Sign in to follow this  
xiinfaniin

Colka waraf ma lagu dayay ?

Recommended Posts

Nur   

Walaal Xiin

 

Sheekada socota waa ka qoto dheertahay siday kuugu muuqato, waxaa la isku heystana qabiil haba ku saleysnaadee, qabiilku wuxuu ahaa duntii dillacisay wadajirka ummadda oo ay dillaaciyeen cadowga ummadda oo muddo dheer ka soo shaqeeyay sidey dab dagaal sokeeye dhaxdeenna uga shidi lahaayeen, Allah wuxuu Quraanka ku leeyahay:

 

"Mar walba oy shidaan dab dagaalba, Allah ayaa damiya ( bakhtiiya), waddankana fasaad bey la dhex socdaan"

 

Walaal, Siduu Alle noogu sheegay Quraanka, Dadku isku mid bey ahaan jireen waagii hore, ilaa uu Allah noo bayaaniyay dariiqa xaqa ah, dadkuna is ma khilaafin ilaa xaqa la caddeeyay, qolona ay xaqii raacday, qolana diidday. Qoladii xaqaas Allah ka yimid u hiillisay waa addoon Allah, nolol iyo geeriba waa guuleysteen. Qoladii u hiillisay cadowga Allahna, oo haddana diintii Allah hor istaagtay, waa addoonta sheidaanka iyo askartiisa, qof walbana qofkuu la jiro addunka ayaa lala soo saarayaa qiyaamaha.

 

Walaal aniga iyo adiga diintaan ma lihin, Alla leh, asaga ayaa noo sheegay sida diintaan loogu dhaqmo, sida loogu jiro iyo sida looga baxo. Dadka qof ka saari kartaa diinta ma jiro haddey ku jiraan, qof kusoo dari kartaana ma jirto haddey doortaan iney ka baxaan. Adduunka intaan joogno Allah waa noo caddeeyay sifaadka dadka hortaagan diintiisa, iyo sifaadka awliyada Allah la jira., qofkaan labadaas kala oqoonin tiisaa loo yaabaa.

 

Waagii hore dagaal been ah iyo riwaayad baa naloo dhigi jirey la yiraahdo Qabiil, riwaayaddas wexey socotay muddo dheer oo kuwa matalaya ay hoos ka wada xariiri jireen, meel qurana laga wada xukumi jirey, taasna ay soo bannan baxday oo maanta uu arkayo qofkii Allah basiirad siiyay.

 

Riwaayaddas Qabiilka wexey dhammaatay markii Islam uu meesha soo galay, taasoo mideysay Somalida inteeda kheyrka jecel, dhalisayna nabaddii ugu horreysay markii burcadda dowlad ku sheegta ah oo Xabishada u shaqeeya laga saaray waddanka badankiisa.

 

Hadda waxa is heysta waa qoladii Xabashida ay soo barbaarisay oo muddo dheer gacantooda lagu burburinaayay qarannimada Somaliya si ay ugu sahlanaato Itoobiya iney waddanka si sahal ah u qabsato, taasna waxaa ka hor istaagay kicitaanka dhallin yarada u qiirooday diintooda oo u huray naftooda sidii ay xornimadeenna u sugi lahaayeen.

 

Waxaa ugu weyn oo maanta la isku heysto waa diinteenna in waddankeenna aan ku dhaqanno, maxaa yeelay waxaa loo arkaa inaan ku dhaqanno diinteenna khatar weyn, hadaba, ma diinteenna ayaan iibsannaa sida mooriyaanta dowlad ku sheega ah ay sameeyeen?

 

Walaal, nabadda waa fiican tahay, laakin nabad aan cadaalo ku dhisneyn ma waarto, waana dhalanteed, qof aan Allah ka cabsanin beenta kama dhowrsado, iyo inuu ballan ka baxo, hadaba, haddii kalsooni la waayo, sidee baa nabadi ku iman?

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Xin walaal

 

Jawaab ayaan sugayey markaan ku warsaday

" hadaba, haddii kalsooni la waayo, sidee baa nabadi ku iman?

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh.Nur,

 

Kalsoonida waa la beeraa. Iskama timaado ya Nur. Dagaalku marna kalsooni ma keeno. Nabadda iyo isku tanaazulkaa keena. Dagaalka waa lagu kala dhintaa, sokeeyyena ma leh.

 

Wiilashaan qoryaha watta waxa laga rabaa wax badan maaha. Waxa laga rabaa inay ogolaadaan in dadku fekero oo tashado oo bal xabadda ayyaamo loo kaadiyo. Sidaad ogtahayba Sh. Bashiir maanta waa hoggaanka culumada xamar, talooyinka uu soo jeediyeyna waa talooyin macquul ah.

 

Hadde yaa dhegeysanayya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Interesting discussion.

 

Hadda waxa is heysta waa qoladii Xabashida ay soo barbaarisay oo muddo dheer gacantooda lagu burburinaayay qarannimada Somaliya si ay ugu sahlanaato Itoobiya iney waddanka si sahal ah u qabsato, taasna waxaa ka hor istaagay kicitaanka dhallin yarada u qiirooday diintooda oo u huray naftooda sidii ay xornimadeenna u sugi lahaayeen.

^ This still holds true today .. just substitute Xabash for any foreign troops.

 

Xiin ... Sh. Bashiir talada uu soo jeediyay sidaad sheegtay waa mid aad macquul u ah.

