Sign in to follow this  
NASSIR

PEACE CUP: A grand regional soccer tournament kickstarts in Dhahar, Haylaan (w. pics)

Recommended Posts

NASSIR   

Teams

 

Premier Teams....

 

1. Golis

2. Telecom Puntland

3. New Galgala

4. White House

5. SPR

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

KOOBKA NABADA OO KA FURMEY DEGMADA DHAHAR EE XARUNTA HAYLAAN

 

 

Dhahar (SPR): Munaasabada Koobka Nabada oo ah koob loogu talagalay kooxaha heerka koowaad ee gobolka Haylaan isla markaana ay soo abaabushey maalna galineysa Idaacada Somali Public Radio (SPR) ayaa waxaa munaasabadiisa maanta xadhiga looga jarey xarunta gobolka Haylaan ee degmada Dhahar. Waxaa kasoo qeyb galay koobkan madax ka mid ah madaxda Puntland heerar kala-duwan, hay'ada maxaliga ah, ururada bulshada gobolka, iyo bulshaweynta kala duwan. Waxaa koobkan ka qeyb qaadan doona kooxaha heerka koowaad ee kala ah (Golis, Telecom Puntland, SPR, White House, iyo New Galgala).

 

SPR

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Totally agrer with you, AbdiKhadar. Address the injustice and corruption schemes and strengthen our civil society organizations.

This cup, if held annually with the right voluntaty contribution, will help generate peace & stability.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Tuesday, July 12 2011

MAQAL IYO MUUQAAL: Cayaarihii ka socdey Haylaan oo soo gabagaboobey iyo xaflad heersare ah oo loo qabtey.

Written by Naciimo Muuse Cilmi

Source: www.spr.fm

 

spr_sports_16.jpg

 

 

Dhahar (SPR): Waxaa maanta lasoo gabagabeeyey koobkii Nabada iyo isdhexgalka Bulshada kaasoo lagu qabtey garoonka ku bada cagta ee magaalada Dhahar. Koobkan ayaa waxaa soo abaabuley isla markaana maalgaliyey idaacada SPR oo ka shaqeysa hormarka bulshada Soomaaliyeed. Koobkan oo loo qabtey 5 kooxood oo ka kooban kooxaha heerka koowaad ee Puntland oo kala ah (Telecom Puntland, Golis, SPR, White Horse, iyo New Galgala) ayaa waxaa koobka cayaartii finalka isugu soo baxay labada kooxood ee SPR iyo Golis halkaasoo ay koobka ku qaadey kooxda Golis.

 

Waxaa xafladan ugu horeyn ka Hadley agaasimaha idaacada SPR ee xarunteeda Dhahar *Jaamac Nuur Muuse ayaa faahfaahiyey cayaarihii looga magac darey Nabada iyo is dhexgelka Bulshada oo ka dhacay magaalada Dhahar iyo in ay idaacada SPR u taagantahay hormarka bulshada Soomaaliyeed.

 

Jaamac Nuur Muuse ayaa wuxuu dhaliil usoo jeediyey wasaarada Sportiska ee maamulka Puntland oo markii hore balan qaadey in hadii koobka nabada Dhahar lagu qabto Naadiyada heerka koowaad in ay wasaaradu kaalinteeda qaadaneyso hase yeeshee ay balanqaadkii ka baxdey. Jaamac ayaa sheegey in maamulka uu gobolka Haylaan ka gaabsadey hormarka, nabada iyo isdhexgalka bulshada.

 

Jaamac Nuur Muuse ayaa wuxuu amaan iyo boogaadin usoo jeediyey shirkada Golis isagoo sheegey in ay tahay shirkada kaliya ee Puntland ka howlgasha ooh anti badan ku celisa bulshada deegaanka. Waxaa sidoo kale ka Hadley goobtaasi Yaasin C/waaxid Dhahar oo ka mid ahaa garsoorkii kubada cagta ee koobka Nabada iyo is Dhexgalka bulshada.

Faadumo Maxamuud Yuusuf oo ah gudoomisada ururka Haweenka ee gobolka Sanaag isla markaana kamid ah ururada maxaliga ah eek a jira gobolka Haylaan ayaa ka hadashey hambalyana ujeedisay kooxdii koobka qaadey ee shirkada Golis. Faadumo ayaa sheegtey in shirkada Golis ay ka qeyb qaadato hormarka gobolka isla markaana ku boorisey in ay sii wadaan dedaalkooda.

