Sign in to follow this  
Dhuujiye

Ibraahim Afghan oo Si Rasmi ah ula Wareegay Hogaankii Kooxda Al-Shabaab (Warbixin)

Recommended Posts

Dhuujiye   

Muqdisho (RBC) Xog laga soo xigtay saraakiil hoose oo ka tirsan ururka Al-Shabaab hogaamiyihii ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan abuu Zubeyr (oo loo yaqaano Axmed Cabdi Godane) ayaa si rasmi ah u wareejiyey xilkii ururka Al-Shabaab ka dib markii uu u dalacay shabakada Al-Qaacida.

Sida xogtu ay muujineyso, Hogaanka Al-Shabaab waxaa haatan si toos ah ula wareegay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad oo ku magac dheer Ibraahim Afghan (ha yeeshee Shabaabka dhexdooda loogu yeero Abubakar A-Zeylici).* Halka Axmed Godane uu noqday masuul ka tirsan shabakada Al-Qaacida.

Ibraahim Afghan oo mar ahaan jirey masuulkii Shabaab ee Kismaayo ayaa degaan ahaan waxay qaraabo dhow yihiin Axmed Godane balse labada nin waxaa in mudo ahba u dhexeeyey loolan xagga awooda iyo iyadoo Ibraahim Aghan arkayey dhaliilo uu leeyahay amiirkooda guud, taasoo keentay in rag badan oo ay ku jireen xubnaha ugu sareeya ee ururka ay u arkeen Ibraahim Afghan nin noqon kara hogaamiyaha guud.

Ilaha xogtan laga helay waxay cadeeyeen in go’aanka xil ka qaadista Axmed Godane si rasmi ah loo gaaray dhamaadkii sanadkii hore ee 2010 hase yeeshee uu jiray dib u dhac badan oo ku yimid in labada nin xilka loo kala qaado, taasoo aakhirkii ku soo beegantay wax yar ka hor intii uusan toddobadkan bilawgiisii afhayeenka guud Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ku dhawaaqin in Al-Shabaab ay isaga bexeen Muqdisho.

Axmed Godane ayaa wixii hadda ka dambeeya noqon doona sarkaal ka tirsan Al-Qaacida Geeska Afrika kaasoo hawshiisu ay qeyb ka tahay isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada guud, ka dib geeridii Fazul Cabdalla oo ahaa ninkii horey hawshaasi u qaban jiray balse 8-dii bishii June ee sanadkan lagu dilay meel u dhow isgoyska Ex-Control Afgooye.

Waqtiga ay ku soo beegantay

In Axmed Godane u dalaco dhanka Al-Qaacida ayaa lafteeda lagu micneeyey go’aan ka soo baxay Al-Qaacida hase yeeshee waxaa in la tilmaamo ay tahay waqtiga ay ku soo beegantay.

Toddobaadkan bilawgiisii ayaa afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in ururkooda uu isaga baxay furimihii dagaalka Muqdisho, isagoo sheegay in farsamo dagaal awgeed ay u bedeleen hanaankii dagaalka ay kula jireen DKMG iyo ciidanka Amisom ee Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale dadka aadka ula socda dhaqdhaqaaqyada ururka ayaa sheegay in go’aankan uu yimid xilli ururka dhexdiisa ay weli ka jiraan khilaafaad ragaadiyey dhaqdhaqaaqii ururka, kaasoo salka ku haya arimo kala duwan balse ay ugu dambeysay go’aankii lagu fasaxay hay’adaha oo uu ku dhawaaqay Sheekh Cali Dheere laakiin saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay diideen markii dambe.

Mukhtaar Abu Zubeyr waxaa xilka hogaanka Al-Shabaab uu qabtay sanadkii 2009 taasoo ku beegneyd sanad ka dib markii duqeyn Mareykanku sheegtay lagu dilay degmada Dhuusamareeb hogaamiyihii ugu horeeyey ee ururka Aadam Xaashi Cayrow.

Waa kuma Ibrahim Afghan?

Ibraahim Xaaji Meecaad waxaa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa deegaanada Somaliland, halkaasoo waxbarashadiisa hoose uu ku qaatay.

Markii uu aas aasmay ururka Al-Shabaab, wuxuu Ibraahim Aghan ka mid noqday raggii ugu horeeyey ee bilaabay kooxda. Isagoo noqday madaxii Al-Shabaab ee Kismaayo.* Waxaana mar dambe loo magacaabay masuulka dhanka maaliyada ee Al-Shabaab, isagoo aad ugu dhowaa Axmed Godane oo 2009 hogaanka u qabtay Al-Shabaab kaasoo ay saaxiibo iyo qaraabo ahaayeen.

Hase yeeshee dhamaadkii 2009, wuxuu Ibraahim Afghan noqday ninka ku xiga Axmed Godane isagoona ahaa masuulka maalyada ee kooxda. Wuxuuna ahaa ninka maamula guud ahaan dhaqaalaha so gala ururka taasoo uu ku kasbaday magac Shabaabka dhexdooda ka dib markii uu ka hor yimid hanta lunsi ay rabeen inay saraakiisha sameeyaan oo uu diiday.

Dad badan waxay sheegayaan in Ibraahim uu xitaa ka hor yimid dhowr jeer oo Axmed Godane uu qaatay lacago fara badan. Waxayna arintaasi ahayd sababtii ugu weyneyd ee saraakiisha Shabaab u taageereen inuu isagu hogaanka u qabto kooxda.*

Ibraahim Afghan wuxuu xulufo iyo saaxiibo dhow la yahay saddexda nin ee Shabaabka ugu magaca dheer ee kala ah:- Xasan Daahir Aweys, Mukhtaar Roobow iyo Fu’aad Shongole.

Magacaabistan Ibraahim Afghan waxay ka dhigeysaa ninkii saddexaad ee qabta hogaanka Al-Shabaab, marka laga reebo Sheekh Mukhtaar Roobow abu Mansuur oo xilka ururka si ku meel gaar ah u hayey mudo ku dhow sanad geeridii Aadam Ceyrow ka dib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this