 

lakin dhalinyarada oo kaliya in fart lagu fiiqo oo la yidhaado way ka baxeen iyadoon la sheegin dowlada talaabooyinkay qaaday oo burinaya hadalka sh. bashir iyo culimada kale cadaalad mahan.

 

Talada culimada waxa ugu muhimsanayd ayna ku celceliyeen in ciidan shisheeye inaysan marnaba raali ka ahayn.

 

Waxa wanaagsan Ficilka iyo Qowlka inay is waafaqaan; hal waji waxay leeyihiin "Heshiis" iyo "wadahal" "tanaasul" .. dhamaan waa erayo qurux badan oo qof weliba oo maqlo u dhaga-nugulyahay lakin wejiga kale waxay leeyihiin ciidan shiisheeye oo shacbiga masaakiinta hore u gumaaday maan daba soo gashaynaynaa ... wax is leh mahan hadalkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Akhi Xiin

 

Waxaad qortay

 

Wiilashaan qoryaha watta waxa laga rabaa wax badan maaha. Waxa laga rabaa inay ogolaadaan in dadku fekero oo tashado oo bal xabadda ayyaamo loo kaadiyo. Sidaad ogtahayba Sh. Bashiir maanta waa hoggaanka culumada xamar, talooyinka uu soo jeediyeyna waa talooyin macquul ah.

 

 

Xiinow, marka hore, malaha u wanaaji dadka hadba intey ayagu malaha Allah ku wanaajiyaan, taasoo macneheedu yahay, dadka yaaney u wada sinnaan malahaaga, hadba kan Allah ku kalsoon, adigana ku kalsoonoow, taaso qudha ayaa laga yaabaa iney aakhiro ku shafeecdo Allah agtiisa.

 

 

Walaal wiilasha qoryaha wata wey fakareen, wexey la noqotay in aan heshiis waara lagu gaadhi karin, kalsooni buuxdana ayan soo noqon karin ayadoo shisheeye ay arrinta maleegayaan kana dambeeyaan heshiis la'aanta iyo cadaawaha la dhex dhigay walaalha Somalida.

 

Hadaba, ra'yigaaga ah in ururka culimada oo Sheikh Bashir afhayeen u yahay oo macquulka ah la raaco, anigu waa ila fiican tahay, laakin, waxaa shardi u ah in talada culimada sidey tahay loo fuliyo, taasooy ugu soo horreyso, in ciidamada colooshood u shaqeystayaasha Afrikaanka laga saaro waddanka, shisheeye kalena, marna ayan soo dhex gelin iney xalliyaan mushkiladda Somalia, saa ayagaa abuurayee.

 

Haddey qolyahan shisheeyaha uu xukunka u dhiibtay ay aqbalaan in talada Ururka Culimada oo qudha la wada raaco, waxaan shaki ku jirin in dhiigga joogsan doono, laakin sidaan uga bartay raggan uu shisheeyuhu soo barbaariyey, lagama yaabo iney aqbalaan talada Culimada oo qeexan, igu soo bar Xiinow, sidaa darteed waxaan ku oranayaa raggaas: " Faqad Kaddabtum, fa sawfa yakuunu lizaamaa"

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nur:

Akhi Xiin

 

Xiinow, marka hore, malaha u wanaaji dadka hadba intey ayagu malaha Allah ku wanaajiyaan, taasoo macneheedu yahay, dadka yaaney u wada sinnaan malahaaga, hadba kan Allah ku kalsoon, adigana ku kalsoonoow, taaso qudha ayaa laga yaabaa iney aakhiro ku shafeecdo Allah agtiisa.

 

Waa talo fiican. Qaatay. Runtiina saan u naqdiyyo waan uga calool fayyoobahay.

 

Originally posted by Nur:

 

Walaal wiilasha qoryaha wata wey fakareen, wexey la noqotay in aan heshiis waara lagu gaadhi karin, kalsooni buuxdana ayan soo noqon karin ayadoo shisheeye ay arrinta maleegayaan kana dambeeyaan heshiis la'aanta iyo cadaawaha la dhex dhigay walaalha Somalida.

Maanta wiilashu waxay u muuqdaan inay dagaal u heellanyihiin oo ayna maslaxo marna doonayn. Wax kale iska daayyee waxay diideen inay culumadda xattaa la fariistaan. Waxaad mooddaa inay iyaga hadda ugu badiso in shisheeyuhu sii joogo, li anna iyadoo laga shirayyo sidii shisheeyye ku bixi lahaa bay waxay muujiyyeen hadduu baxo inaysan cidna wax u ogeyn una ogalyn, culumo iyo caamo.

 

 

Originally posted by Nur:

Hadaba, ra'yigaaga ah in ururka culimada oo Sheikh Bashir afhayeen u yahay oo macquulka ah la raaco, anigu waa ila fiican tahay, laakin, waxaa shardi u ah in talada culimada sidey tahay loo fuliyo, taasooy ugu soo horreyso, in ciidamada colooshood u shaqeystayaasha Afrikaanka laga saaro waddanka, shisheeye kalena, marna ayan soo dhex gelin iney xalliyaan mushkiladda Somalia, saa ayagaa abuurayee.

 

Walaal miyaadan waaqica soomaaliyya ka jira war u hayn? Yaa diiday culomadda warkeeda, yaase soo dhaweeyey? Yaa xabadda wada, yaase leh halloo kaadiyyo oo hala wada hadlo? Meeday caddaaladii yaa Nur? Mawqifka ah inay shisheeyuhu baxaan waa mawqif saxiix ah oo dad badan oo somaliyeed qaban. laakiin arrinta thaahirada cusub ahi waxa weeyye in dhalinayradu dhiigga dadka iska fududeysteen, dagaalkuna la sahlanyahay iyadoo aysan u aabbe yeelayn cawaaqibtiisa. Talada culumadda hal dhinac ma fulin karo. Aakhirka dadka waxaa lagu qasbayyaa inay is difaacaan, taasoo anigu aan mafsado u arko.

