Sign in to follow this  
gooni

su'aal ku saabsan diyada ama magta?

Recommended Posts

gooni   

Salaamu calaykum marka ugu horaysa dhamaan muslinko oo dhan mubaarak calaykumu shahar.

Waxaan jeclaan lahaa inaan idin weydiiyo maxaa dumarka looga dhigay diyadooda ama magtooda nus ama badh halka ragga lag dhigay boqol? maxay tahay xigmada ku jirta?

salaamu calaykum

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxay ila tahay waxaad isku qaldeysaa Dhaxalka iyo magta. sida aan aniga ogahay dhaxalka weeyaan midka qofka dumarka la siinayo sadexdii qeyb qayb ka mid ah ama 1/3, laakiin arrinta ah Diinyada ama magta qofka dumarka ah waa NUS ama 50% waa arrin la yaab leh. laakiin wax lala yaabo maaha. masalan qof SLAVE ah haddii aad disho si ula kac ah ciqaabtaadu ma noqoneyso DIL ama xitaa DIINYO ama magg ma bixineysid kaliya adigoo dilay xoolo nin leh oo kale ayaad mag siineysaa ninkii slave-ka lahaa si uu u iibsado ADOON kale. waa according so called SHARIA FIQI Books.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Mahadsanid akhi kariim, iskuma khaldin diyada iyo dhaxalka aanse kuu jilciyo

Matalan hadii qof dil u gaysto qof kale waa in loo qisaasaa ama diyadii laysiiyaa dadkii dhibku gaaray

lamana kala saarin lab iyo dhadig

 

Hadaba sidaan maqlay waxaa diyada ninka looga dhigay boqol maahan inuu ka qaali sanyahay gabadha ee waxaa sharci ahaan la fiiriyay xagga dhaqaalaha oo ninku wuxuu qaabilsanaa quudinta qoyska sidaa daraadeed wuxuu noqday boqol

 

Arintii sidii hore maahan,dumarkii waxay isku darsadeen dhaqaale iyo dhaqan, oo markaad fiiriso mujtamaca soomaaliyeed waad garan kartaa qaybta dumarku ka qaateen,hadii dhimasho ku timaado sharcigu boqol ma u ogolyahay? mise arin kale oon jaahil ka ahay baa jirta? ,,jisa kalahu khayr.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa su'aal aad u wanaagsan , laakiin inta aan xikmada hore u galin waxaa xusuusin mudan hadalka Alle ee ''وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْراً أَنْ يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَنْ يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلالاً مُبِيناً (الأحزاب:36) '' micnaheedana waa '' umka haboona nin mu'min ah ama haweeney mu'minad ah marka Eebe iyo Rasuulkiisa wax xukmiyaan in eey khiyaar u yeeshaan amarkooda ruuxiisa caasiya Eebe iyo rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid cad'' aydoo aayada aan aan reeceyno waa ineysan wax shaki ah naga galin cadaalad nimada islaamka .

 

tan koowaad waxaa culimadana isku raacsantahay in waxa gabadhu eey 50% ka qaadaneyso uu yahay diyada ee uusan ahayn qisaaska , ninka haduu dilo naag si kas ah waa loo dilayaa balse hadii ninku uu dilo haweeneyda si qalad ah oo eey noqoto in diya laga qado markaas weeye marka uu 50% diyada raga eey qaadaneyso .

xikmada arinkaas : mas'uuliyada haweeneyda waxaa dusha laga saaray raga , markeey dhalatay ilaa dhimashada , markeey yartahay waxaa masuul ka ah aabaheeda , marka la guursado waxaa ka masuul ah ninkeeda , waxaa ziyaado ah ooy sii qaadaneysaa maharkeeda markeey weynaato waxaa mas'uuliyadaas sii dhameystirayo caruurteeda . marka haweenka wax kastooy u baahdeen waxaa dusha laga saaray raga .

maadaama diyada eey tahay gudid dhibka soo gaaray cida ee dhaqaale ayey noqotay in dumarka eey ka yaraadaan tan raga maadaama raga dhibka ugu badan eey qaadaan ,xitaa dadyoowga dunida waxaa leysku raacsan yahay in cida waayitaanka aabe uu ka dhib badan yahay kan hooyo sidaa darteed ayeey cadaalada waxa eey tahay in qofka dhibka badan gaarsiinayo dhaqaalaha cida loogu badalo dhaqaale badan .

 

arinkan waa un gudid dhaqaale ee ma ahan gudid naf go'day .

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Axsanta nabad doonow

Mar hadii arinku dhaqqaale yahay gabadha dhaqaalaha leh diyadeedu boqol ma gaarsayaa? sharci ahaan?

Bal aqoontaada ajar maqbuula ku badelo insha allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

mahadsanid walaal gooni

 

walaal qofka muslimka ah waxaa waajib ku ah inuu raaco wadada diintu leedahay ee aanan ku qayaasanin arimaha maskaxdeena .maadaama diinta eey ka sugnaatay Rabbi ,isagaana og maslaxada dadka oo cilmi badana ah , hadalka rasuulkana waa sida waxyiga sida aayada Alle ku xusan ch 53 v 3-4 .

sidey nala tahay ma soconeyso ,siduu eebe jideeyay rasuulkiisa suubiyay ayaan raaceeynaa , diyada gabadha iney 50% tan raga tahay rasuulkaa inoo sheegay marka waxaan leenahay waan maqalnay waana adheecnay amarka rasuulka .

 

si guud ayuuna xukunka udhacayaa oo qof ama tiro yar darteeda wax isuma badalaan , dunidan dadka diimahey rabaan ha aaminsanaadaan ,waxaa laga wada siman yahay in aabaha uu qaabilsan yahay inuu ubadkiisa iyo xaaskiisa wixii dhaqaala raadin ah uu madaxa saarto .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this