Sign in to follow this  
The Zack

Shir dhamaaday Sheekaa ka danbaysa

Recommended Posts

The Zack   

Shirka wada tashiga: Shir dhamaaday Sheekaa ka danbaysa

 

Shirka-wada-tashiga.jpg

 

maanta waxaa soo gabagaboobay shir Soomaali loo qabto kii dhawaanahan ugu hadal haynta badnaa, marka la fiiriyo Soomaalida ku kala nool Gudaha iyo Daafaha caalamka dhexdooda.

 

Sida ka muuqatay magaca uu sitay Shirku wuxuu ahaa “wada tashi”, waxaana qabanqaabadiisa iyo hawadintiisa lahayd QM, ayadoo wadamada Reer Galbeedka iyo kuwa danaha gaarka ah ka leh Soomaaliyana ay daaha gadaashiisa ka maamulayeen.

 

Saan cadaale iyo Saan madoobe faro badan oo aan wax danteena iyo maslaxadeena ah toona wadin ayana madasha way roogeen, ayagoo mid kasta isku dayaya inuu xaqiijiyo hirgalinta dana wadanka ama hay`adda uu ka socdo.

 

Shirka waxaa ka soo baxay qodobo horay u sii diyaarsanaa ka horba inta aan shirka la qaban, qodobadaas oo ahaa kuwa aan ka turjumaynin sababta lagu sheegay in shirka loo qabtay oo ahayd “wada tashi”. Dabcan waxaa halkaasi ka soo baxaya in ujeedada ugu wayn ee shirka loo qabtay ay ahayd oo kaliya in la helo sixiix lagu meel marsado barnaamijta soo aadan ee QM iyo beesha Caalamku ugu talo galeen inay ku xaalaan dalkan yar ee 21 sano la daalaa dhacaya qaska iyo labka.

 

Ilo KismaayoNews u waramay ayaa sheegay in 4 guddi oo loo saaray inay soo gudbiyaan macluumaad ku saabsan 4 qodob oo QM ay ajende uga dhigtay shirka ay qaateen woxoogaa shilimaan ah, sidaasna ay ku soo gudbiyeen qoraalo u diyaarsanaa xafiiska wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, kaaga darane waxaa isla waraaqahaas si indho la`aan ah u sixiixay ergooyinka shirka fadhiyay gaar ahaan madaxda DKMG.

 

Puntland ayaa mar alamka yeerisay ka hor xiritaanka shirka, kadib markay taageerada shirka ku xirtay in baarlamaanka iman doona sanad kadib la siiyo saami dhan sadex dalool hal meel. Kulamo khaas ah kadib ergada Puntland waxay sixiixday heshiiska ayadoon la ogayn balanqaadyada ay heshay ee sababay inay ogolaadaan ka qayb qaadashada xiritaanka shirka.

 

DKMG waxay u ahayd maalmo farxadeed maadaama Xamar lagu qabtay shir ay ka soo qayb galeen ergooyin ka socda, UN iyo wadamada safka hore kaga jira danaynta arimaha Soomaaliya. Waxaa kaliya deeqay oo ku filaaday madaxda DKMG in la yiraahdo waxay marti galisay shir ay u dhantahay beesha caalamka, arintaasina waxay ahayd mid aad ka dareemayso ayadoo la isugu marxabaynayo Villa Somalia iyo waliba xarumaha kale ee DKMG.

 