 

 

Originally posted by Nur:

Haddey qolyahan shisheeyaha uu xukunka u dhiibtay ay aqbalaan in talada Ururka Culimada oo
qudha la wada raaco, waxaan shaki ku jirin in dhiigga joogsan doono, laakin sidaan uga bartay raggan uu shisheeyuhu soo barbaariyey, lagama yaabo iney aqbalaan talada Culimada oo qeexan, igu soo bar Xiinow, sidaa darteed waxaan ku oranayaa raggaas:
" Faqad Kaddabtum, fa sawfa yakuunu lizaamaa"

Mar labaad, ma la socottaa waxa dalka ka jira, walaal? Mise sidaad jeceshahay baad qoraysaa? Dawlada Shariif waxay muujisay dabacsanaan ay u dabacsantahay Culumadda. Bil xaqiiqah Sh. Bashiir ayyaaba sidaa yiri. Maanta Sh. Umul baa la mawqif ah. Sh. Sharif Cabdi Nur baa taageeray. Sh. Faruq baa la safan. Haddayse culumadu ku daalaan oo ka insixaabaan dhexdhexaadinta waxaa sabab u ah waa dhalinyarrada iska yaacayya een waxba xerinayn.

 

Sharif waa nin aan idaaro badan aqoon. Aragti siyaasi ah oo saliim ah buuse huwanyahay. Maslaxadu waa in la isaga la dhil-dhilo oo la taageero. Labaatankii sano ee lasoo dhaafay wixii soo baxaba iin baan u yeelaynay, wax ba'a mooyyee wax haggaaga lama ilaa maanta lama arko. Labo sano wax badan kama harin, berri weeyye haddii ilaahay cimri nagu gaarsiiyyo.

 

Adiga Sh. Nur xil baa ku saaran ee taageer Sharifka. Toosi hadduu qaldamo, laakiin wiil hooyadii irmaantahay oon culum ogelayn taladiisa ka bax, qabashu leeyahay ee taageero kugumo leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Xiin walaal

 

Waxaad qortay:

 

Maanta wiilashu waxay u muuqdaan inay dagaal u heellanyihiin oo ayna maslaxo marna doonayn. Wax kale iska daayyee waxay diideen inay culumadda xattaa la fariistaan. Waxaad mooddaa inay iyaga hadda ugu badiso in shisheeyuhu sii joogo, li anna iyadoo laga shirayyo sidii shisheeyye ku bixi lahaa bay waxay muujiyyeen hadduu baxo inaysan cidna wax u ogeyn una ogalyn, culumo iyo caamo.

 

 

Walaal, haddii aan ka bilowno heshiska labo qolo is khilaafsan, waa iney ka bilaabataa inaan labada qolo sinno, ooy u sinnaadaan cadaalada. Haddaad marka horeba taageersan tahay Shariif, anigana aad igu guubaabineysid inaan taageero waxaa ii muuqata inaadan wax dhexdhexaadinaynin. Sidoo kale, culimada sida tooska ah u taageeray Shariif Dowladdiisa ayagey u taallaa, laakin waxaa jira Culimo kale oon taageerin, qaar kalena talo ka ma dhiiban, oo wexey dhowrayaan meeshey arrintu la marto Shiikha iyo meeshey ku dhammaato.

 

Walaal, waddanka waxaa taladiisa leh Allah SWT, hadba, qofkii u dhow talada Allah ayaa ku habboon inuu waddanka u taliyo. Hadduu Shariif daacad Allah u yahay, oo uu wanaag doonayo wajiga Allah u khaalis ah, waxaan shaki laheyn in heshiis uu dhici doono, saa Allah ayaa ballan qaaday " Wa in yuridaa islaaxan yuwaffiqillaahu beyna humaa" " Haddey doonaan heshiis, Allah ayaa is waafajin doona.

 

 

Waxaad qortay:

 

Walaal miyaadan waaqica soomaaliyya ka jira war u hayn? Yaa diiday culomadda warkeeda, yaase soo dhaweeyey? Yaa xabadda wada, yaase leh halloo kaadiyyo oo hala wada hadlo? Meeday caddaaladii yaa Nur? Mawqifka ah inay shisheeyuhu baxaan waa mawqif saxiix ah oo dad badan oo somaliyeed qaban. laakiin arrinta thaahirada cusub ahi waxa weeyye in dhalinayradu dhiigga dadka iska fududeysteen, dagaalkuna la sahlanyahay iyadoo aysan u aabbe yeelayn cawaaqibtiisa. Talada culumadda hal dhinac ma fulin karo. Aakhirka dadka waxaa lagu qasbayyaa inay is difaacaan, taasoo anigu aan mafsado u arko.

 

 

Walaal, Culimadu waa badatay baryahan, isku aragtina ma aha. Markii Culimada ay qaraarkii soo saareen in Ciidamada tiradooda aheyd 2000 ay baxaan, Shariif wuxuu dalbaday in loo soo kordhiyo, hadda waxaa waddanka ku sugan 4000, marka waxaa iga su'aal ah, sidee kalsooni ku dhici yaa akhii?

