Sign in to follow this  
Saalax

Maxmed Cabdi Xaabsade:Waxaan Uga Digeyna Reer Boorama In ay Iska Qabtaan Dhuuni Raaca

Recommended Posts

Saalax   

Maxmed Cabdi Xaabsade:Waxaan Uga Digeyna Reer Boorama In ay Iska Qabtaan Dhuuni Raaca

 

 

Boorame ( RBC Radio) Waxaa maanta lagu soo dhaweyay magalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal wasiirka warfaafinta ee Somaliland Maxmed Cabdi Xaabsade.

Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa uu ku saabsana sida uu sheegay in uu soo arko xaalada ka jira magalada boorame ee dhinacyada kala duwan ee nolosha Caadiga ah ee magalada ku jirto.

Xaabsade oo shir jara’id qabtay ayaa ka hadlay Xaalada kala duwan ee somaliland ku sugan tahay,waxaana uu ugu horeyn baaq u diray shacabka ku dhaqan Boorame uu sheegay in ay iska ilaaliyaan kala Go’a iyo in ay magacyo kala duwan ka abuuraan gudaha Somaliland.

“dad baa jira waayadan wada wax aan inoo wanaagsaneen Anaga iyo qarankayaga,waxay leeyihiin Maamul baanu dhiseynaa,Show kanu maamul maaha,waxaasi waxay inoo keenayaan haddi aanu iska qaban Fitano walalayaal”ayuu hadalkiisa ku yiri mudane Xaabsade.

Waxaana uu sidoo kale iftiimiyay warbaahinta qaarkeed oo websetyada ku daabaacay warar la xiriira maamul laga dhisaayo boorame oo ka madaxbanaan Somaliland.

isagoona ugu baaqay saxafiyiinta in ay ilaaliyaan dastuurka somaliland,kuna ekaadan meesha uu ku xiraayo saxafiga ee aanu dhaafi karin.

Maxmed Cabdi xaabsade ayaa sidoo kale sheegay in dawlada somaliland la socoto waxa uu ugu yeeray dhuuni raacyada ku sugan dalka dibadiisa ee lacagaha ku bixiya sidii ay nolol qariban ugu horseedi lahaayen dadka ku dhaqan somaliland.

“inta qof caado qaate ah uu magaalada inala joogo waxaanu nahay dad ka soo bixiwayay waajibkoodi oo ahaa in ay iska saaran oo iska Fogeeyaan,anaga dawladii ah hanaloosheego,waxbaan ka qaban doonaa“ayuu u sheegay shacabka reer boorame.

Waxagaradka reer Boorame ayuu ku amaanay wasiirka warfaafinta somaliland sida ay mar walba ugu dheertay jecleysiga Nidaamka Caddalada iyo Horumarka ku saleysan ee ay ku dhaqanto Xukumada Haatan ka jirta somaliland.

isagoona meesha ka saaray in wax ka badalan nidaamka Somaliland ay ka dhaqan gali karaan guud ahaan gobolka Awdal ee xuduuda ku yaala.

Ugu danbeytiina dadka ka hadla arimaha siyaasada somaliland ayaa sheegaya in safarka haatan uu ku tagay boorame Wasiirka warfaafinta uu muhiimda siinayo Guux farabadan oo maalmahan ka jiray magalada iyo guud ahaan gobolka oo la xiriira in ay ka Go’ayaan Maamulka Somaliland.

mudane xaabsadena waxaa uu isku dayayaa sidii uu meel ugu ogaan lahaa xaaladaha isbedelka huwan ee laga sheegayo dhulkaasi,isagoona xaqiiqsanaya Dareenka shacabka ku dhaqan Awdal.

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this