Sign in to follow this  
The Zack

Does Sharif Hassan still want the elections held?

Recommended Posts

The Zack   

You bet! LOL

 

Despite the fact that Prime Minister Farmaajo has resigned per his own request/order, Shariif Hassan now wants the parliament to have a "say" on the Kampala accord. I am being told he said "We have to go by the law and have the parliament "legalize" the accord. He knows that the accord itself states that this is final and no approval is needed from anyone yet he insists that parliament has to vote for/against it. He is secretly asking the parliament to vote against the accord so that the elections can be held on August.

 

He basically wants the other Shariif OUT.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

La jiifiyaana bannaan

 

caislaadii%20farmaajo.jpg

 

Kn: Ka hor inta aanan lasoo magacaabin Ra’isulwasaare cusub, waa in heshiiskii Kampala la horgeeyaa xildhibaanada si ay ugu codeeyaan, sidaasi maanta waxaa isku afgartay labada Shariif.

Heshiiskii Kampala wax tixgalin ah lama siinin baarlamaanka, markii shacabka ay diideen qodobadii heshiiska kasoo baxay oo uu Farmaajo codsaday in heshiiska baarlamaanka la geeyo waxaa lagu yiri “maya, maya, marka hore adiga meesha ka tag” oo waa laga diidey.

 

Hadda markii la fuliyey qodobkii ugu muhiimsanaa ee heshiiska ayay labada Shariif ku heshiiyeen in heshiiska baarlamaanka la horgeeyo, mana aha in la doonayo in laga ansixiyo ee waa talaabo lagu miisaamayo awoodaha ay kala leeyihiin labada Shariif.

 

Shalay waxaa la sheegey in ay isku mariwaayeen in Dr. Cabdiwali loo magacaabo Ra’isulwasaaraha sababtoo ah Farmaajo ayaa la socdey, laakiin wadahadalo dheer kadib waxaa haatan lagu heshiiyey in heshiiskii Kampala la horgeeyo aqalka baarlamaanka oo aanan la ogeyn nuxurka ku jira mar haddii aanan codkooda lagu meelmari doonin.

 

Arintan waxaa codsaday Shariif Xasan kadib markuu shalay ka baxay kulan saxaafaddu ka qayb gashay oo la rabay in lagu shaaciyo Ra`iisul wasaaraha, Sh. Shariifna wuu ka aqbalay. Laakiin sida KismaayoNews horay u tabisay arintani uu la soo baxay Shariif Xasan waxay ku qotontaa rabitaanka UN iyo Beesha caalamka taasi oo ah in gar iyo gardaraba Sh. shariif iyo dawladdiisu meesha dhaafaan, marka xigana magaca ku meel gaarka ah laga saaro meesha oo la sameeyo dawlad magac u yaal ah oo wadanka si toos ah loogu xalaashado saxiixyadeeda maadaama tan hadda jirta ay ka yimaadeen waxyaabihii ay sixiixeen buuq badan dhinaca caalamka. Waxaana sidoo kale miiska saaran ansixinta dastuurka cusub oo hagardaamadiisa wata.

 

Mid kamid ah qodobada heshiiska ayaa dhigayay inuu Madaxwaynuhu soo magacaaabo Ra`iisul wasaare cusub isla markaana Baarlamaanku ansixiyaa asagoon hadal ka keenin, laakiin markii Sh. Shariif soo doortay Ra`iisul wasaare waxaa diiday oo gaashaanka u daruuray Shariif Xasan oo sida la sheegay markii hore ogolaa, laakiin diiday kadib markii uu taleefan ka helay qaar kamid ah wadamada uu danahooda ilaalinayo kuwaasi oo u arka Ra`iisul wasaaraha cusub mid aan Farmaajo ka liidan.

