Sign in to follow this  
Ismahaan

Aqoon kororsi ,,su,aalo and jawaabo diini ah

Recommended Posts

Ismahaan   

S- Waxaad sheegtaa macaha magaca Jibriil?

J- Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu-cabaas

S- Waxaad sheegtaa masaajidak salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?

J- Waa masaajidka(Qubaa)

S- Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?

J- maydka xalaasha ahi waa Ayaxa iyo Kaluunka

S- Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?

J- dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada

S- Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?

J- Wuxuu ahaa Ibnu Qimah

S- Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga(NNKHA),sixray?

J- Wuxuu ahaa Lubeyd binu-acsam

S- Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?

J- wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas

S- Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?

J- waxay ahayd Nebi muuse hooyadii

S- Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?

J- waxaa weeye Magaalada Madina-Al_munawara

S- Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?

J- waxay ahayd suuradu Daah

S- Waxaad sheegtaa Abuu Bokor intuu hayey xilka qaliifnimada?

J- wuxuu hayey 2 sano iyo dhoowr bilood.

S- Waxaad sheegtaa asxaabiyadii ugu horeysay ee dishay qof gaal ah?

J- waxaay ahaayd safiya bintu cabdi mudalib

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isagoon weligii Alle u sujuudin?

J- Wuxuu ahaa Cumar binu thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la

Dilay isla maalintaas

S- Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?

J- Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad

S- Waxaad sheegtaa duulaankii(Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?

J- Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada

S- Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku **** tukaday?

J- Abu-bakar sadiiq iyo C/raxamaan binu cawf

S- Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?

J- waa sanadkii ay dhimatay Khadiija bint khuweylad, iyo Abu-daalib

S- Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?

J- Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu suraara

S- Jannada yaa ugu horgelaaya?

J- Waxaa ugu hor gelaaya Nebigeena Maxamed (NNKHA)

S- Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?

J- Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo

S- Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?

J- Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil

S- Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?

J- Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali

S- Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi- saciid al-khudriyi?

J- Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC)

S- Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay

J- Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?

J- Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay?

J- Waxay ahayd Khadiija bintu khuweylad(RC)

S- Waa kuma sayidka shuhadadu?

J- Waa Xamsa binu Cabdi mudalib(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay?

J- Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka?

J- C/binu Zayid (RC)

S- Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?

J- Waa Suuratu, Al-Fatax

S- Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?

J- Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho

S- Waxaad sheegtaa magaca Faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo?

J- Waxaa la odhan jiray Sakab

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay?

J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?

J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle?

J- Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi(RC)

S- Waxaad sheegtaa Sir-hayihii(xog-hayihii), Nebiga(NNKHA)?

J- Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan(RC)

S- Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?

J- Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?

J- Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?

J- Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws

S- Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?

J- Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC)

S- Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?

J- Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid(RC)

S- Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?

J- Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?

J- Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?

J- Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?

J- Waa Sacad bin-Mucaad(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?

J- Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen(RC)

S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii?

J- Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC)

S- Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?

J- Wuxuu ahaa Nabtal binu-Acsam

S- waxaad sheegtaa asxaabigii hogaaminayey dagaalkii yarmuug?

J- Waxuu ahaa Khalid bin walid (Rc)

S- Waxaad sheegtaa asaxaabigii hogaaminayey dagaalkii mu’ta?

J- Waxaa la odhan jiray zeyb bin xaarith (RC).

S- Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?

J- Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?

J- Cismaan binu Cafaan (RC)

S- Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?

J- Waa salaada

S- Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?

J- Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC)

S- Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha?

J- Waxaa ugu horgelaaya Suldaa,Madaxweyne, aan cadaalad sameyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ismahaan sis

 

Jazakellahu kheiran walaalo, waa aqoon korosi aad loogu baahan yahay

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this