Garabyada Soomaalida ee ka soo qaby galay shirka waxaa badan kood ku filaa in lagu sharfay inay ka soo qayb galaan shirka danahooda lagaga hadlayo. Puntland iyo Galmudug waxay u ahayd goob dhoolatus oo midba midda kale u muujinayso awoodeeda iyo saamaynteeda arimaha Soomaaliya heerka ay joogto. Waxaana is reebreebka labadooda badiyay Puntland oo ku guulaysatay inay qadar saacado ah hakad galiso habsami u socodka shirka isla markaana bogagga hore ee saxaafadda ku soo baxaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Kooxaha lagu marti qaadi wayay shirka een ka qayb galin waxay u ahayd murugo, is ciilkaambi, waxayna miciin bideen erayadii Soomaalida daashaday ee ahaa “looma dhana, ma taageersanin, IWM.” Waxaa jira 4 kooxood oo shirka lagu marti qaaday balse aan ka qayb galin kuwaasi oo kala ahaa Somaliland, Azania, South West State iyo Xarakada Kaambooni. Wararku waxay sheegayaan in labada dal ee Kenya iyo Itoobiya ayna raali ka ahayn shirkii ka dhacay Xamar sidaas la adligeed ay kula taliyeen kooxaha ay taageerada siiyaan ee Azania, South West State iyo Kaambooniyiinta inayna shirka xaadirin, halka maamulka Somaliland ay gadaal iskaga afgarteen QM inay ka baaqsadaan shirka.Ugu yaraan Ahlu Sunna Waljamaaca oo sidoo kale kamid ah kooxaha taageerada ka hela Itoobiya ayaa shirka ka qayb galay taasi oo su’aal ka dhalinaysa booska ay Itoobiya iyo Kenya ka taaganyihiin qabsoomidda shirka.

 

Dhanka QM iyo Beesha Caalamka waxay u ahayd maalin farxadeed maadaama ay hirgaleen ugu yaraan waji kamid ah wajiyada cusub iyo siyaasadaha soo waajahan ee la rabo in lagu fuliyo dalkeena iyo dadkeena.

 

Qurbe joogta ayaa dhankooda aan yaraysan suxul duubka iyo is xagxagashada, waxaadna ku arkaysaa meelaha fadhi ku diriryada qaar isugu xiiqay anagu libaax baan nahay idinkuna dawaco ayaad tihiin, anaga waa nala sharfay idinkana waa laydin duleeyay, anagu siyaasadda Soomaaliya waan ka muuqanaa idinkuna ashuun baad ku adintaan, anagaa idinka sidanay, anagay beesha caalamku na rabtaa, anagaa u sharaxan hogaanka dalka waxaan anaga ahayna Soomaali ma xukumi karo iyo erayooyin badan oon halkan lagu soo koobi karin.

 

Isku soo duuboo, shirkii lagu soo gabagabeeyay Xamar oo ahaa shir loogu magacdaray “shirka wada tashiga” ayaa noqon doona mid maalmaha ina soo haya ay Soomaalidu ka sheekayso ayadoon dhooroofin ujeedada lagalahaa, ayadoon qodqodin waxyaalaha ku duugnaa iyo siraha ku qarsoonaa iyo ayadoon dhiraan dhirin waxa xigi kara iyo talaabooyinka soo socda ee QM iyo Beesha Caalamku rabaan inay ku tajriibeeyaan Soomaaliya.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

One of the MP's who participated in the so called "consultative" meeting has revealed that the 9 page long agreement that was signed was pre-writen. "Mahiga baa watay qoraakan oo sii diyaarsan, kadibna waa la saxiixay uun " said Maxamed Xasan, a TFG MP.

:D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

*Wararku waxay sheegayaan in labada dal ee Kenya iyo Itoobiya ayna raali ka ahayn shirkii ka dhacay Xamar sidaas la adligeed ay kula taliyeen kooxaha ay taageerada siiyaan ee Azania, South West State iyo Kaambooniyiinta inayna shirka xaadirin, halka maamulka Somaliland ay gadaal iskaga afgarteen QM inay ka baaqsadaan shirka

Is this true yaa Zakaria?

 

Lol@Saan caddaale iyo saan madoobe

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Unfortunately, that is true, Ayoub, according to multiple sources. I am not very much familiar with the South West State but it is a fact that Azania takes orders from Kenya while Kaambooniyiinta are on the same boat as Puntland, Somaliland and the TFG ( Xabashi puppets). Somaliland's refusal to partake this meeting wasn't convinced by Ethiopia or any one else, not this time. Mahiga has tried and tried to bring them there but has failed to do so.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this