 

Hal nuxur kaliya ayay leedahay arrintani, taasi waa in rabitaanka Shariifyada in uu yahay “la jiifiyaane bannaan” taasoo ah in siyaasadooda ay tahay kiyaawe ingiriis bool kasta lagu furi karo, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah xildhibaanada kasoo horjeeda heshiiska. Laakiin KismaayoNews waxay u aragtaa in arintani tahay oo kaliya wadiiqo lagu xaqiijinayo in dalka doorasho madiidin ah laga sameeyo bisha Agoosto ayadoo la hirgalinayo rabitaankii Beesha Caalamka, taasina waxay ku dhici kartaa in heshiiskii Kampala la horgeeyo Baarlamaanka kadibna ay diidaan, haday diidaana micnihii waxaa lagu qasbi in doorasho dhacdo bisha Agoosto.

 

Carro xoog leh ayaa ka dhalatay xil ka dagista Ra’isulwasaaraha iyadoo haatan askarta iyo shaqaalaha dowladda aysan hubin in ay heli doonaan mushaarkooda bisha tan xigta, iyadoo markii ugu horeysey ay mushaaroodkooda lix bilood oo joogta ay heleen intii uu Farmaajo xilka hayay.

 

Haweeney nadiifisa xafiiska Ra’isulwasaaraha oo qaadata bishii $150 doolar ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegtey in aysan hubin halka mushaarkeeda uu ka imanayo bisha tan xigta maadaamaa siyaasiyiinta Farmaajo eryey ay caan ku yihiin musuqmaasuq iyo lunsi lacago dadweyne, waxa ay leedahay lix caruur ah, 3 ka mid ah waxa ay u dhigtaan iskuulaadka ay dowladdu hergalisey ee lacag la’aanta ah, mid ayaa ciidamada ku biirey waxana uu guriga keenaa $150 doolar oo kale, “waxa ay uu Farmaajo ka dhignaa roob yimid abaar muddo dheer jirtey kadib” ayay tiri gabadhani oo markii ugu horeysey nolosha qoyskeeda heshay daryeel dowladeed.

 

Saadaat Maxamed Nuur waa agaasime ka tirsan wakaaladda qorsheynta iyo tabobarka ee wasaaradda qoyska iyo haweenka, sanaddii 2009kii waxa uu mushaar heley 2 bilood oo kaliya, sanadkii xigeyna 5 bilood oo kaliya, intii uu Farmaajo imaaday, hal bilna ma uusan seegin, waxa uu wakaaladdani u sheegey in uu xitaa haatan hakad geliyey qorshihiisa ahaa in uu guursado hubanti la’aan ka heysa qofka baddalaya Farmaajo darteed.

 

Waxaa jirta mucaaradad xoog badan oo xildhibaanada ay u hayaan heshiiskii Kampala, ka sokow xil ka tagista Farmaajo waxa ay aaminsanyihiin in heshiiska uu xad gudub ku yahay qaranimada dalka marka la eego labo qodob oo ku jira.

 

Kan koowaad waa mid sheegaya in waddamada dariska ah ay kormeeraan waxqabadka dowladda, islamarkaasina hubiyaan in ay qabanayso waxyaalihii loo ogmaday oo dabcan ah wax aan dalka dan ugu jirin, balse ah waxa ay iyaga doonayaan in xukuumadaasi qabato, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee Farmaajo xilka looga direy maadaamaa uu kasoo bixi waayay howshii waddamada dariska ay jeclaan lahaayeen in ay xukuumadiisa qabato.

 

Qodobka labaad ayaa ah in aanan codka kalsoonida loo qaadi karin xukuumadda lasoo dhisayo, islamarkaasina aanan lala xisaabtami karin, cidda kaliya ee la xisaabtami kartaaye ay tahay waddamada dariska ah.

 

Si kastaba ha ahaatee, maalin kasta waxaa sii kala cadaanaya dowrka waddamada dariska ah ay ku leeyihiin siyaasada Soomaaliya iyo howsha AMISOM in ay tahay xaqiijinta rabitaanka dowladdaha soo dirsaday ama qarashka ku bixiya taasi oo qaarbadan oo Soomaalida ah ka daahnayd.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this