Sign in to follow this  
Nabad_dadaye

su'aalo iyo jawaabo ramadaani ah

Recommended Posts

S: asc wr wb shikhow waxaan ku waydiinayaa casarka marka la gaaro hadaan qaweesto sonka miyaa iga jawayaa iyo hadaan cadeesto duhuradi teeda kale salaada hadii laygu adamo anigo afkayga rashiinka ku jira saxanka ma dhamaysan karaa ilaa aadaanka ka dhamanaya

 

J: WCWRB Waan kaagudoomay salaantaada qiimiga leh kadib suaalahaada kakooban 3da suaalood mida 1aad Maya Makaa Jabayo Wax dhibaata ahna malahan oo waad qubeysan kartaaa, ama suaashaada 2aad Ee cadeyga Haa waad cadeysan kartaa waqti kasta qaasatan suno ayeyba noqoneysaa inaad cadeysato salad weliba markad geli rabto ramadaanka iyo waqti kabaxsanba. Amaa suaashaada 3xaad Aadaanka hadii aad ujeedid aadaanka hore (waayo waxan ognahay salaada subax marki laga reebo aqinka iney labo aadaan leedahay) haa waad cuni kartaa illaa aadaanka labaad laga gaarayo ee salaada dhalashadeeda ah. Hadiise aad ujeedid aadaanka labaad ee salaadii ay dhalatay iyo aqinka inta udhaxeyso jawaabtu waa maya. Illaa in adiga oo cunayo cuntadii afka kula jiro aadaankii kugu dhacay markaas wixii aad cabeysay ama cuneysay uun baad dhameysaneysaa soonkaaguna wax uma dhimayo. Wallahu aclam.

 

S: Asc . Su’aasha ugu horeysa ee aan weydiinayo waxa ay tahay qof sooman cunto uu karinaayo ma dhadhamin karaa isagoo aan laqin, carabka iyo dhamxanaga ma ku dhadhamin karaa kadibna ma iska tufi karaa. Su’aasha kale ee aan weydiinayo sheekha waxa ay tahay sida loo tukado salaada istaqaarada. Wax badan kama aqaano salaadaasi. sida salaada caadiga ah ayaan u tukadaa. fadlan adigoo raali ah sheekh ma i tilmaami karaa waxa ay salaadaha kale dheer tahay. Allaha ajar kaa siiyo adiga iyo bahda Webka howsha aad Ramadaanka noo heysaan.

 

J: wcswrb , suaashaada koowaad ee cunto dhadhamintaa haa carabka iyo dhanxanaga waa lagugu dhadhami karaa adigoo isla markaana iska tufayo iskana illaali iney gudaha kuu gudubto. Amaa suaashaada 2aad Ee salaada istaqaarada sideebaa loo tukadaa, waxaad utukaneysaa 2bo rakcadood oo sunno caadi ah oo waxaad rabto quraanka aad ku aqrineysid, Kadib marki aad dhameysatid waad duceysaneysaa oo waxad kuduceysaneysaa ducada looyaqaano ducaa salatul istaqaarah oo aad kaheli kartid kitaabka xisnul muslimka. Lakaalmeyso dadka ducadaas garanayo ee aad kutuhmeyso. Wallahu Aclam

 

S: ascw hadii nin sooman xaaskiisa uu labaashaalo darenkisuna kaco waxna uusan sameyn waxna eeysan ka imaan soonkiisa kawaran? Asc.

 

J: WCWRB wax dhib ah malahan soonkaaga waad sii wadaneysaa, FG: ayadoo kubanaantahay inaad xaaskaaga labaashaasheysid haddane dhinaca kale waxad ilaalineysaa in aad ugalmootid xaaskaaga amaba aay kaayimaadaan biyihii (Shahwada). Wallahu Aclam.

 

S: asc , hadii aniga oo jinaabo qabo oo aan qabaysan waagu iigu baryo oo marka qoraxdu soo baxdo ka bacdi aan ka mayrto soonka ma ii jiraa mise´?

 

J: wcswrb Haa waad qabeysan kartaa soonkaagana wax uma dhimeyso. Lakin waxan kugu nasteexeyn lahaa in aad ilaalisid salaada waqtigeeda waayo suaashada waxa kamuuqdo dayac aad dayacday salaadii subax illaa aay qoraxdii kugu soo baxdo arintaasina waa halis hadii aadan wax cudur daar ah uhaaysan. Wallahu Aclam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this