Sign in to follow this  
Liibaan

Maalintii Midnimada Xoriyada SOMALIA 1 July Oo Looga Dabaal Dagay Dunida oo Dhan

Recommended Posts

'Liibaan';731811 wrote:
1july11.jpg

 

1july8.jpg

 

1july10.jpg

 

1july16.jpg

 

1july14.jpg

 

 

1 July Oo Looga Dabaal Dagay Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada).

 

 

Nairobi(Allssc): Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay maalinta xornimada gobollada koofureed iyo midowgii labada gobol ee koofur iyo woqooyi ayaa waxa ay ka dhacday xarunta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo dhowaan soo Gabgabowday dacwad ku saabsaneed lahaanshaha dhulka safaaradda.

 

Xaflada oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Safaarada, waxaana ka qeyb galay boqolaal Soomaalida ku nool dalka Kenya iyo marti sharaf wadamo kale kaga yimid in ay xafladaan ka qeyb qaataan, sida faanaaniinta kala ah Ustaad Axmed Naaji Sacad, iyo Saado Cali Warsame oo labadaba heeso wadani ah ka qaaday goobta, kalmadana ka jeediyay iyaga oo ammaanay dadaalka ay safaaraddu gashay soo celinta dhulka soomaaliyeed.

 

Sidoo kale waxaa martida ka mid ahaa xubno ka socday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab oo sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay ka qeyb galaan xaflad tan la mid ah, mudo 20 sano ahna ay dagganaayeen dalka Kenya, waxa ayna uga mahadceleyeen Danjire Cali Ameeriko oo marti geleyay, kafaala qaadayna inta ay magaalada Nairobi joogaan, isla markaana dib ugu celin doono xeryahooda, markii xafladu soo gabagaboowdo.

 

Dhanka martida ajaanibta ah iyana waxaa kamid ahaa safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, iyo Safrro kale oo ka socday wadamo Soomaaliya saaxiib la ah, oo iyana aad ugu ammaanay sida ay soomaalidu ugu midoobeen in ay helaan dowlad ay u wada dhanyihiin.

 

Safiirka oo hadal kooban u jeediyay ka soo qeyb galayaasha ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday arrinka qaxootiga isga oo ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee hantida heysta in ay barbar istaagaan walaalahooda dhibaateysan, waxa uuna Illaaheey uga baryay ummaada soomaaliyeed midnimo iyo nabad waarta, oo gaarta dhamaan geyega soomaaliya.

 

Xafladan ayaa waxaa miisaan dheeeri ah sii siinaya goobta ay ka dhacday oo ah dhul ay soomaalida leedahay oo aan ahayn mid kira ah, walibana waqti xasaasi ah oo ay warbaahinta Kenya hadal heyso wararka ku saabsana maxkamadda iyo isku dayo racfaan oo dhanka Hididii iibsatay ka socdo.

Habeenkaan goobtaas ayaa ku sugnaa. It was by far the best Kowda Luulyo Reer Nayroobi had seen. Thousands of them came out.

 

Xusuus weyn ii tahay habeenkaas. Kowda Luulyo wacan mar kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

dear reer Somalia,

 

congratulatory best wishes for your 53rd anniversary of independence. mabrook. let's hope the situation of your country improves inshallah. on behalf of the Somaliand people, we are sending you our deepest felt hambalyo and brotherly love. congratulations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this