 

 

Walaal waddanka waxa ka dhacay aad baan ula socdaa. Waddankaan warkiisa hayo waa kala qaybsan yahay, qayb waxaa ka taliya Gumeysi , sameystay Dowlad u dabacsan danahooda, kuna dhiirran danaha walaalahood. Qaybta kalena waxaa ka taliya dhallin yaro ka xoreeyay waddanka cadowga gumeystay waddanka labada sanadood, oo riday Dowladdii Maxkamadaha oo ummadda ku aflaxday.

 

 

Walaal, Shariifkii jahaadka ku dhawaaqay oo dagaal geliyey dhalin yaro badan, oo qaar ku guuleysteen shahaado, oo dabadeed, intuu hoggaamin lahaa dhallin yaradaas isaga baxay waddanka, kana maqnaa laba sanadood oo uu dagaal ba'an lagula jirey gumeysiga xabashida, inuu maanta, meel kala soo jeesto raggii keenay gumeysoga, waa nasiib xumo, laakin diintan rag bey leedahay, Allahna wuxuu u ballan qaaday qofkey ka dhab tahay inuu Allah u gargaaro, in asgana Allah uu u gargaari doono.

 

Hadaba, maalmaha soo socda aan dhowrno, wax badan baa caddan doona, inshAllah.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Nur,

 

Culumadu waa badantahay. Laakiin culumadu isku mustawa maaha, isku ixtiraamna dadka kama wada haystaan. Anigu culumadaan aqaanay wax macquul ah bay la shir yimaadeen kuna taliyyeen. Culumadda iyadu iska aamusan hadda dawr ma leh, oo waxa ay la aamusanyihiin Alaah baa yaqaan.

 

Nimankan dhalinyarada ah yaa u culumaa? Illeen culumadii aan anagu naqaanay diidee?

 

Sharif ma aha nin nagu cusub. waa nin la yaqaanno oo la qiyaasi karo xumihiisa iyo sammaantiisaba. wixii u qarsoon ilaah baa og, laakiin waa siyaasi macquul ah. Maaha nin caalim ah maanta fatwo bixinayya wuxuu taa u daayey culumada soomaliyeed. Iyaguu dawrkaa siiyey.

 

Dalku soomaaluu u qaybsan yahay ee gaalo uma qaybsanna. Xaqiiqadu waxa weeyan inay soomaali colaadii iyo dagaalkii ku raagay awgii qoloba dhan u dhaqaaqday. Inay sii kala maqnaadaan waxaa saacidayya dawladda dhexe een la hayn. Waxaa fudud in suldho lagu yeesho somaalida maanta waayyo waa dad kala firirsan, dhalinyaradu hadday xoog inay kusoo celiyyaa waa danbaan iska waraysanaynaa meesha ka dhacdo, haddii ilaah idmo. Waa xikmad darro weyn runtii in qofku qoriga caaradiisaa aamino, oo usluub kastoo kale tuuro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaale Xiin

 

Waxaa iga su'aal ah marka hore, Dowladda Shariif, Maxey ku saleysan tahay? Ma Sharciga Allah ayey ku saleysan tahay si ay ummadda oo dhan waajib ugu noqoto iney taageeraan, mise wexey ku saleysan tahay qaanuunka qurumaha midoobay, iyo citiraafka Xabishada, Mareykanka iyo wixii soo raacay?

 

Haddey Dowladda Shariif ku saleysan tahay Shareecada Allah, kulligeen waxaa na saaran waajib iyo amaano inaan adeecno, u gargaarno, xafidno nafteenna iyo maalkeennana u hurno ilaalinteeda.

 

Haddey ku saleysan tahay Nadaamka Caalamiga ah, ooy jiritaankeedu ku saleysan yahay qaraaraadka duwaliga ah, Waxaa is weydiin leh:

 

1. Somalia Ma Somali Baa leh, Mise Qurumaha Midoobay?

 

2.Yaa Xaq U Leh In Masiirka ( Meeshay Umaddu U Socoto aka Self Determination) Umadda uu qaraar ka gaaro?

 

Haddii loo ogolaado in Qurumaha Midoobey iyo Mareykan ay xaqaas leeyihiin. markaas wexey Dowladda Shariif ku leedahay ilaalin qolyahaas siiyay Siyaadada Waddanka Somalia, iyo citiraafkaas. Sida Muuqatana, ciidamada Afrikaanka ee waddanka hadda ku sugan wexey ku joogaan iney Siyaadada siiyaan Dowladda Shariif maxaa yeelay ma aqbalayaan iney qolyahan dhallin yarada qaybta ballaraan waddanka gacanta ku haya ay Siyaadada waddankooda qabtaan cabsi ay ka cabsanayaan Diinta Islaamka ah oo baryahan dagaal ba'an lagula jiro.

 

Hadii marka Siyaadada uu sheeganayo Shariifka ay tahay mid ay difaacayaan qolyo ay ku jiraan qoladii ridday Dowladdii Maxaakimta oo umaddu ka nasatay, dabadeedna labo sanadood umadda laayey, ma wexey kula tahay Xiinoow in ay qolyahaas hadda ay ka talinayaan wanaagga Somalda, mise danahooda ayaa galay iney taageeraan Shariifka oo ay kala jabiyaan walaalihii shalay ka soo wada jeeday hal jabhad oo mideysan oo gumeysiga lawada dirirayay?

