Sign in to follow this  
Somalina

Codka Haweenka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Somalina   

Haweenka_Soomaaliyeed1.jpg

Sabti, July 02, 2011 (HOL) – Shir socday muddo saddex maalmood ah oo looga hadlayay daryeelka haweenka iyo dhallaanka Soomaaliyeed ayaa Jimcihii shalay lagu soo gabgabeeyay magaalada SAN CASCIANO ee dalka Talyaaniga.

 

Xubnaha shirkaas ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa: wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska DKMG ah Maryan Qaasim Axmed, wasiir u dowlaha macdanta iyo biyaha Khadiijo Maxamed Diiriye, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdsiho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Caasho Cumar Gees-diir iyo dumar Soomaaliyeed oo fara badan.

 

Haweenka_Soomaaliyeed2.jpg

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay urur lagu magacaabo codka haweenka Soomaaliyeed, waxaana qodobbadii ugu muhiimsanaa ee looga dooday ka mid ahaa: daryeelka xuquuqda dumarka Soomaaliyeed oo ay dhibaatooyin badan kala kulma dagaallada ka socda Soomaaliya.

 

Ka-qaybgalayaashii shirka ayaa waxay isku raaceen in dumarka Soomaaliyeed ay door-weyn ka qaataan siyaasadda dalka, iyadoo lagu kordhinayo xubnaha ay ku leeyihiin baarlamaanka iyo xukuumadda.

 

Sidoo kale, waxaa kulanka qodobbadii laga soo saaray ka mid ahaa in dowladda KMG ah lagu cadaadiyo inay ka mid noqoto ururka ICC (International Criminal Court), si dacwado loogu soo oogo dadka dambiyada ka gala Soomaaliya.

 

Go'aannada ayaa waxaa ku jiray in laga hortago guurka gabdhaha da'doodu ka yar tahay 15-sano jirka. Da'da guurka gabdhahana la gaarsiiyo 18-sano iyo wixii ka weyn.

 

Waxaa sidoo kale lagu baaqay in loo digo dadka isku soo biimeynaya doomaha lagu galo dalalka Yurub iyo Yemen, si looga badbaado in dhallinyaro badan ay naftooda ku halaagaan baddaha.

 

Shirkan ayaa waxaa furay duqa magaalada Siena ee dalka Talyaaniga, isagoo soo dhaweeyay xubnaha ka qaybgalay shirkaas, iyadoo sidoo kale uu goobta shirka ka hadlay madaxa iskaashiga caalamiga ah ee deegaanka Siena Gabriele Berni.

Tarsan.jpg

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Tarsan wuxuu kulammo la qaatay madaxdii deegaanka SAN CASCIANO u gudbiyay qoraal codsi ah oo ku saabsan in madaxda gobolkaas ay gacan ka siiyaan maamulkiisa adeegyada ay ka mid yihiin: baabuurta dab-damiska ah, baabuurta lagu qaado qashanka iyo baabuurta gar-gaarka deg-deg ah ee loo yaqaano "Ambulance".

Iyadoo Tarsan uu rajo fiican ka muujiyay in gobolka uu shirka uga qaybgalay uu kaalmo wanaagsan ka geysan karo dib-u-dhiska magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay aad u burbursan tahay.

 

Ugu dambeyn, shirka waxaa soo xirtay Raxma Maxamed Xasan oo ugu baaqday dumarka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qataan dhismaha dalka, waxayna u mahadcelisay dhammaan dadkii shirka kasoo qayb-galay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this