 

Maxamed Siciid Saalax oo ah tababaraha kooxda New Galgala ayaa sidoo kale goobtaasi ka Hadley isla markaana u hambalyeeyey kooxdii koobka qaadey koobka. Maxamed Siciid Saalax ayaa sidoo kale sheegey in uu isagu yahay reer Bari laakiin Dhahar ay tahay magaaladiisii isla markaana uu kamidyahay macalin loosoo tababarey sportiga waxna uu usoo bartey deegaankiisa ayaa wuxuu aad ugu hambalyeeyey hooyooyinka ka qeyb gaatey koobka isagoo sheegey in ay ugu horeysay gobolka Haylaan meel uu ku arko hooyooyin sportis abaabulaya.

 

Maxamed Siciid Saalax ayaa wuxuu hambalyo u direy sidoo kale Suldaan Sahal isagoo sheegey in ay tahay markii ugu horeysay uu garoomada ku arko nin Isin ah oo kubada daneeya inkastoo uu isaguba nin dhalinyara ah yahay.

 

Maxamed Siciid Saalax ayaa ka codsadey Suldaan Sahal Cabdi Cadde in uu salaadiinta iyo isimada ku shireysa Dhahar uu ka gaarsiiya in aMaxamed Siciid Saalax ayaa sidoo kale hambalyo u direy Garsoorayaashii koobka oo ay kamid yihiin Ugaas Maxamed, C/fataax, iyo Miicaad isagoo sheegey in ay canaantii ay marsiiyeen ka raali galinayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

x-madiino;732544 wrote:
the white house team, lolzzz

They meant it to be White Horse. Typo error lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Ismaciil Cabdi Shabeele
oo ah madaxa shirkada Golis ee gobolka Haylaan ayaa sidoo kale goobtaasi ka Hadley iyadoo ay kooxda Golis tahay naadigii koobka qaadey. Ismaaciil ayaa mahad iyo boogaadin usoo jeediyey idaacada SPR iyo sida ay halkudhig uga dhigeen “Nabada” koobkaasi oo si sharafleh ugu bilowdey uguna dhamaysay.

 

Suldaan Sahal Cabdi Cade
oo kulankan kasoo qeyb galay *isla markaana ah Suldaan dhalinyara ah isla markaana fahansan qiimaha Sportiga ayaa sidoo kale ka hadley ayaa dhalinyarada ku booriyey in ay nabada ka shaqeeyaan iyo hormarka isagoo sheegey in ay wax walba nabada tiir u tahay.

 

Faadumo Maxamuud Yuusuf
oo ah gudoomisada ururka Haweenka ee gobolka Sanaag isla markaana kamid ah ururada maxaliga ah eek a jira gobolka Haylaan ayaa ka hadashey hambalyana ujeedisay kooxdii koobka qaadey ee shirkada Golis. Faadumo ayaa sheegtey in shirkada Golis ay ka qeyb qaadato hormarka gobolka isla markaana ku boorisey in ay sii wadaan dedaalkooda.

 

Maxamed Siciid Saalax
oo ah tababaraha kooxda New Galgala ayaa sidoo kale goobtaasi ka Hadley isla markaana u hambalyeeyey kooxdii koobka qaadey koobka. Maxamed Siciid Saalax ayaa sidoo kale sheegey in uu isagu yahay reer Bari laakiin Dhahar ay tahay magaaladiisii isla markaana uu kamidyahay macalin loosoo tababarey sportiga waxna uu usoo bartey deegaankiisa ayaa wuxuu aad ugu hambalyeeyey hooyooyinka ka qeyb gaatey koobka isagoo sheegey in ay ugu horeysay gobolka Haylaan meel uu ku arko hooyooyin sportis abaabulaya.

 

Maxamed Siciid Saalax ayaa wuxuu hambalyo u direy sidoo kale Suldaan Sahal isagoo sheegey in ay tahay markii ugu horeysay uu garoomada ku arko nin Isin ah oo kubada daneeya inkastoo uu isaguba nin dhalinyara ah yahay.

 

Maxamed Siciid Saalax ayaa ka codsadey Suldaan Sahal Cabdi Cadde in uu salaadiinta iyo isimada ku shireysa Dhahar uu ka gaarsiiya in aMaxamed Siciid Saalax ayaa sidoo kale hambalyo u direy Garsoorayaashii koobka oo ay kamid yihiin Ugaas Maxamed, C/fataax, iyo Miicaad isagoo sheegey in ay canaantii ay marsiiyeen ka raali galinayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this