 

 

Walaal, Allah wuxuu noogu sheegay Quraanka in qofkaadan isku millad aheyn uusan kaa raalli noqoneynin, waxaa hubaal ah, iney hadda kala dooranayaan hadba kii ay is leeyihiin danahiinna ayuu idiin dhaweyn karaa, kala doorashadaasna, wexey keeneysaa iney kala jabaan, iyaga cadow isu noqdaan, ay markaas daciifaan, oo mar labaad si sahlan talada looga wada qaado.

 

Marka, waxaa na hor yaalla Afar talo:

 

1. IN LA MIDOOBO OO LA WADA RAACO DOWLADDA SHARIIF

 

2. IN LA MIDOOBO OO LA WADA RAACO DHALLIN YARADA

 

3 IN LA DAGAALLAMO, OO QOLADII REYSA REERKA U HARTO.

 

4. IN QOLO WALBA AY XUKUNTO INTAY HADDA FARAHA KU HEYSO OON LA IS COLAADIN INTII ALLAH FARAJ KA FURAYO OO UMMADDU KA GAADHO HESHIIS.

 

Haddii Shariif la wada raaco, wuxuu ummadda hoos keenaya maamulka caalamiga ah, waxaana umadda lagu qasbi doonaa qaraaraadka Qurummada Midoobay oo ku tiirsan Millada Cilmaaniga (Waxaa dhici doonta in xuquuqda raga-isu-galma lagu qasbo Baarlamaanka), taasoo haddii mar la aqbalo in la hoos galo, ay tahay in qumaati looga baxay Milladii Nabi Ibraahim oo bari ka aheyd iney hoos imaato Awood ama Siyaado aan Allah aheyn. Lagamana yaabo Shariif inuu helo gargaar, ama Citiraaf caalami ah, hadduusan aqbalin inuu fuliyo qaraaraadka qurummada midoobay, marka arrinta ugu muhimsan oo umadda maanta hortaalla oo u baahan in ummadda loo caddeeyo waxaa weeye:

 

Yaa Gargaar Laga Doonaa? , Somalia ma u baahan tahay inay Qurumaha Midoobay Xubin Ka noqoto? Taasi Waa talo u baahan in aad looga fiirsado.

 

Haddii talada labaad la wada hoos yimaaddo, waxaa dhab ah, in Qurummada Midoobey ay citiraafi doonin dhallin yarada, haddey taasi dhacdana, Somalida wexey noqon iney ku qasbanaato iney isku fillaato iyada dhaqaala ahaan, runtiina, waddanku haddii dadkiisu is caabbiyaan wey awoodaan iney soo saaran dhaqaale ku filan, arzaaqdana Allah ayaa qaybiya, cirkeyna ka timaaddaa " Wa fis Samaa i Rizqukum, wa maa tuucaduun"

 

Talada Seddexaad haddan raacno, wax cusub ma ah, waana la huba ineyan kheyr keeneyn, sidaad u sheegtay, umaddu dagaal hore oo sokeeye ayaa soo dhex maray, tasna sidaan isla ognahay waxaa ka dambeeyay qabqableyaalka dagaal oo u wada shaqeyn jirey Xabashida, waddankana ku soo hoggamiyey dad badanna mar labaad ku laayey madaafiicda xabashida. Qolyahaas maanta wexey xubno ka yihiin Dowladda Shariif, marka waxaa iiga muuqata in wada jirka waddanka iyo midowga ummadda ay khattar u yihiin raggii hore, oo loo baahan yahay rag nadiif ah, oo aan dambi ka galin waddanka iyo umadda.

 

Dhallinyarada ayaa maanta u nadiifsan xagga qabyaaladda, isla markaas suuro gelin kara midnimadda umadda, Koofur iyo Woqooyi, ama Galbeed iyo Bari, sidaa darteed, waa in lagu taageero dhallinyarada wanaagga ay umadda u horseedeen oo ah in dadku Allah ku walaaloobaan.

 

 

Anugu qof ahaan waxaan hadda qabaa iney xikmaddu ku jirto talada Afaraad oo ugu dambeysa, in labada qolo lakala ilaaliyo ineyan isku dhicin, dhiigna la daadinin, oo qolo walba waqtiga xaadirka ah ay ku ekaato iney xukunto dhulkeeda, kuna xukunto aragtideeda.

 

Waxaa taladaas xasilloon oo kale lagu Xukumay waddan Jarmanka Federaaliga ah markii labada Jarmal loo kala qaybshay SHUUCI iyo RAASUMAALI, ugu dambeystiina meel bey isugu biyo shubteen oo hadda waa waddan mideysan.

 

 

Waxaannu taagan nahay isgoys taarikheed, qof walboo Somali ahna gooni buu Allah u hor istaagi doonaa maalinka qiyaame, wuxuuna ku nabad gali doonaa oo qura inuu Allah uu Rabbi ka dhigtay intuu dunida ku noolaa ( Rabbi af carabiga macnihiisa waa kan dadka arzaaqda siiya , nolol iyo geerina u haya)

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Dhallinyarada ayaa maanta u nadiifsan xagga qabyaaladda,
isla markaas suuro gelin kara midnimadda umadda, Koofur iyo Woqooyi, ama Galbeed iyo Bari
, sidaa darteed, waa in lagu taageero dhallinyarada wanaagga ay umadda u horseedeen oo ah in dadku Allah ku walaaloobaan.

Waxaannu taagan nahay
isgoys taarikheed
, qof walboo Somali ahna gooni buu Allah u hor istaagi doonaa maalinka qiyaame, wuxuuna ku nabad gali doonaa oo qura inuu Allah uu Rabbi ka dhigtay intuu dunida ku noolaa

Allahu Akbar. Walle waa hadashay Shaykhuna Nur, kalimatul Xaqqi weliba, fahal min musmic ? Zaadakallahu cilman waa camalan waa yaqeenan raasikh.

