socday Ururka rajada (UHDER) iyo dowlada Turkeyba iyadoo codsanaysay wasaaraddu inay mar kale caawiyaan shacabka Soomaaliyeed codsiyadaas oo ay dhakhaatiirtu qadariyeen ayay ku faafiyeen Soomaaliya oo dhakhaatiirtan raxan ka mid ah waxay ka shaqo bilaabeen Muqdisho.

 

Cabdulqaadir Warsame Yuusuf

Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaqaatiir Turki ah oo ka howl galaya Gaalkacyo

 

somali-turkish-300x200.jpg

 

Dhaqaatiir Turkish ah oo howlo caafimaad ka sameynaya Soomaaliya/AA

Dhaqaatiir u dhalatay dalka Turkiga oo tiradoodu ay dhan tahay toban ayaa lagu wadaa in howlo caafimaad ka fuliyaan isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in dhaqaatiirta Turkish-ka ah ay magaalada Gaalkacyo ka sameyn doonaan howlo caafimaad oo ay ka mid tahay ka hor tagga nafaqo darrada, qaliinno lagu sameynayo uur ku jirta iyo dadka faruuran.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta ayaa sheegay in howlahan caafimaad ay uga faa’ideynayaan dadka danyarta ah iyo barakacayaasha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

 

Maamulka Puntland iyo dadka danyarta ah ayaa si isku mid ah u soo dhoweeyay howlaha caafimaad oo ay dhaqaatiirtan ka sameynayaan magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this