 

Laakin waxaad ogaataa ninka aa la hadlaysid, walaal-keen Xiin, inay ku dhacthay baryahaan dambe jah-wareer oo xun, oo ku kaliftay inoo axkaam'ta Ilaahay iyo Sunnada Nabiga oo gadaashees ku tuuro, markaas oo kor oo qaado dhaqan-ka, fikradaha, iyo mafaheem'ta Reer Galbeed'ka(waana meesha uu ku sugan yahay).

 

Shaykhuna, hadee aa uu soo dabaal-dagtid Golaha Politics ee SOL, waxaad maqlaysaa asagoo aad oo difaacaayo nithaam'ka 4.5 oo qabiil ku dhisan. Waxaaad kele arkaysaa asagoo nithaam'ka xaaran-ku-nax oo Puntland sidaas oo kale oo difacaayo. Munaafiq kasto, wa kulu naaciq waa faasiq, asagoo taageersan oo difaacaayo aa arkaysaa. And what is the sole flimsy basis for his shameful positions ? Culumada aa sidaas daheen. Abdulkadir Gacamay aa sidaas yeri. Umal aa sidaas yeri. Bashiir aa sidaas yeri. Intoo ka kor tilaabsaday ayaada "Hathaa Kitaabuna yandiqu baynakum bil Xaq" boo waxuu daleel waahi iyo waahim ka dhigtay qowl-ka bashar miskeen ah.

 

Marka, walaal-keen Xiin baryahaan dambe museebu culus aa qabsatay, ilaahay hanoon'ka iyo sawaab'ka iyo xaq'qa ha ku soo celiyo. Rab'banaa laa tuziq quloobana bacda ith hadaytanaa. Yaa muqalib al-quloob thabit quloobana calaal Xaq'i waa itibaac sunatak Nabiyaka wa cibaadak al-saalixoon. Aamin.

 

Xaq'qa woo cad yahay, waa noor'an ablaj. Ninkee ka leex-leex'tho oo Is-Qancis iyo sheeko bararaleey xigsado waa asaga iyo meeshu oo is-geeyo. Laakin hadaanu nahay Umada Soomaliyeed oo Xalaasha ah, Xaq'qaas baan ku noolaanaynaa........ .waana ku dhimanaynaa. Bi'cizzi cazeez wa bi thuli thaleel.

 

Inshallahhu tacaalaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallee Ilaahey xikmad iyo caqli saliim ah waaku maneystay walaalkeen Sh. Nur. Waxaa waanno iigu filnaatay jawaabihii uu siiyay walaalkeen xiinfaniin.

 

Mowduucaan iyo dooda taagan maanta ayaa runtii waxay ku sifeysan tahay labada dhinac ay kala taagan yihiin walaalaheen(Nur iyo Xiin) oo mushtamaca soomaaliyeed badankiis ay heystaan qadiyadda uu Sh. Nur ka sharqamiyay. Runtiina, marka laga soo tago diinteena waxa ay ka leedahay arimahaan, xitaa caqliga markii loo bandhigo arimahaan, waxay noqoneysaa in fakarka ah wax halagu badbaadsho 4.5 uusan aheyn mid shaqeyn kara, oo xitaa markii la isku dayay uu shaqeyn waayay si kastoo la iskugu dayay in shaatiyo kala nooc ah loogu galsho.

 

Mushkilada Soomaaliya heysata waa cadow shisheeye oo faragalin nooc walba leh ku haya ummadda. Waxaa labeysa arintaas waa in yar oo aan raad badan ku laheyn shacabka soomaaliyeed oo isku sheegta iney masuuliyiin ama horjoogayaal qabiil yihiin. Kuwaas waan ka dharagsan nahay maanta darajada ay shacabka dhexdiisa ku leeyihiin.

 

Hadaba aniga waxaan qabaa in maanta fursad weyn ah la hayo, oo wadanka diinta Islaamka lagu xukumo, isla markaasna aan loo aabayeelin oraahda raqiiska ah ee kasoo yeereysa wuxuu walaalkeey Nur ku tilmaamay "Qurumaha Midoobay" sababtoo ah kuwaas ma garanayaan xalkeena, mana rabaan inaan hal habeen xitaa aan wanaag ku barino.

 

Qaadashada Kitaabka waa isku duubni, horumar iyo shacabka oo iskutashada fakar iyo wax wadaqabsi buuxa. Waxay naga kaafineysaa fikirka shisheeye inaan mardanba weeleyno, waxay noo horseedeysaa inaan cududeena iskugu geeno sidaan cashar lama ilaawaan ah uga qaadeyn laheyn mugdigii 18-ka sano oo aan iska jirno qiyaanooyinka cadowga.

 

Waxaan rabaa inaan weydiiyo Xiinfaniin, hadii uu caalamka wanaaga Soomaaliya rabo iyo in dowlad iyaga u fiican meesha ka dhalato, maxay ugu yaraan nacfi ama maalgalin u qalanta ugu beeli waayeen dowlad ku-sheega 4.5, oo Ciidanka AMISOM maxaa loogu badali waayay kuwa Soomaaliyeed, oo loogu qasbi waayay SL, PL iyo urur goboleedyadaas kale iney qeyb buuxda ka noqdaan 4.5 ka Sh. Shariif hadii kale ay noqonayaan argagixiso?

 

Koleey meesha dowladi ma jirto, siduu sheegay Sh. Nur, laakiin waxaa is weydiin mudan xikmada ka danbeysa in la taageero nidaam qaldan oo hadii la isku dayo in la dabaqo aan loogu fadhin inuu natiijo fiican soo saaro.

 

Jawaabta quseysa al-shabaab ee uu Xiin soo waddo ganbar ayaan ugu fadhiyaa... ee halkaas kasii wada dood cilmiyeysan oo aan axkaamta ku xadgubeynin, Inshallah.

 

Ugu danbeyntii, Salaan qaali ah iga gudoon Sh. Nur, Ilaahey haku xifdiyo adduun iyo aakhiro, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nur:

Anugu qof ahaan waxaan hadda qabaa iney xikmaddu ku jirto talada Afaraad oo ugu dambeysa, in labada qolo lakala ilaaliyo ineyan isku dhicin, dhiigna la daadinin, oo qolo walba waqtiga xaadirka ah ay ku ekaato iney xukunto dhulkeeda, kuna xukunto aragtideeda.

 

Waxaa taladaas xasilloon oo kale lagu Xukumay waddan Jarmanka Federaaliga ah markii labada Jarmal loo kala qaybshay
SHUUCI iyo
RAASUMAALI
, ugu dambeystiina meel bey isugu biyo shubteen oo hadda waa waddan mideysan.

 

 

Nuurow,

 

Anoo daali raba, oo maagan inaan alshabaab qeexo, oo kala dhig-dhigo, anoo ku xadgudbeyna dadka u mariyyo dhaliilahooda, ayyaan arkay dhorka sadar ee aan kor ku xigtay ee aad adigu qortay. Runtii waxaan u arkaa inay sadarradaasi yihiin horumar weyn oo doodeennu samaysay. Waa fikir aan weligay qabay, xalna noqon kara labada sanno ee dawladan haysatto.

 

Si ayse muwaafaqadeennu macno u samayso, bal noo sheeg xuduudaha aad aragto eed rabto in lakala joogo?

 

Aniga waxaa ii muuqday in alshabaab loo daayyo dhulka magaalada Marka xamar u xigto, Kismayona ugu shisheyso, maantana Baydhabo saldhiga u tahay.

 

Sheekh Shariif iyo dawladiisa waxaa ii muuqatta inaan lagu arbushin Xamar ila magaalada Beledweyne lagu qabsan oo looga haro sheekha. Hase yeeshee waxaa fahamkaa iyo taladaa ka soko maray wiilashii oo aan xuduud iyagu aqoonsanayn, oo raba meelahay maalin ka dirireenba inay sheegtaan oo waxay diidanyihiinba dagaal ku caaridaan.

 

Intaanan ka hordhicin, bal noo sheeg yaa ustaad, xuduudaha aad Sh. Shariif u ogoshahay iyo kuwa aad alshabaab u qoondaysay.

 

Lubnaan waxay ka mid tahay meelaha hab sooc siyaasadeed oo noocaasihi ka hirgalay, dagaalkii sokkeeyanna lagaga gudbay.

 

Ha hilmaamin ujeeddadu waa in la joojiyyaa somalida dhimanaysa, ee ama dayyaca iyo cudurka u dhimanaysa ama xabadda micno darrada ah u dhimanaysa.

Ogow Nuurow wax badan oon aan khilaafsanahay oo hadalladii ku jirey baan iska daayey waayo doodda nuxurkaa laga raaca. Nuxurkiina wuxuu noqday inaad xal doon tahay ee aadan lahayn halakala adkaado sida rag qaarkii.

 

waa ku kaa Nurow

 

Alle u baahane,

soo dhawoow adeer.

 

 

Kashka,

markaad hadashaba waad iga qoslisaa wallaahi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Anoo daali raba, oo maagan inaan alshabaab qeexo, oo kala dhig-dhigo, anoo ku xadgudbeyna dadka u mariyyo dhaliilahooda, ayyaan arkay dhorka sadar ee aan kor ku xigtay ee aad adigu qortay.

Waxaad hayso soo daay, abti. Ama jeclow ama nac, Al-shabaab waa mustaqbal keliya oo furan umada soomaliyeed oo xalaasha ah. Waa niman'ka kaliya maanta Somaliya jooga oo ka fiyoow cudur'ka qabyaalada. Don't forget your Shaykh Janaqow's infamous statement: "Xamar waxa dagaal'ka ka wado waa ajaanib oo beelahooda soo cayriyeen." Niman qabiil ilaah ka dhigtay baa taageersantahay, taas'na weligaa lagaama yeelaayo ee wax kale la imow.

 

xalna noqon kara
labada sanno ee dawladan haysatto

Su'aasha oo mudan in la isweydiiyo waa: TFG'da(Tigray Founded Government) yaa dowlad ka dhigay ? Yaana ictiraafay ? Yaa fund-gareeyo ? Yaa soo dhisay ? Yaa taakuleeyo ? Intaas oo su'aalood markee laga jawaabo waxaa soo if-baxayso inaysan dowlad-ku sheegaan ahayn dowlad balse tahay shirqool ay soo qobqobayeen Ethiopia, Maraykanka, iyo wexi Islaam la dagaalsan.

 

Marka eryga 'dawlad' aaba qaldan isticmaalkeesa when referring to the TFG. Erey-ga sax waa: Dowlad-ku sheega. Al-Dowla Al-mazcoomah. Waayo shacbiga soomaliyeed kuuma ictiraafsana inaa dowlad tahay, kumana ogola.

 

Hase yeeshee waxaa fahamkaa iyo taladaa ka soko maray wiilashii oo aan
xuduud iyagu aqoonsanayn
, oo raba meelahay maalin ka dirireenba inay sheegtaan oo waxay diidanyihiinba dagaal ku caaridaan

Exactly. Wax oo xadood aan aqoonsanahay ma jirto. Dowlad-ku sheega moooriiyaanteeda meel walbo ay joogaan waa lala dagaaltamaa ilaaa laga tir-tiro dhulkayagu oo dhan, ka soo bilow Kismaayo ilaa Zeylac iyo inta oo dhaxayso-ba. Ma maqashay weligaa: As-Sayfu asdaqu anbaa minal kutub

Ogow Nuurow wax badan oon aan khilaafsanahay oo hadalladii ku jirey baan iska daayey

Wax'ba ha gambanin, wexii aa fikrad aa haysid soo daa. Hadee aa saxsantahay, fal'xamdulilah. Hadee aa qaldan tahay, waalagu toosinaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Baarkallahu Feek, Akhi Xiin

 

Sidaad u haleeshay, dhiig joojinta ayaa ugu mushimsan waqtiga xaadirka ah. Dabadeed, waxaa furmi kara wada hadallo walaalaha isugu soo dhawaadaan inshAllah.

 

Xiinow, inta aan la sameyn soohdimo ( Borders) kala qaybisa qolyaha iska soo horjeeda, waxaa ila quman in la doorto guddi dhexdhexaadiya ooy labada qoloba ku kalsoon yihiin, oo ka koobma Culimada Somaliyeed, Madaxda qolyaha ku loollamaya hoggaaminta umadda..

 

Si marka kalsoonidii loo soo celiyo, waa in wax waliba sidey ahaan jireen Dowladdii Maxaakimta lagu soo celiyaa, UNDO, maxaa yeelay, Xabashida iyo khaaimiintii waddanka soo geliyey waa ineyan marna ka faaideysan fara gelinta Xabashida, iyo Calooshood u shaqeystaaysha Afrikaanka, oo markaas ayan ku helin matalaad, maxaa yeelay, khiyaanada waddanka abaalgud ma laha, ee ciqaab baa lagu muteystaa.

 

Waddanku Markey Maxaakimta Hayeen waxaa afhayeen u ahaa Shariifka, waxaa Dusha Ka xukumay Sheikh Daahir, waxaa ciidan u ahaa Dhallin yarada iyo ciidamada maxkamadaha ku gaarka ah.

 

Waxaa aasaas u ahaa kacdoonkaas oo dhan in waddanka lagu xukumo Shareecada Islaamka.

 

Hadaba, heshiis waara wuxuu ka bilaaban karaa in meeshii la joogay December 2006, laga soo bilaabo mar labaad si howlahii Mareykanka iyo Xabashida ka dhexgaleen ay u dhameytiraan.

 

1. Shisheeye waddanka waa ineyan joogin.

 

2. Waa in la soo celiyaa guddigii Maxaakimta oo ka koobmay Maxkamdaha, iyo Dhallinyarada u gurmatay.

 

3. Waa iney meeshii ka sii wadaan nabadda, ooy dajiyaan Dastuurka Dowladda Islamiga ah ee Somalia.

 

4. Waa iney Maxaakimtu noqotaa hey'ad ka madax bannan Dowladda ( Independent Judiciary)

 

5. Waa iney Maxaakimtu yeelataa ciidan ilaaliya Sharciga Allah iyo amniga waddanka, ciidankaasna waa inuu hoos yimaaddaa Maxaakimta.

 

6. Waa in markaas ay Maxaakiimtu doorataa Majlisu Shuraa.

 

7. Waa inuu Majlisu Shuuraa doorto Xaakimka waddanka Xukumaya.

 

8. Xaakima waddanka oo heysta awoodda ay siiyeen Majilisu Shuuraa waxaa markaas sugeysa inuu waaqica jira uu wax ka qabto.

 

Waaqica Maanta Jira

 

Waddanku Wuxuu hadda u qaybsan yahay dhowr Qaybood:

 

1. Qayb Sheegatay iney Somalia Ka goosatay. Somaliland, Shariif ilaa iyo hadda faraha ayuu ka qaadey, wax ku qasbaya Somaliland iney Shariif hoos imaato ma jiraan.

 

2. Qayb sheegatay Dowlad hoose, laakin ogol Xukun Federaali Puntland

 

3. Qaybo kala duwan oon aan weli hal qolo u sugnaan, oo hadba qolo qabsato.

 

4. Caasimadda Muqdisho iyo agagaarkeeda oo intii ay Xabashida ka baxday aan weli qolona wada sheeganin, haseyeeshee la wada joogo, ahan meesha u baahan in soohdintii aad sheegtay ( Beirut Green Line) oo kale laga sameeyo.

 

Koofurta Somalia, Kismaayo iyo Baidhabo iyo inta labada webi u dhexeysa ilaa Xuduudda Kenya/Xabashida, waxaa hadda gacanta ku haya dhallinyarada Kacdoonka ah.

 

 

Haddii Culimada ay xooggooda saaran hal arrin, dhiig ma daadan doono inshAllah:

 

1. Inay sameeyaan INSTITUTION umaadda ku kalsoon tahay sida Urur ay u dhan yihiin Culimada Somalia oo dhan, oon qolona ka maqneyn.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this